SHAHAADO SHARAFYADA  SANNADKA 2009 EE AY BIXINAYSO SHABAKADDA TIMACADE NEWS NETWORK TNN

 

Maamuka Shabakadda Caalamiga ah ee Timcade News Network TNN , wuxuu ogeysiinayaa dhammaan shacb iga Somaliland ee qadarinta iyo sharaftaba naga mudan , in la soo gaadhay gabo gabadii sannadkii 2009. Sa nnad walba dhammaadkiisa , waxaa noo caado ah, inaanu bixinno shahaado sharaf aan ku maamusno, kuna sharfanno , muwaadiniinta muujiyey dadaal iyo wax qabad badan , oo ay Dadkooda iyo Dalkooda Hooyo ee  Qaaliga ah ee Somaliland u qabteen.


Sannadkii hore ee 2008 , maamulka ,weriyayaasha ,qorayaasha iyo tafatirayaasha shabakadda , ayaa soo x ulay muwaadinkii  sannadka ee 2008  ,shahaado sharafna guddoonsiiyeen,Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Kulmiye ,  Dr / Professor Maxamed Cabdillahi Cumar.

http://www.longlivesomaliland.com/Dr-Maxamed-Cabdillahi-Cumar-shaqsiga-sannadka-ee-2008-Person-Of-The-Year.htm


Sannadkan , waxaanu ka codsanaynaa in shacbiga Somaliland   soo magacaabaan, muwaadinka , muwaadina dda iyo shirkadda wax qabad  iyo dadaal dheeraad ah muujisay sannadka 2009.

 

Saddexdaa shahaado sharaf waxaanu  guddoonsiin doonaa:

1-Muwaadin / Muwaadinad  Dawladda ka tirsan ( Xukuumada talada haysa , Golaha wakiilada ,Golaha  Guurt ida, Xisbiyada mucaaridka , iwm).

2-Muwaadin / Muwaadinad ka tirsan Bulshada Rayidka ah

3-Shirkadda  Dalka iyo Dadkaba wax weyn u qabatay



Muwaadinka  wax soo magacaabayaa , waa inuu soo raaciyaa magaciisa oo saddexan oo dhab ah iyo emailk iisa oo saxa , haddii kale codkiisu ma tirsana.Fadalan ku soo hagaaji codkaaga emailkan:  Timacadenews@gmail.com

 

Go'aanka waxaanu soo daabici doona sannadka cusub , 01.01.2010 , haddii Allaha weyni aqbalo .



 


Maamulka Timacade News Network TNN

www.TimacadeNews.com
www.RadioTimacade.com
www.Timacade.com
www.Togwajaale.com
www.LongLiveSomaliland.com