MARXUUM SHEEKH CABDILLAHI SUUFI JIBRIIL OO MAGAALADA GABILEY KU GEERIYOODAY

 



Gabiley (TNN)-Rabbi naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiye, waxaa maanta Magaalada Gabiley ku geeriyooday Sheekh Cabdillahi Suufi Jibriil ,oo ka mid ahaa Culimada waawayn ee Somaliland ,gaar ahaana Gobolka Gabiley.

Marxuumka ayaa in muddo ah Xanuun u jiifay isaga oo saaka subaxdii ku geeriyooday gurigiis a oo ku yaala Magaalada Gabiley , isla maanta lagu aasi doono.

Alle ha u naxariistii Sheekh Cabdillahi Suufi Jibriil, waxa uu ka mid ahaa Bahda Wasaarada Wa xbarashada Somaliland ,waxaanu ahaa Macalin wax ka soo dhigay Jaamacadii Lafoole iyo Ma daaris badan oo diini ah ,oo ku yaala Somaliland iyo Somaliya.Marxuumku Waxa uu ifka kaga Tagay 11 Caruur ah, waxaana aad loogu xasuusan doona Duruustii Diiniga ahayd ee uu ka bixin jiray Masaajidada Gabiley.

Dhammaan Bahda Timacade News ,meel kasta oo ay joogaanbba,waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraya an Qoyskii, Qaraabadii,ehelkii  iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Sheekhu, gaar ahaa wiilkiisa Sheekh Mustafe Sheekh Cabdillaahi Suufi  Jibriil iyo dhamaan awlaadii kale ee uu ka tagay Marxuumku.

Waxaanu illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo ,Aamiin



Timacade News Desk
Gabiley  ,Somaliland