Sheeko gaaban:
Dhible iyo
Dhiblaawe
"Miyey
dhoohanyiin mise waa dhabar adayg"
Waaba yaab, oo ma intaasaan mar
hore garan waayey. Tan iyo maalintii aan Ing iriiska soo galay,
shaqo hagaagsan ma aan qaban, niyad jab iyo calaacal ayuun baan la
dhexj oogay London. Shaqo la'aan, mafrish aan maalin kasta fadhiyo,
waxbarasho la'aan, inta as oo daltabyo ii dheertay baan 19 sannadood
ku jiraa. Maanta maalin ay iiga farax bad antahay ma jirto.
Waa in aan u sheegaaa Cutiya, maanta ha faraxdo, weligayba kamaan
farxine.
Goobtu waa London. Dhible waxa uu soo galay ingiriiska 91kii. Waxa
weheliyey Xaaskiisa iyo saddex carruur ah (Laba wiil iyo gabadh).
Muddadii hore waxa ay ku jireen dedaal i yo sidii ay ula
qabsanlahaayeen dalka cusub ee ay yimaadeen. Laakiin, intii danbe
deda alkaasi wuu is dhimay. Wax badan baana si taban ay ugala
kulmeen noloshii cusbayd.
Dhawrjeer oo uu is yidhi dalkii
tag na, waa ay u suurto geli weyday dhanka kharashka a wgeed.
Sannadkii u danbeeyey ayuu bedeley mafrishkii hore ee uu ku qayili
jirey, oo nin ay aqoon fiican isu lahaayeen muddo dheer, ayaa ku
yidhi, " waar rabaca aad la fadhido kolba waa la bedelaa, haddii
kale waxba ka faa'iidi maysid, ee Mafrishkayaga kaalay. Intii uu
Mafrish kaa fadhiistay waxa uu bilaabay olole u ku taageeraayo
xisbiga Dawladda..
-Cutiyaay! shandada ii diyaari, oo
dharka ii kaawadee, khamiista soo socota ayaan baxayaa oo dalkii
tegayaaye.
-Yaa, ma adigaa dalkii tegaya? Waar!
war kale keen, toban jeer ka badan inta lagu yidhi kaalay oo
hooyadaa way xanuusanaysaaye soo arag, ee aad mar kastaba ka dhega
ad aygtay. Ilaahay ha u naxariistee adigoon soo arag ayuu xaqii u
yimi, oo maxaad maanta dalkii ka doonaysaa.? Ehelkaa iyo
qaraabadiiba, waad ka go'day oo maanta cid aad u tirsantahayba ma
jirto.
- Marka geel loo heeso, maxaad gorayo
ugu heestaa, intaaba waad i ogayd oo waa kii b aadh ii bixi
waayey, ma kibirbaan dadka uga go'ay, maxaan la hortagaa? Intaasaan
maq naa oo adigaan ku weydiistaa shaaha aan makhaayadda ka cabbayo,
maxaan hayey? Wixii hore tiigsimaad mallaha ee markaan tago, waxa
iga danbaynaysaan ba waa saddex bilood, inta aan guri idiin dhisayo,
ee aan gaadhi idiin diyaarinayo ayuunbaad iga danbaysaan.
- Waxaan ku weydiiyey, ma qaad badan
baad xalay cuntay? Mise qaadkii baad wax kale ku dartay?
- Maxaad u jeedaa?
- Dee igulama hadlaysid miyirqab ee, ma
ninkaaga wax ba ka qabsan kari waayey Lond on oo dadna tahriib
u soo galaan, baa maanta halkii laga soo cararayey, guryo ka
dhis aya, Wax maanka gala igula hadal.
- Cutiya, i maqal, sirta dawladda
bannaanka ha iga soo wada dhigine, waxa aan ku idhi, saaka ayaa
tilifoon la igula soo hadlay, waaba madaxtooyadii Somaliland, dee
soo bax baa la i yidhi, waxkastaana waa kuu diyaar baa la yidhi,
gaadhigii, gurigii dee adigu wax kasta, oo loo baahnaa, waa
diyaar. Waxa la ii magacaabayaa wasiirka dharka iyo kaba ha ee
Somaliland. Dee farxad weeye, oo aynu illawno wixii dhib innaga
qabsaday halkan.
- Ma adigaa laguu magacaabay wasiir! ma
adiga oo waayo dadkii miyey madheen-
- Waar bal ibtiladan iyo lama aragtan
eega! Sowtii aad igu canaanan jirtay qayrkaa waa wasiiro, maxaa
dhacay ee ku bedelay, oo adigaaba ka naxaya ee maxaad u malayn
qolo oyinkii Mafrishka 15 ka sannadood aanu wada fadhinney. Waaba
cidba ha u sheegin.
Dhible, waxa uu ka baxay gurigii,
isagoon dhankaa iyo dhankaa midna eegin ayuu waxo ogaa lacag
ah oo loo soo dhigay Dahabshiil ka qaatay. Diyaaraddii buu goostay,
Dubay buu sii maray. Mise waaba Hargeysa. Waxa ugu danbaysay 1988kii
bishii julay badhtan keedii. Dib uguma uu soo noqon. Markii uu
dayuuraddii ka degey, baa askari dayuuradda hoostaagani kuyidhi:
Waar ninkani ma Dhiblaa! Haa waa isagii ee adeer isu kay sheeg. Waa
la ii kaa soo diray oo waxa la yidhi, dhinaca VIP-iida gee.. Waxa ku
sugaya wasiirkii dhagaxaanta iyo ciidda iyo wasiirkii Furshaanta iyo
barkimooyinka. Yaa adeer ma anigaa cid-ba la soo hadlay. Soo soco.
Mise waxa loo taaganyahay ba saf dheer. Koonaha midig ayuu salaan
kaga soo bilaabay. Midkastaba marka uu salaamayo, ayuu magaciisa oo
saddexan iyo masuuliyadda uu hayo sheegaa.
Waa wasiirkii dhagaxaanta iyo ciidda, waa kii Furshaanta iyo
barkimooyinka, waa kii dun dumooyinka, markuu halkaa marinayo
ayuu Dhible gacantii kala booday"
Acuudu billaahi minasha..." Dundumooyinka aa, waar sawtii la odhan
jiray ha u dhowaanina, yaan la idin derderine. Qosol baa loo dhacay,
waar show qurbahaad ku raagtay, waar dundumooyi nku kuwaad
moodday maaha'e wasiirka salaanta ka qaad. Markii salaantii
dhammaatay baa la geeyey qol ay yaalliin fadhi aad u quruxbadan oo
si fiican u sharraxan. Bun maca an baa loo keenay, waa la
sheekaystay. Wasiiradda waxa ku jira, nin si fiican u garana
ya Dhible, balse isagu aanuu garanayn.
Waaryaahe Dhible, ma i garanaysaa?
Maya! dee maxaanu garanaynaa maskaxdayadiiba miyey joogtaa. Inna ma
xasuusantahay Mafrish kii dabaqa dheer hoostiisa ku yaallay ee
dee xaafaddii Hawada Sare/London. Haa, sidee baanaan u garanayn,
miyaad fadhiisanjirtay, oo ma anigaaba ka kici jiray. Magacii
miya ad bedeshay? Haayoo, waxa aad ii taqaanay Maxamuud yare. Waar
ma ninkii yaraa ee muqayilka ahaabaa. Oo malaa wasiirada waabaan
wada garan doonaa.
Ilaa saacad dabadeed baa la keenay hudheel aad u quruxbadan, qolkii
loo sii diyaariyey buu galay. Waar dhible,
miyaanaad shandado sidan.? Ma anigu waar mayee waan sitay e,
Dubay bay igaga xadeen. Dee waa ku kaa,
ee iska naso.. Mabuu nasane, taleefan buu qabsaday, si uu ehelkii
iyo qaraabadii u soo salaamo. Haloow, waa kuma waa
Dhible'e.
Ma londhan baad ka soo hadlaysaa,
hadalkaagaba maanu maqale muddo dheere. Mayee Hargaysaan idinla
joogaa. Qaraabo iyo Ehel intii uu ka gaadhi karayey ayuu soo maray.
Maalintii danbe ayuu u yimi Maxamuud yare. Inakeen, ballan baa
lagaaga sameeyey mad axweyanaha'e. Yaa ma durbaba, oo sawtii la
lahaa waa mashquul. Waar adiga cidi kaa m ashquulimayso'e oo
warkaagaa la hayey in muddo ahba'e, soo dhakhso.
Kabihii buu degdeg u xidhay. Rubucsaace ka dib waxa uu
Dhible horfadhiyaa madaxwey nihii.
Asalaamu calaykum, wacalayku wa salaam. Ma ninkii warkiisu nagu
bataybaa. Yaa madaxweyne , maxaad tidhi?
Dhible wuu naxay, oo is yidhi, waa
maxay warkan uu sheegayaa. Hadana is giiji oo wuxu u yidhi,
hawlahayga iyo dedaalka ayaa iska badnaaye, maxay yidhaahdeen. Mayee
waxa aanu haynay, ma aragtaayey, in aad aad u dedaal badantahay oo
aad tahay muwaadin u dhega nugul dawladdiisa iyo dadkiisaba. Laga
bilaabo, maanta waxa aad tahay wasiir ka
dharka iyo kabaha, sidii aanu tilifoonka kaaga sheegnay. Waxa
aan ku weydiiyey ma daxweyne, markii hore kamabaan fikirine,
dharka iyo kabaha maxaa lagu samaynayaa. Madaxweynihii iyo
laba nin oo ag fdhiyey baa qosol la dhacay! waar waa nin qurba ku ra
ag ah, kabaha iyo dharku kuwii aad
taqaannay maaha.. Yaab iyo amankaag, waar xero jin baanu soo galnay
ayuu hoos u yidhi, Dhible. Waa yahay
madaxweyne. Hawshana be rri ayaad bilaabaysaa. Waa tahay. nabadgelyo.
Dhible wuu soo baxay, wuxuu weydiiyey
Maxamuud, waar Xafiiska wasaaraddu waa halk ee. Xafiis ba ma laha
ayuu ugu warceliyey. Wuxuu intaa u sii raaciyey, waar duruufaha la
qabso, oo dantaada ka raac iska dhaaf su'aalahan badan. Waan gartaye
adigu berigii waanu ku weynay uun, ee goormaad timi dalka? Maxamuud
baa yara ilka caddeeyey, oo berigii waxa aynu ku jirnay
huuhaa iyo mucaaradad aan shaqaynayn,
waatii la ila taliyey ee la igu yidhi waar
xagganay ka dhowday. Maalintaa laga bilaabo ayuunbaan
bilaabay xidhiidh aan ku baranayo madaxda dalka, dee sidaan kolba
jaranjaro u sii koraayey waa anigaa isla helay,
gaadhi, guri iyo kharash aan xisaabsanayn.
Reerkiina dee london bay caydha qaataa.
Waxa aad iiga warrantaa ninkii Dhiblaawe
ma aragtay in muddo ah xaggan buu soo jira ye. Haa waan arkay,
ninkaasi waxba ma kala oga, dhalliil aan meel
gaadhayn buu makh aayadaha la fadhiyaa oo halkaasuu
dawladda ka caayaa. Waar haaye ninka
saaxiib baa nu nahaye ila doono...................La
soco qaybta danbe
Qore: sayid M Yuusuf
gacanlibaax2001@yahoo.se |
|