Go'aamadii shirweynaha Beelweynta Ciise Muuse ee London

 



London (TNN)- Waxa ku qabsoomay magaalada London ee dalka Ingriiska shirweyne ay isugu yimaad e en ergooyin ka kala yimi USA,Canada, Norway, Sweden, Germany, Holland, Denmark iyo meelo kale oo dunida ka mid ah, shirkaas oo socday 14/05/2011 ilaa 15/05/2011.

Shirkaas oo ay isugu yimaadeen rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel oo ka kooban qurba joogga beesha ciise Muuse qodobadii lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa.

Marka hore annaga oo maanka ku hayna maalintan weyn ee xuska iyo dabaal degga mudan waxa aa nu hambalyo iyo bogaadin shirku u dirayaa dhamaan shacabka somaliland gudo iyo debedba munaas abadda 18ka may ilaahayna waxaan u baryaynaa shacabka somaliland horumar barwaaqo iyo nabad gelyo waarta.

Shirku waxuu go'aamiyay in qurba joogga Ciise muuse si mug leh oga qayb qaato horumarka degaam ada beesha iyo ka somalilandba, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha iyo dhamaan waxii waxtar ah ee loo gaysanayo degaanada beesha.

Shirka waxa lagu doortay Guddi Sare oo hagta danaha beesha ciise Muuse gudidaas oo loo igmaday inay hawlo badan ka midho dhaliyaan oo dalka gudihiisa iyo debeddaba leh. Haddaba waxa shir weyn ahaas ka soo baxay go'aamadan hoos ku qoran.



War murtiyeedkii shirka Beesha Ciise Muse

Shir ay isugu yimadeen qurba-jooga Beesha Ciise Muse oo ka dhacay Magaaldda London ee wadank an Ingiriiska, bishan May 14 iyo 15 keeda.



Shirku wuxuu go’aamiyey qodobaddan:



1- In shirku hambalyo iyo bogaadin u diro dhamman bulsha-weynta Somaliland gudaha iyo debadda, taasi oo uga hambalyaynayo xuskii sannad guurada labatanaad ee dib-ula-soonoqoshaddii xoriyadda oo ku beegan 18 May, 2011.

2- Shirku wuxuu ku salaysanaa yahay horumarka bahweynta Ciise Muse ee arrimaha bulshadda, dhaq aalaha, cafimaadka, waxbarashadda, iyo dhammanba kaabayaasha horumarineed ee deegaanka bee shu degto.

3- Shirku wuxuu go’aamiyey in qurba-jooga beeshu Ciise Muse uu hormood ka noqodaan horumarinta laga hirgelinyo deegaanka beesha.

4- Shirku waxaa lagu dooratay guddi guud oo ka wakiil ah dhammaanba qurba-jooga beesha meel ka sta oo ay joogto.

5- Shirku wuxuu ku baaqay in dhamman Beelaha Somaliland ay si wada-jir ah uga shaqeeyaan, nabad geliyadda, wada-jirka, horumarinta iyo in ay meel uga soo wada jeestaan wax kasta oo dhaawacaya jirtaanka Somaliland.



Allah Mahad leh

Guddiga qabana-qabada shirka