Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland oo Dalka Dib ugu Soo laabtay iyo Dadwaynaha Degmada Tog-wajaale oo si heer sare ah usoo Dhaweeyay

 



Waftigan oo Muddo Toban Maalmood ah Safar ugu Maqnaa Dalka Sweden ayaa waxaa

Wajaale (TNN)- Wafti uu hogaaminayay Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland C/raxma an C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Galabta dalka dib ugu soo laabtay, waftigan oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Togwajaale ayaa waxaa ka hortagay Wasiirro Tiro badan oo ka Tirsan Xukuumadda, Maamulka Gabiley iyo Borama iyo Dadwaynaha Degmada Togwajaale.



Waftigan oo Muddo Toban Maalmood ah Safar ugu Maqnaa Dalka Sweden ayaa waxaa ku Wehelinayay Wasaiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawalaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, Lat aliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda Abiib Diiriye Nuur(Abiib Timacad) iyo Maay ar ku-xigeenka Gabilay Marwo Khadra X Gaydh.

Waftiga ayaa Goor dhawayd loo soo Galbiyay Dhinaca Magaalada Hargeysa

 


Timacade News desk
Tog-wajaale,Somaliland