WASHINGTON SHIRKII CAALAMIGA AHAA EE LAGU XUSAAYEY 18 MAY OO SI HABSAMI LEH UGA SOCDA MAGAALADA WASHINGTON
 

 


Washington-DC (TNN)Shirwayne caalami ah oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadaha reer Somalila nd eek u dhaqan wadamada maraykanaka iyo Canada ayaa maalintii 2aad ka socda magaalada Wa shington ,dc ee dalka maraykanaka .shirkani waxa ka soo qaybglay wafti isugu jira wasiiro iyo xu bno kale oo muhiima oo ka yimiday Somaliland oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibada ee Soma liland mudane maxamed c/laahi cumar , waxa kale oo waftiga ka mid ahaa wasiirka macda nta iyo biyaha ee Somaliland ,gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland ,gudoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee ucid iyo wasiiradii hore arimaha dibada Somaliland marwo adna aadan ismaaciil.

Dhinaca dawlada maraykanka waxa kasoo qaybgalay masuuliyiin katirsan wasaarada arimaha di  bada ee dalka marayknaka ,mudanyaal katirsan aqalka wakiilada maraykanka ,ururo iyo shaqsiya ad reer galbeeda oo tageera qadiyada Somaliland.waxa kale oo ka soo qaybgalay dad badan ee reer Somaliland ah oo ka kala yimiday gobolada maraykanka iyo Canada.


Ugu horayna waxa shirkaasi furay wakiilka Somaliland u fadhiya wadanka maraykanka mudane rashiid nuur gaaruf oo ka hadlay ujeedada shirka waxana uu sheegay in shirkani muhiim u yahay hor umarka iyo qadiyada Somaliland,islamarkaana uu waxwayn ka tari doono is dhexgalka iyo wa xwada qabsiga jaaliyadah rer Somaliland ee ku kala baahsan gobolada maraykanku uu ka kooba nyahay , mudane rashiid waxa kale uu ku booriyay jaaliyahdad reer Somaliland ee dalkani maray k naka in uu qofwaliba laxidhiidho xubinta barlamanka ugu jirta deegaanka uu ku noolyahay si qadiyada Somaliland taageero badan loogu helo .

Dhamaan madaxdii kale ee halkaasi ka hadashay ayaa iyagu ka sinnaa sida ay ula dhacsanyihiin horumarka Somaliland ka socda , waxa kale oo ay sheegeen in la gaadhay waqtigii Somaliland calamku ictiraafi lahaa.

Shirkani oo socondoona labo maalmood waxaa barbar socda xaflado loogu dabaaldagayo sandgu urada 21aad eek a soo wareegtay qarannimada Somaliland oo ay ka tumi doonaan fanaaniin caa na oo ka kala yimiday wadamada yurub iyo maraykanka oo ay ka mid yihiin labada fanaan ee ca anka ah nuur daalcay yo nimco yaasiin.

Shirkani waa kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo ay soo qabnqaabiyaan jalliyadaha reer Somalila nd oo ka dhaca duleedka magaalada Washington,dc ee xarunta marayknka.
 




Awale abdilahi awale
Somaliland news agency, Washington, dc