“18 ka May waa Gar-sheegasho aynu Dawladaha Adduunka xaq ugu leenahay si aynu ula macaamilno’e waa inaynu ka wada qayb qaadanaa”Sh Adan Siiro

 


Hargeysa (TNN Sheekh Aadan Xaaji Maxamud’Aadan Siiro’, ayaa qudbadii Jimcaha ee maanta kaga hadlay sida ay Somaliland xaqa ugu leedahay inay Caalamka la macaamisho oo ay uga qayb qaada to si ay u hesho Adeegyada Aasaasiga ah ee Socdaal, Caafimaad, Waxbarasho iyo Ganacsiba, wax aanu dadweynaha reer somaliland ku baraarujiyay inay is-xil-qaamaan oo ay Caalamka tusaan Ga r-sheegashadooda.Sh Aadan Siiro isagoo ka hadlaya diyaar garawga 18 ka May waxa uu yidhi ” S omaliland Gar bay u leedahay Caalamka inay u Gar-sheegato oo ay hesho Aqoonsi ay kula macaami sho si ay u hesho Caafimaad, Waxbarasho, Ganacsi iyo socdaalba, ma jirto cid Dollar ina siinaysaa waxa wax inoo ah waxaynu qabsano hase yeeshee waa inaynu soo bandhignaa oo aynu aqoontee na muujinaa waxaana la inooga baahan yahay inaynu maanta Albaab walba garaacno oo qof walb aaba u soo baxo una diro dunida Hal E-mail oo uu ku gaadhsiinayo xaqa aynu leenahay.” ayuu yidhi

sheekh Aadan Siiro waxa uu ka waramay dhibaatadii somaliland ay soo martay iyada sida ay Gar ugu leedahay inay sheegato Dulmigii lagu sameeyay ” Somaliland ciyaar kumay iman waxa dhib soo maray waynu ognahay diyaaradii ka kacday ayaa lagu garaacay, Dumarka ayaa inta guryaha lagu garaaco la odhan jiray isa soo qaawiya aanu idn daawano’e, kumanaan qof baa inta la isku xidhay la laayay. waxaas oo dhibaato ahna rag baa ka dhiidhiyay oo u dhintay oo u Naafoobay oo maanta ka nool oo doonaya inay helaan xuquuqdoodii laga duudsiyay” ayuu yidhi

Sh Aadan Siiro isagoo ka hadlaya sida ay Dawladaha quwadaha waaweyni u gacan qabteen dalal ka ay danaha ka leeyihiin ee aanay ugu cadaalad falayn kuwa kale waxa uu yidhi ” Koonfurta Suud aan qasabay kaga goo’yeen Suudaan, istamuurna inta uu jaray ayuu Caalamka oo dhan saacado gudahood ku khasbay inay taageeraan, Qudus waad arkaysaan yuhuudii guryo dhan ayay ku khas bayaan in ninkii lahaa dumiyo haddii uu dumin waayana inta ay cagaf galiyaan ayay waliba kharashkiiku dalacayaan” ayuu yidhi

taa bedelkeeda waxa uu Aadan Siiro tusaalooyin ka bixiyay sida ay Islaamku ugu cadaalad fali jir een dalalkii ay maamuli jireen haday Gaalo tahay iyo haday Islaamka dhexdiisa tahayba waxa uu yidhi ” fikradaha waa la isku qaban jiray oo Hogaamiyayaashii soo maray kala aragti bay ahaayeen hadana wax walba way iska jeclaayeen oo way is tixgalin jireen laakiin marnaba dadka ay maamul ayaan ee aan Islaamka ahayn kumay xad gudbi jirin Jihaadna kumay qaadi jirin ilaa ay ka iyagu dii daan talada Islaamka” ayuu yidhi

waxaanu intaa raaciyay isagoo ka hadlaya Aqoonsi la’aanta ay Somaliland ku jirto ” maaha in ay Somaliland u dabranaanto Muqdishada aynu ognahay waxa maalin walba ka dhacay ee inta waran lihii ay dhaaftay kii Cumaamada lahaa maalin walba kurka ka gurayo dadka masaakiinta ah si uu kursi u fuulo wax kasta isagu ha ku sheego gumaadka uu dadka u geysanayo’e, waa inaynu muujinaa inaynu ka duwan nahay oo aynu u bislaanay inay xidhiidh la yeelano bulshada Caalamka sida ay iyaguba u wada macaamilayaan”

waxaanu ugu danbayntii ugu baaqay qof kasta oo reer Somaliland ahi inuu u soo baxo oo uu ka q ayb qaato ” Dadweynaha reer Somaliland Sheekh, Arday, Caruur, Waayeel iyo Dawladba waa in la siku soo baxaa oo la muujiyaa dareenka aynu u qabno inaynaan go’doon ka ahaanin Caalamka isla markaana waa inaynu gaadhsiina meel kasta oo ay dani inagaga xidhan tahay” ayuu ku soo af-meeray Qudbadiisa
 

Source:Waaheen