Sidii doorkii horoo kale ma rabno inaan ilduufnee, aan kuu dooranee, bal waxa lagugu doortee aad doorkan maanta ah adigu doorinayso noo sheeg?


By: Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaanba umadda reer Somaliland gudaha iyo dibaddaba ee jecel nabadda, horumarka, wanaaga iyo gooni isu taagga Somaliland.

Maqaalkan, waxaan jeclaan lahaa inaan dib ugu yara jalleeco waxqabadka iyo hannaanka Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland ee hadda jira.

1. Hordhac:

Waynu wada ogsoonahay waxa dhib, dhac iyo dhagar qorshaysanba loo gaystay shicib  we ynaha karaamada leh ee Somaliland, waynu wada ognahay xasuuqa, isir-tirtirka iyo  gumaa dka aan xadka lahayn ee lagula kacay shicibka Somaliland, weynu ka wada dharagsanahay, yar iyo weynba, dib in-daabyada, dacatiga iyo cidhib-tirka naf, maal iyo moodba lahaa ee umaaddeena uu u geysatay Taliskii Kelidihii Taliyihii Arxanka Darnaa, ee Afweyna iyo  xulufa diisii sanadihii 1981 illaa bilowgii  1991. Ma aha dhacdo si dhibyar lagu illoobi karo laguna  da firi karo inta geesi naftiisa u huray, inta hooyo u goblanatay, inta carruur agoonowday, inta oori weyday saygeedii. Waxaa oo dhan iyo  w ax ka sii daranba, way u dhabar adaygeen ummaddan karaamada iyo haybaddaba leh ee reer  So maliland illaa iyo guushii Eebbe (SWT) timid oo ay gobanimadoodii luntay dib gacanta ugu dhigeen. Halgankii iyo kifaaxii ummaddani u soo martay hanashada dalka hooyo, ma aha mid si dhib yar loo hilmaami karo; hagarna lagamaba geli karo!.

Isa saamaxaad guud, wixii tagay ka samirkii, maaraynta waxa taagan iyo ka saadaalin  must aqbal dambe aayihii, ayey ummadda Somaliland mar kale fursad iyo nasiib u heleen in ay dib u dhistaan qarankii ka gaagaxay. Wax la kufo oo hadana la kacaba, wada tashi, isku tashi, isu tanaasul, dant a guud koow, iyo yaan dib loo noqon ayaa saldhig u ahaa hannaanka ay ku sifoobeen dadweynaha Somaliland. Taasina waxay u horseeday, nabad waarta, dib u  dh iska dalkii burburay iyo  hannaank a dawladnimo ee maanta la wada hoos hadhsanayo. Mahadi Eebbe ayey u sugnaataye, kartida iyo dulqaadka shicib weynaha Somaliland waa  de eqaha iyo darajooyinka Rabbi bixiyo ee uu ummadan ku galladay,taasi oo ay kaga  duwan y ihiin inta hayb Soomaalinimo iyaga la wadaagta.

Hanaqaadkii Jamhuuriyadda Somaliland waxaa horseed ka ahaa dadweynaha reer  Somalila nd, oo ay hoggaaminayeen labadii madaxweyna ee ugu horreeyey kadib markii ay  Somalila nd la soo  noq otay qaranimadeedii. Eebe labadoodaba raalli ha ka noqdo, naxariistiisa  jann adana ha ka  waraabi yee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Madaxweyne  Max amed X.Ibrahim Cigaal waxay asaaska u dhigeen dhismaha qaab dawladnimo oo uu  leeyah ay qaranka Somaliland. Inkasta oo  w aqtiga iyo xaaladda ay xilka madaxweynenimo ku  hay een uu aad uga duwanaa ka hadda jira, oo ay dhib iyo mashaakil badanba u soo dhabar  ad eygeen, haddana waxay ku guulaysteen in  himilad a umadda Somaliland ay hirgasho oo ay dal iyo dawlad u gaar ah umaddu hesho. Taladii, tacabkii iyo tiirarkii adkaa ee ay labadaa  m adaxweyne ka tageen, ayaa qaranka iyo ummadda Somaliland ka badbaadiyey  masiibooyin ka iyo halaagga aan loo kala hadhin ee ku habsaday dalkii iyo dadkii Somaliya la isku odhan jiray.

Haddii aan hagar laga gelin iyo taariikhdooda oo daah la saaro, dhaxal aayatiin leh oo lagu faano ayey labadaa halyey ummadda Somaliland uga tageen. Annaguna abaalkii ma illaawi doonno. Rabbi(SWT) naxariistiisa iyo jannada ha idiinku deeqo(Aamiin).

2. Kartidii iyo Yidi-diiladii shacabka iyo la wareeggii xilka madaxweyne:

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa uu nasiib u helay inuu noqdo madaxweynihii ugu  horree yey ee ay umadda reer Somaliland sida tooska ah codkooda ugu doortaan.  Halkii  la badii madaxweeyne ee isaga ka horreeyey ay xilkooda madaxweyne salka ku hayey axdi-qarameedkii beelaha Somaliland, mudane Riyaale waxaa xilkiisa madaxweyne saldhig u ahaa codka dadweynaha iyo dastuurka qoran ee qaranka Somaliland. Waxa uu madaxweyne ka noqday dal  i yo dad laga galay godobo taariikhi ah, dal iyo dad ka soo kabtay bur-bur iyo baro kac baaxad leh, dal aan haysan aqoonsi caalamiya, kol ay tahay tu bini-aadannimona dal aan loo sheeganay  taag eero dhaqaale, dal iyo dad iyagu isku tashaday oo u baahan keliya hoggaamiye u horseeda halka ay danta ummaddu ku jirto. Itaal waa halkiisee, aanu isagu dalka iyo dadka toona hagar ka gelin.

Madaxweyne Riyaale waxa uu xilka madaxweynenimo qabtay waqti ay rajeda iyo  yididiillad a  umm adda reer Somaliland marayeen heerkii ugu sarreeyey. Waxa uu horseed ka noqday ummad iyo  q aran idil oo dhisan oo la yimid sifihii, kartidii iyo wax kasta oo ummad in la  aqo onsado rabta lagu aqoonsan lahaaba.

Waxa uu nasiib u helay inuu la kowsado dhacdo iyo mucjiso aan hore uga dhicin qaaradda  A frika. Waxa dalka ka hirgalay hannaanka dimuqraadiyada oo ku dhisan habka xisbiyada  ba dan oo iyagu loollan u gala hoggaaminta dalka iyo dadkaba. Somaliland waxay ku  guulaysat ay inay dadweynuhu u codeeyaan distoorka qaranka (May 2001), 3 doorasho oo xor ahna dalka laga hirgeliyo ( 15/12 /2002; 14/04/2003 iyo 29/09/2005). Somaliland waxayna  hor seed u noqotay hab cusub oo aan qaaradda Afrika hore uga jirin.

Somaliland waxay daah-furtay hab lagu xallin karo mashaakillada badan ee gobolka ay  Som aliland ku taallo ka jira. Waxa tusaale cad noqday sida ay dadka iyo dalka Somaliland uga badbaadeen  dh ibta geeska ka jirta. Waxa kale oo ay Somaliland la timid karti iyo awood ku wajahan la  dagaallan ka arga-gixisada caalamiga ah iyo budhcad badeedka, dhiirri gelinta maal gashiga dalka iyo dib u dhiska adeegyada dhaqaalaha ee dalka, iwm. Sumcad iyo shraf baaxad leh ayaa dalkeenna u soo hoyatay, waxaana caddaatay inay Somaliland la timid sifihii iyo dariiqii la inagu aqoonsan lahaa.

Waqtigaa rejada uu adduunku Somaliland ka qabay waxay ahayd mid aad u sarraysa. Add uunku wuxuu arkayey in Somaliland ay ka jirto nabadgelyo iyo xasilooni si rasmi ah la iskugu hallayn  ka ro, goleyaalshii sharci dejinta iyo garsoorkii, hay’adihii amniga qaranka, saxaafad madaxbannaan, dhawridda xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul qawlka iyo xisbiyo siyaasi iyo dimuqraadiyaddii oo dhab ahaan dalka uga hirgashay. Waxaa muuqday waqtigaa ifafaale  fi ican oo ay Somaliland ku hiigsan karaysay aqoonsi caalami ah, waa haddii umaddu hesho  ho ggaamiye fiican oo kolba la jaan qaada siyaasadda iyo isbeddelada ka dhaca gobolka, qaar adda iyo caalamkaba guud ahaan. Hogg aamiyehaasi oo isagu yeelan doona xushmadda iyo xumaanta kolba sida uu u guto xilka loo  igm aday.

Iyada oo arrini halkaa marayso, ayey dadweynaha Somaliland markii ugu horraysay  taariik h da  do orteen madaxweyne ay codkooda si toos ah ugu doortaan, waxaana nasiib u helay mudane Daa hir Riyaale Kaahin.

Haddaba markii shacabka Somaliland ay 14-kii April 2003 mudane Daahir Riyaale u igmadeen  masi irkii qaranka iyo milgihii sharcigaba, shacab weynaha Somaliland iyaga oo adeegsanaya codkooda waxay madaxweynaha siiyeen kalsooni buuxda. La wareegii xilka madaxweyne, w axay shicibka  So maliland madaxweynaha cusub u gudbiyeen farriin ay dareenkooda iyo  ra bitaankooda ku  cabiray aan, taasi oo u muuqatay dar-daaran dadweyne oo ahaa sidan:

Dal dhise noqo iyo hoggaamiye daacada.

Dani seeto weeyee, xusul duubka geediga, ictiraaf doonistiisii kii u dibjira iyo daadihiye qaran noqo.

Dadku waxay kugu dardareen kala didiye inaanad noqon, iyo diktaytar damac adag

Noqo kii danta guud ka horraysiiya tiisa gaarka ah

Shareecada diintiyo ka dambeeya dastuurka qoran

Dil, dhac iyo dembiyadii darnaayee dadkiisa laga galay, noqo kii dareenkiisa maankiyo ka og dubaaqiisa laabtaba,.

Dibindaabyo hoosiyo duruufihii adkaayee dalkeenu soo maray, noqo kii taariikhda duugga ah ka hela dareen adag iyo deris lama illaawaan.

Kala daadinta qarankiyo, kani kula dan maahiyo, hillinadaa dahsoonee laynagu dagi rabo iyo dabinnada uu nacabku dhigo, noqo kii ka qaba digniin adag.


Haddaba, maxaa ka nool dardaarankii dadweynaha 7 sano dabadeed? Ma tixgeliyeyse madaxweynuhu rabitaanka iyo dareenka ay shicibkii isaga doortay sahayda uga dhigeen?


- - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - - -
 

Sida aan araarta maqaalkaygan ku soo sheegay, waxaan jecelahay in aan maqaalkaygan keliya ku koobo waxqabadka iyo heerka ay marayso Siyaasadda Arrimha Dibadda ee Somaliland, oo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu hayso masuuliyadda koowaad.
Dhibaatooyinka kale ee baaxadda leh ee beryahan dambe dalkeenna ka jira-(sida: qalalaasaha sharci iyo siyaasadeed, ku tumashada distoorka iyo sharciga, dhaqaale xumida dalka ragaadisay, musuqmaasaqa baahsan, ku takri-falka awoodaha qaranka iyo hantida ummadda, cabudhinta saxaafadda madaxa bannaan, ku xad gudubka xuquuqda muwaadinka iyo xadhiga sharci darrada ah)- wax badan ayaa hore looga hadlay, waxa aynu ku faallayn doonnaa maqaalada soo socda, haddii Allaha awoodda lihi (SWT) ogolaado.



3. Xilka Wasaaradda Arrimaha Dibedda:

Siada uu magacuba sheegayo, Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay dalka, dadka iyo   daw ladda ba uga wakiil tahay xagga xidhiidhka dunida oo dhan. Waa hilin laba dhinacle ah  (mut ual gateway), oo dalku dunida u sii maro, duniduna dalkaasi u soo marto.

W. Arrimaha Dibaddu waa muraayadda iyo muqaalka laga dhex akhrisan karo dal walba   siy aasad diisa iyo horumarkiisa. Waxay ka warbixisaa mudnaanta iyo ixtiraamka uu dal dunida dacalladeeda ku leeyahay iyo sida loogu hanweyn yahay loogagana dayan karo fikradaha, horumarka iyo  waxy aabaha cusub ee dalkaasi dunida u gudbiyo. Waxay dalka u matashaa xarumaha lagu gorfeeyo  la guna jaangooyo siyaasadda iyo dhaqaalaha adduunka (sida  Br uxelles, London, New York, Tokyo, Addis Abeba etc). W. Arrimaha Dibaddu waxay ka mid  t ahay tiirasha ugu muhiimsan ee dal kasta iyo dawladda ka talisaba ay ku tiirsan yihiin.

Waa haya’dda dal walba loo sii mariyo wixii mashaariic iskaashi, horumarin, difaac, aqoon, f arsamo ama teknoolajiyadda ah. Qaabka iyo hannaanka ay waaxdani u hawl iyo loollan  ga sho, dalkana uga warbixiso ayuu dal ku hanan karaa ama ku lumin karaa saaxiibo ama xulufo ay dano, afkaar iyo  isk aashiba ka dhexeeyo.

Fiiro Gaar ah: La soco qaybta 2-aad:

Xaggee wax ka qaldameen? Maxaa hakiyey geeddi-socodkii ictiraaf raadiska ee xukuumada uu  m adaxweynaha ka yahay Md. Dahir Riyale Kaahin?

Ma waxa la odhan karaa dhammaanba waddamada adduunku dhabarka ayey Somaliland u sii  jeed iyeen, diyaarna uma aha inay qadiyaddeeda wax kala qabtaan?

Mise waxa la odhan karaa xukuumadda madaxweyne Riyaale iyada ayaa adduun-weynaha  dhega ha ka furaysatay oo ka maarantay, iskuna qancisay inaan Somaliland waxbaba ka maqnayn oo ay wax waliba sidii loogu talagalay u socdaan?

Ma waxa la odhan karaa waxaan jirin qadiyad aynu adduun-weynaha ka iibino?

Mise waxa la odhan karaa habkii qaddiyaddeena loo iibin lahaa iyo ciddii iib-geyn lahayd ayey Somaliland ilaa hadda ka arradantahay?

Wasaaradda Arr. Dibadda Somaliland iyo wahsiga ku habsaday:

Malaha madaxweyne Daahir Riyale dani uguma jirto aqoonsiga Somaliland!!

 

 

 

Eng/Architect Hussein Adan Igeh(Hussein Deyr)
[UK &The Netherlands]