Shirkadda SOMCABLE Hirgalkeedu Waa Horumarka Somaliland Oo Hubaala + Xogo Kale!

 

 

Waxa aan jeclahay inaan halkan idiinku soo gudbiyo xogo dhinacyo badan taabanaya oo ku sahab san mashruuca loogu talo galay Isgaadhsiinta casriga ah ee xadhiga badda hoos mara ee mudoo yinkan dambe noqday midka loogu hada-lhaynta badan yahay ee Som-Cable.


Horta aan idiin gudbiyo guud-mar ku saabsan mashruuca faa’iidada badan ee shirkada SOMCABLE ee isgaadhsiinta badda, mashruucan oo Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha Cusub Axmed Siil aanyo ay u ogolaadeen shirkada SOMCABLE oo uu hormuud u yahay muwaadin u dhashay Somalil and iyo wadanka Jabuuti “Waa Maxamed Aw Siciid Geedi”, wuxuu noqday mid ay si weyn isku wey diiyaan dhalinyarada iyo dadka daneeya horumarka ee ku nool Somaliland, hadal hayntaas ayaa ah mid salka ku haysa muuqaalka horumarka la xidhiidha ee uu ku duugan yihiin faa’iidooyinka xa d-dhaafka ah ee wax-tarka u leh dalka iyo dalka Somaliland ee ku Jira mashruuca SOMCABLE.


Shacabka ayaa iyagu aaminsan in hirgelinta mashruucani u keeni karo Somaliland in ay la jaan qa adaan ama la talaabsadaan shucuubta horu martay ee dunida aan ku nool nahay, taas oo ay ka eegayaan, in Isgaadhsiinta casriga ahi ay tahay laf-dhabarta dhaqaalaha aduunka, maadama ma anta aduunku marayo golobasayshan amase sali lagu wada fadhiyo.


Haddii aynu si gaar ah isu dul-taagno waxa ay tahay faa’iidada uu leeyahay mashruucan shirkada SOMCABLE ay fursada u heshay, ugu horayn wuxuu faaiido leeyahay maa lgelinta ku baxaysa mas hruucani waa mid dhaqaale soo gelinaya Somaliland. Waxaa laga helayaa qiimo jaban oo dhanka Isgaadhsiinta kala duwan ah, Sida isticmaalka Telefoonada, Internetka, Radiyayaasha, TVyda iyo wax kasta oo keeni kara xidhiidh xaga isgaadhsiinta ah, mida sadexaad waxa uu faaiido u leeyah ay ganacsatada oo heli doonta macluumaad jaban oo la xidhiidha suuqyada badeecadaha lagu ga do ama lagu gato,Sida suuqyada Saamiyada ganacsiga, mida Afraad wuxuu faaiido u leeyahay dh anka Aqoonta iyo Waxbarashada oo laga helayo Aqoon saraysa oo qofku la xidhiidhi karo si sahl an meesha uu ka rabo cilmi. Mida shanaad wuxuu faaiido leeyahay in la aamini karo Somaliland dh anka maal gashiga marka la hirgeliyo mashruucan SOMCABLE, ka dibna waxaa iman doona maalqa beeno kale oo shishiiye ah, isla markaana maal gashi ku samayn doonaa Somaliland, Mida Lixaad ee uu faaiido leeyahay waxa weeyi dhanka horumarka iyo socodsiinta maamulka dawladnimada oo uu ka caawinayo in laamaha dawladu isku xidhmaan darif ilaa darif wadanka, gaar ahaan wixii maamul iyo nidaam dawli la xidhiidha.


Si kastaba ha ahaadee mashruucan shirkada SOMCABLE waa Mashruuc Horumar leh oo Maaxdii h ore ina soo food saartay, laakiin waxaan ku arkaa mararka qaarkood wargaysyada qaar oo dhaliil ka sheegaya ama Afkaar ku lid ah faafinaya, taasina waxaan u arkaa inay la mid tahay Sakaaradii webiga ka talaabi kari weyday ee intay ku kaadiday tidhi Akhas minak ma cidbaa dan kaa leh ! ka dibna webigii ku yidhi Kaadidaadu waxba i yeeli maysee waxaan ogaaday halka ay calool xumadu kaa taagan tahay, hagoog xume yeel kadiisa ayaan leenahay kuwaas, shirakada hawsha ku guula ysatayna waxaan kula talin lahayn inayna arimahaas dheg u dhigin, waayo waa laga warqabaa in dacaayadahaas ay ka dambeeyaan kuwo la socda shirkada ku hungawday mashruucan sida DALCOM oo kale, waxaanan odhan lahayn shirkadaasina wadankeedii ha aaminto waxba yaanay hungurayn meel kale. la soco cadadka dambe.


Haddii aan gees kale iska taago, qaar ka mid waxgaradka reer Burco oo wakhti laga soo gudbay burco shir saxaafadeed ku qabtay, ayaa cambaareeyey dad ay ku sheegeen inay Somaliland uga ololaynayaan shirkad Somali-weyn ee Dalcom Somalia, kuwaas oo sheegay inay taageero u muuji nayaan Shirkadda SOMCABLE, isla markaana la siiyay qandaraaska keenida kaybalka Badda la soo hoos marinayo.


Waxa ay wax-garadkaasi si kulul u dadafeeyeen warar warbaahinta ku soo noqnoqonayay, oo ti baaxayay dad u ololaynaya shirkada laga leeyahay Somaliweyn ee Dalkom Somaliya taas oo dona ysay in qandaraas lagu siiyo kaybalka Isgaadhsinta ee bada Berbera la keenayo. Qandaraaskaas oo la siiyay shirkada Somcable oo iyadu ah shirkad wadaaniya fa’iidadeeduna ay dalka Somaliland dib ugu noqonayso. Isla markaana dalka magac iyo waxtarba ku soo kordhisay kadiib markay ku guulaysatay inay kaybalkaas Berbera ku keenayso magaca Somaliland. Halka Dalkom ku ololayna ysay magaca Somali-weyn.


Kaybalkan oo ka mid ah Lixda kaybal ee mara bada caalamiga ah ayaa markii u horaysay shirkada Somcable ku guulaysatay in kaybalkaas ay magaca Somaliland dalka ku keenayso. Marka waxa w ax laga damqado ah iyada oo magacii Somaliland la haysto in danaheena la dabo wado magaca Somali-weyn. Waxa xusid mudan in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale iyo Madaxweynaha hadda Axmed Maxamed Siilaanyo ay isgaga aragti ahaayen labadan shirkadood marka laga eego maga ca Somaliland ay labada Madaxweyne ee kala danbayey (Priority) siiyeen shirkada Somcable.


Waxa kale oo xusid mudan “Dalkeena dantiisu waxa ay ku jirtaa hirgelnimada SOMCABLE, isla mar kaana in la iska iloobo Dalkomtan ay qaar inaga mid ahi ka hadlayaan. Qolada Dalkom-na waxaan leenahay dambiilayaal ayaad tihiim ee qarranimada Somaliland xaal-siiya.”

Waxa aan la hilmaami Karin soo bandhigii ay Shirkadda SOMCABLE soo bandhigtay qaabka ay dalk a uga hireglin doonto isgaadhsiinta Cable-ka badda iyo goobaha la soo marin doono.

Munaasibad loo sameeyey bandhigga qaabka shirkadda SOMCABLE u hireglinayso fullinta qandar aaska Cable-ka badda hoosteeda oo ah mashruuc isgaadhsiineed oo loogu talogalay inuu isku xid ho dalalka ku yaal Afrikada bari, Koonfur Afrika, Asia iyo Europe oo lagu qabtay hudheelka Maans oor ee magaalada Hargeysa, ayaa maamulka shirkadu waxa uu sheegay inay dalka keeni doona an xadhigga isgaadhsiinta badda hoosteeda ee loo yaqaan “Fiber-optic,” kaas oo ay xuseen in ay keenayaan xarunta ay isugu yimaaddaan xadhkaha cable-da dalka Jabuuti ee aynu deriska nah ay.


“Qorshihii aanu ugu talo galnay hawlaha shirkaddu wuu noo dhamaystiran yahay, waxa ugu muh iimsan ee aanu maanta doonayno in aanu bulshada u sheegnaa waxaa weeye qaabka aanu doon ayno inaanu shaqada u bilawno, waxa kale oo aan halkan ka sheegaya in shirkadda ay u qorshay san tahay inaanu maalin gaara u samayno siday dadweynuhu uga soo qayb galaan is diiwaan gal inta shaqaalaha aanu qaadanayno.” Sidaa waxa yidhi Yuusuf Xuseen Cabdalle oo ah Madaxa hor marinta qaybta ganacsiga ee Shirkadda Somcable oo mar uu Hargeysa shirjaraa’id ku qabtay ar rimo badan faahfaahin ka bixiynayey.


Yuusuf Xuseen Cabdalla waxa uu sheegay inay shirkaddu gabagabo marinayso ilaa 1000 KM oo ay gaadhsiinayo xadhigga waayarka ah ee soomaray Badda hoosteeda waxaanu xusay inay sha qaale farabadan u qaadan doonaan arimahaasi si ay u dhamayso shirkadu hawlaha baaxadda leh ee laga sugayo. Waxana uu yidhi “waxaanu soo wadnaa hawlo balaadhan oo labada sanadood ee soo socda dadka mashquulindoona.”


Waxa kale oo uu sheegay in shirkada Somcable ay ka diwaan gashan tahay Somaliland oo ay Rus qada ka qaadatay Wasarada Boosaha iyo Isgaadhasiinta waxanu yidhi “Shirkadda Somcable mark ii aanu barnaamijkan soo galaynay waxaanu sharci dhamaystiran ka soo qaadanay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Somaliland oo aanu warqad sharciyeysan ka haysano Somaliland ba anu aqoonsanahay sharciga dalka u yaalana waanu ku shaqaynaynaa waxa kale oo uu sheegay in shirkada Somcable ay tahay shirkad weyn oo ka shaqaysa in ka badan 52 dal oo caalamka gudi hiisa ah”Yuusuf Xuseen Cabdalla waxa kale xusay in ay dadajinayaan hawlaha shirkada waxanu yi dhi “Shaqada ugu badan ee na hortaalay waxa weeye ilaa kunka mitir ee xuduuda somaliland mar aya, dhinca xadhiga badda qaadaya waa xadhig Markab qaadayo dhismiihii Berberana waxaanu furaynaa Bisha Labaad dhammadkeeda shaqadiina way socotaa, ka Hargeysi in uu ka yara dab e e yo ayaa laga yaaba oo dabadii ayanu bilawanay, Hawsha shaqadu xawli ayey u socota maalintii 16 sacadood ayaanu shaqaynaa waxa kale oo jira dad dacayado ka fidinaya Shirkada Somcable oo leh Djabuuti ayey Qayb ka tahay taasina suuro gal maaha in uu dal Subtation u noqodo dal ka le Jabuutina waxaanu ku leenahay deegaan oo sida aanu Somaliland u daganahay oo kale ayaanu u daganahay balse wax kale oo nagaga xidhani majiraan ganacsiguna waad ogtihiin oo wuu iska xaasid badan yahay”Ayuu yidhi Yuusuf Xuseen Cabdalla.


Isku soo wada duuboo, waxa hubaal ah in Shirkadda SOMCABLE hirgalkeedu uu yahay Horumarka Somaliland, isla markaana in laga bixi doono baahidii isgaadhsiineed ee internet-ka oo aad dadku cadaadis kala kulmaan shirkadda hadda ee ay isticmaalaan, iyada oo shirkadaha qaar ay dadka ku dhiir-miirtaan adeega internet-ka.

 

 

 

 

Cige Jaamac Muumin