Dawlada Somaliland oo Hargaysa shir kula Yeelatay Wadamada iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Deeqaha Bixiya
 

 

Shirka waxaa ka soo qayb gelaya wadamada deeqaha bixiya wakiiladooda ,waana shirarkii inta badan ka dhici jiray dalka Kenya oo manta ka dhacaya magaalada Hargaysa

Hargeysa  October 12,2010 (TNN)-Shirkani oo manta ka dhacay magaalada Haragaysa ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Somaliland ee ay dawlada Somaliland iyo wadamada Deeqda b ixiya iyo sidoo kale hay’adaha Deeqaha bixyaa ay wada yeeshaan,sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Di bada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkan Somaliland, Md Maxamed C/laahi Cumar oo u waramayay La anta Af-kas Somaliag ee BBC-da, in shirkani uu ka mid yahay shirarkii hore uga dhici jiray ama loogu qab an jiray dalka Kenya, waxaanay u jeedadiisu ahayd sidii Dawlada Somaliland,Wadamada Deeqaha Bixiya iyo Hay’adaha caalamka ee Deeqda bixiyaa uga wada arinsan lahaayeen nimaadka iyo qorshaha hour-marka xukuumada cusub ee somalialnd iyo dunida deeqaha bixisaa ay u wada yeelan lahaayeen iskaashi, heshiisyo iyo nidaam ay ku wada shaqeeyaan mustaqbalka.


Wasiirka arimaha Dibada Somaliland ayaa ugu horayn waxa la way diiyay u jeeda ugu wayn ee shirkan  a y manta xukuumada Somaliland la yeelatay wakiilada wadamada Deeqaha bixiya iyo Hay’adaha calamiga ah ee Deeqaha Bixiya waxaanu ku jawaabay “ U jeedada ugu wayn ee shirku waxay ahayd sida laga  wa da war qabo somaliland waxay gashay wejigii horumarka waxaanay ka soo gud-baysaa wejigii gar  gaar ka xaga bini’aadam nimada ee berigii hore loo fidin jiray, markaa shir arimahaasi lagaga go’aansanayo  i yo qaabka wada shaqaynta mustaqbalka ee hay’adaha caalamka ee deeqaha bixiya iyo wadamada  dee qaha bixiya iyo Somaliland ayay muhiimada shirkani ahayd,

Shirka waxaa ka soo qayb gelaya wadamada deeqaha bixiya wakiiladooda waana shirarkii inta badan ka dhici jiray dalka Kenya oo manta ka dhacaya magaalada Hargaysa u jeedaduna waxay tahay uun in laga wada arinso nimaadka iyo qorshaha hour marka xukuumada cusub ee somaliland iyo sidii dunida deeqaha bixisaa ay ula yeelan lahayd iskaashi, heshiisyo iyo nidaamkii lagu wada shaqayn lahaa”.

Waxaanu wasiirku intaa raaciyay “ waxaanu doonaynaa in mucaawamada Somaliland la siiyo ay ka soo baxdo khaanadaha ama bajadka xaga horumarinta ee dawladaha wax caawiya, halka ay berigii hore ka iman jirtay miisaaniyada xaga bini’aadam- nimada iyo gar-garka deg dega ah ay ka soo bixi jirtay, ayaa nu doonaynaa in sidaa lagu kala bedelo iyada oo ay ku salaysnaan doonto baahida iyo barnaamijyada horu marineed ee somaliland ay qaran ahaan u leedahay ayna ku salaysnaan doonto mucaawimadaasi dawliga ahi in dawladaha deeqaha bixiyaa ay kaalmadu naga soo gaadho” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadu”.


wasiirka arimaha dibada Somaliland waxa kale oo uu sheegay tan iyo intii ay Somaliland xornimadeeda  d ib ula soo noqotay in ay tahay markii ugu horaysay ee ay shir noocan oo kale ah la yeelato wadamda iyo Hay’adaha caalamka ee Deeqda bixiya “Waa markii ugu horaysay ee taariikhada dhaco tan iyo intii ay  S omalilanad jirtay shir noocan oo kale ah oo lagaga hadlayo mucaawimada ay dawladaha deeqaha bixiyaa somalailnd ku taageeraan oo ku salaysan hor u marka iyo qorshaha soamlailand ay leedahay kana soo baxaya miisaaniyada xaga horumarka ee ay dalalkaasi leeyihiin waa markii ugu horaysay ee shircayn  ka asi ahi uu dhaco kana dhaco jamhuuriyada Somaliland gudeheeda “.


Wasiirka oo la waydiiyay Su’aal ahayd xukuumad ahaan meelaha ay doonayaan in laga taageero iyo  wa xa u qorshaysan ee ay la hortegeen Wadamada Deeqaha bixiya ,ayaa waxa uu ku jawaabay “ Dalkan  S omaliland waxa uu leeyahay barnamij qaran oo horu marineed hawlaha aanu dooonayno in ay  aduunay du iskaashi nagala samaysana waxa ay ku salayan yihiin barnaamijkaa hour marinta ah ee dalku  leeyah ay waxaa barnamijkaasi ka qayb-qaadanaya iskaashigiisa iyo u diyaar garowgiisa guud ahaan hay’adaha qaranka somaliland ee xukuumada cusub iyo degmooyinka iyo gobolada dalkaba.

markaa qorshuhu halkaa ayuu ku salaysan yahay waxaana ka qayb gelaya shirkan hay’adaha qaranka intooda badan oo ay hay’ad waliba barnaamijka qaran ee la sameeyay soo ban dhigi dooonto si  marka asi uu u noqdo barnaamij guud oo ay qaran ahaan Somaliland leedahay, oo aanu kala wada hadalno  wad amada deeqaha bxiya in ay hour markooda iyo iskaashigoodu uu inta badan ku salaysnaado baahida  qar an ee halkan ka jirta waxaananu xooga saaraynaa arimo ay ka mid yihiin metelan biyaha,shaqo  abuurka ,dhaqaalaha,waxbarashada.,caafimaadka,wadooyinka dalku u baahnayahay iyo Airpot-yada oo aanu u arkayno in ay yihiin kaabeyaasha waa wayn ee dalka ee xaga dhaqaalaha si dalku uu u helo ilo dhaqaale oo shaqo abuuri kara”. Ayuu ydihi wasiirka arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah eedalkan Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada oo la waydiiyay su’aal ahayd in madaxwaynaha Somaliland shalay lagu  wareeji yay daraasadii ama qiimayntii ay guddida heerka qaran ahayd ku soo sameeyeen sidii ciidamada  dawla da loogu samayn lahaa Derejooyinkii, bal in ay taasi kala hadleen iyo in kale Hay’adahan ay manta shirka la yeesheen waxa uu ku jawaabay “ Sida laga war qabo barnaaamijkii siyaasada ee xisbiga KULMIYE intii aanu talada dalka ku guulaysan waxaa ka mid ahaa in hawl gal qaran laga yeelan doono arimaha xaga derjooyinka ciidamada, xaga daryeelka iyo xaga hour markaba, dhamaan ciidamada iyo nabad geliyada ha day tahay ciidamada qalabka sida iyo kuwa kaleba, markaa hawlahaasi hawl galo hor dhac ah oo  arin taasi ku jahaysan ayaa dhawaan dalka ka bilaabmay madaxwaynuhu wuxuu bilaabay hawlahaasi in uu guddo galo waxaana loo sameeyay guddi qaran oo xukuumadu ay u dirtay in ay farsamo iyo talaba ka soo jeediyaan sidii ciidanka s/land derejooyinka iyo nidaamkii uu u baahnaa loogu samayn lahaa, hawsha asina waxaanu si aad iyo aad ah ugu faraxsanahay in ay si rasmi ah u bilaabantay hawl galkeedu” ayuu hadalkiisa ku soo Gbe-gabeeyay Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md MAxamed C/laahi Cumar oo manta u waramayay Laanta Af-ka somaliga ee BBC-da.

 

 


Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa , Somaliland