Shabakada Caalamiga ee Timacade News Network (TNN),oo ku dhawaaqday
shaqsiga & shirkadda sannadka 201
5 ee Jamhuriyada Somaliland

 

 

Sida aynu la wada soconno,bulshada afka Somaliga ku hadasha,waxay ka siman yihiin,in marka qofku geeriyoodo,inay Xab aasha ka dul ammaanaan , balse intuu noolaa aanay aqoonsan waxtarkiisa ,wax qabad kiisa , samo-falkiisa , iwm.

Maamulka Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),waxay ugu baaqayaan,ku baraaru jinayaan,dhammaan shacabka Somaliland,gudo iyo dibadba,inay shaqsiyaadka bulshadeena ka dhex ifaya,ee aqoontooda, maalkooda, maskaxd ooda, wadanini madooda iyo wakhtigodaba u huraya dalkeena hooyo,in la aqoonsado , la sharfo , la karaameeyo,loo abaal gudo,loona mahad celiyo.

Shabakada Caalamigaa ee Timacade News Network (TNN),oo ah Shabakadii ugu horeysay ee sannadkii 2008 kii bilawday in ay qiimeyn ku sameyso shaqsiyaadka iyo shirkadaha Somaliland sannad walba, fursadna u siisa inay shacabka Somaliland ka qayb qaataan,una codeeyaan,qiimeeyaana shaqsiga iyo shirkadda mudan in lagu sharfo,wax qabad,karti,daacadnimo, waxtar ,horumar iyo hawl karnimo.

Annagoo tix galinayna,ugana mahad celinayna dhammaanba muwaadiniinta Somaliland ee ka qayb qaatay Barnaamijkan s annad laha ah, ee Shabakada Timacade News qabato,waxa magac iyo sharafba noo ah inaanu ku dhawaaqno Shaqsiga Sa nnadka ee 2015, oo noqday Professor Adan Xaaji Cali Axmed,Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Shirkada Sannadka ee 2015,oo noqotay  Shirkada Dhismaha ee Daryeel.

Maamulka Shabakada wararka ee Timacade News Network TNN ,waxay hambalyo iyo bogadinba u dirayan Shaqsiga iyo Shir kada sannadka 2015 , waxaanan Allaha awooda leh uga baryaynaa inay ku guuleystaan hiyigooda,hadafkooda,hiigsigood a,hamigooda iyo yoolkoodaba.

 

 




T IMACADE  N EWS  N ETWORK TNN