Shirkii Ka Socday Tuuladda Dubur ee Gobolka Saaxil Oo Laga Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Sideed Qodob.

 



Beeshu waxay ka xumaatay faragalinta ay xukuumaddu kula kacday beesha......



Dubur (TNN) Shir Beelaha Ciise Muuse Uga Socday Deegaanka Sheekh gaar ahaan Tuuladda Dub ur, ayaa laga Soo saaray Go,aan ka kooban Sideed Qodob, waxana ay sheegeen in uu Bayaanka ni yahay Mid ay Gaadheen Masuuliyiinta, Madaxdhaqmeedyadda iyo Qayabaha kala Duwan ee B eeshaasi.

Shirkan oo soo Gabgaabobay Maanta ayaa laga dhex sheegay Bayaankan, kaasi oo ka kooban Siddeed Qodob. Waxana uu u dhignaa Sidan.

1. In jiritaanka iyo gooni isutaaga Jamhuuriyadda Somaliland gor gortan gali karin, aanuu yahay laba taabtaan.


2. In nabadgelyo iyo deris wanaag lagula noolaado Beelaha jaarka ah iyo beelaha Somaliland oo dhan


3. Wixii dhib ah ee dhex yimaadd beelaha in nabadgelyo iyo wada hadal lagu dhameeyo.


4. Beeshu waxay taageeraysaa xukuumadda kasta oo somaliland ah oo ku timaadda Doorasho iyo siffo sharci ah.


5. Beeshu waxay ka xumaatay faragalinta ay xukuumaddu kula kacday Beesha.


6. Beeshu waxa ay ku hashiisay in ay ka shaqayso Horumarinta Deegaanka Beeraha Ciise Muu se iyo adeegyadda Bulshadda Sidda Caafimaadka, waxbarashadda,  ilaalilnta deegaanka iyo wa xayaabaha la mid ah


7. Beeshu waxay samaysatay Guddi 41 Xubnood ka kooban ,oo  danaha Beelaha Ciise Muuse ka shaqaysa, gaar ahaan dhinaca Horumarka.


8. Beeshu waxay aad iyo aad ugu mahad celinyasaa Beelihii nagu soo booqday Shirkan iyo Beela ha uu wakhtigu u samaaxi waayay in ay noo yimaadaan .
 


Si kastaba ha ahaatee Shirkan ayaa Bilaabay 29 September,2011, Sanadkan aynu ku jirno, wax ana uu soo dhamaanay maanta,4 October,2011.

Maaliintii shalay ayay ahayd markii ay booqdeen shirkan ergooyin cuculus oo ah Salaadiinta Gu ud ee Goboladda Maroodi jeex, Gabiley iyo Togdheer.

 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland