Qarannews, Waaheen, yoolka,Hargaisa Star...
Horta yaa ka danbeeya?
 




Horta salaan iga gudooma hawl wadayaasha iyo dhamaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakada Long Live Somaliland.com  (TNN) .

Walaalayaal inaka oo maanta ku jira 10 cisho ee u danbeeyey ee bisha barakaysan ee Rama daan, oo ay waajib tahay in dunuubta oo dhan la iska ilaaliyo ,sida xanta iyo wixii lamid ahba , , hadana waxaa khasab igu noqotay in aan woxoogaa kayara idhaahdo wararka dalka  u  da nbeeyey maalmahan iyo sida saxaafadu wax uga qortay... walaalayaal saxaafada xorta ahi waa horu mar dal waliba ku faani karo, waayo wax bay dhistaa umadana waxay u tilmaantaa hadba dariiqa haboon ee hor umarka u horseedi kara , waxaaanay had iyo jeer iftimiisaa  gal daloolooyinka ay leedahay hadba dawlada markaa xukunka haysaa iyo sida ugu haboon ee lagu toosin karo hadii ay ku kacdo ama la timaado qaladaad ka horjeeda maslaxada umada iyo wadanka ay dawlada utahayba , laakiin waxaa dhibaato ah in saxaafadii xorta ahayd laga duwo waajibkeedii ama shaqadeedii oo laga dhigo mid loo isticmaalo, aargoosi, cadaawad,ku xumee iyo wax lamid ah .tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii dalka ka  dhac day 26 june 2010, ee uu ku guulaystay Md. Axmed Silanyo ,dadka reer s/land waxa gashay rajo wanaagsan iyo yidiidiilo ay is leeyihiin waxaad kaga baxaysaan mugdigii dalka iyo  dadka ba ku habsaday 8-dii sanadood ee udanbeeyey .. waxa loo dhegtaagayey marba  talaabooyi nka u qaado madaxweynaha cusub ee la doortay si uu uga dhabaayeeyo balanqaadyadii uu umada uqaaday xiligii ololaha doorasha.

Madaxweynuhu wuxxu soo dhisay gole Wasiiro ah oo kooban oo ah dad aqoonyahan ah oo runtii la odhan karo waa dadkii loo baahnaa ee dalka horumar gaadhsiin lahaa .. iyadoo aan weli madaxweynihii dawladiisa dhismaheeda wada dhamaystirin, dawladiina aanay weli si  bu uxdaa xilkii ula wareegin, ayaa marqudha waxaa umada reer S/land ku waabariisatay , warar iyo warbixino iyo dacaayado iyo buun abuur lidi ku ah dawlada cusub ee weli aan xilkii sifiican ula wareegin oo ay soo dabaacayaan qaar kamid ah warbaahinta s/land wararkaas oo into oda badan xambaarsan dhiilo iyo qayla dhaan sida ... hayaay ka kacaay .. madaxweynihii bee shiisii buu xukumkii uwada dhiibay !!!!!!, madaxweynuhuu maxjarkii indhodeero ayuu furayaa!!!!! , madaxweynuhu cid buu kooto wax uugu xidhay!!!!!!, S.land argagixiso iyo al shabaab bay hooy unoqotay!!!!!, Wasiirada cusub badh baa al-qaacido iyo argagixiso ku xidhan!!!!!, Ethiopia safiirkeedii Hargaysa way kala baxday!!!!!!, salaadiin iyo cuqaal baa shirtay oo  mad axweynaha dhaleeceeyey!!!!, reer hebel iyo beel heblaayo baa kaa cabanaya cadaalad darr o lagula kacay markii saami laga siin waayey dawlada cusub!!!! .

Ddacaayadaas iyo been abuurkaas iyo wararkaa lidiga ku ah dawlada cusub waxay ku koobn aayeen saxaafada S/lad qaarkeed sida wargeesyada Waaheen, Yoolka,Hargeisa Star, websi teka Qarannews , halka saxaafada s/land inteeda badani ay dalka ka soo sheegayeen warar kale oo aad uga duwan kuwa ay soo qorayaan wargeesyadaas iyo websitekaas aynu soo sheegnay...

Hadaba bal akhristoow hadaynu iswaydiino tolow labadan wargeys ee mid cusub yahay iyo website kan(Qarannews) oo uu ka shaqeeyo nin qudha oo qurbaha joogaa miyaay ka  af  dh eer yihiin saxaafada kale ee S/land? ma waxay haystaan imkaaniyaad aan saxaafada kale h aysan oo ay iyagu uun ku soo ogaan karaan warar aan saxaafada kale soo ogaan karin?

Maxaa iyaga uun ku koobay Dacaayada iyo Beenta ay dawlada cusub ka sheegayaan iyo  dhii lada aan jirin ee ay marwalba dalka ka soo sheegayaan ?... waxaa xaqiiqo ah in ilaa maanta aanay dad farabadan oo reer S/land ahi ogayn cida kadanbaysa ama maal gelisa ama ku sh aqaysata saxaafadaas(Waaheen,Yoolka,Hargaysa Star,Qarannews) ee dagaalka kula jirta dawlada cusub iyo guud ahaan Qaranimada iyo jiritaanka S/Land, bal hadaba waa kuwama ninmankaasi?


waaheen: Waxaa iska leh oo ka danbeeya oo maal geliya Axmed Xuseen Ciise... waxaa xasu us mudan in berigii xisbiga kulmiye mucaaradka ahaa ay inbdan ku celcelin jireen inay jiraan 2 nin oo xisbiga ku jira laakiin xisbiga aan daacad u ahayn balse u adeega cid kale oo xisbiga lidi ku ah, dad badan oo aan anigu ku jiro ayaa is weydiin jirey tolow waa kuwama labaad nin ee khaayimiinta ah ee basaas nimada xisbiga ugu jira?... akhiirkii 2-dii nin waxay noqdeen Axmed xuseen ciise iyo Cismaan Hindi taasina waatii umadu mar qudha ka anfariirtay dabadeedna waa tii xisbiga debeda looga tooray ... markaa waxaynu halkaa ka ogaan karnaa in Axmed Xuseen Ciise u isticmaalo wargeeskan Waaheen shuqul aar goosi iyo ku xumee xukuumada kulmiye ee cusub ilayn waa kuwii fadeexadeeyey ee xisbiga ka eryey markay ogaadeen in uu basaas u yahay xisbigii UDUB ee markaa talada hayey .

Qarannews,Hargeisa Star, Yoolka:waxa iska leh oo kadanbeeya oo maal geliya wasiirkii hore ee maaliyada Xussen Cawil Ducaale. Waxa lagu maal geliyaa waa cashuurtii umada reer  S/land ee faqiirka ah laga qaadi jirey 8-da sanadood ee aan shilin qudha laga soo celin jirin , iyo lacagtii laga helay dhirtii , ciidii , dhagaxii iyo kaluunkii bada iyo dhulkii danta guud ee  lax araashay iyo xoolihii kootada loo xidhay, iyo shidaalkii iyo xoolihii kootada loo xidhay , ee Mr. cawil uu xilka wareejiyey iyada oo shaqaalihii aanay wax mushahar ah qaadan 5 billod, khas nadii dawladu haawanayso,dawlada lagu leeyahay 40 million oo dollar oo dayn ah !!!!!!!!!!!, lacagtaas cawil laga soo saari waayey ee uu diiday in uu sheego ama uu soo cadeeyo  meesh a ay martay iyo meesha ay ku baxday, waxaa ka mid ah lacagtan lagu maal gelinayo  Qarannews, Yoolka, Hargaysa Star , ee ay u adeegsanayaan been abuurka, isku dirka , fidmo abuurka, colaad hurinta iyo dacaayadaha raqiiska ah ee ay dawlada cusub hadh iyo habeen ladaba joogaan .

Inkasta oo Dastoorka Dalka u yaal uu damaanad qaadayo xoriyada saxaafada iyo xoriyatal q awlkaba ,hadana dawlada cusub waxaa ku waajib ah in ay ka hortagto wax alla wixii wax  u dhimaya jiritaanka, Qaranimada, Nabadgelyada dalka iyo wada jiraka shacabka S/land ee wal aalaha ah sidaa awgeedana waxaa la gudboon dawlada cusub in ay talaabo sharci ah oo  de gdega ka qaado shaqsiyaadkaas hantidii umada ee ay dheceen ku isticmaalaya in ay ay dalka ku celiyaan halkii laga soo bilaabay 1991-kii, hadii aanay talaabadaas ku dhqaaqina waa  daw lada`e ,waxaa hubaal ah in dad farabadan oo reer S/land ahi ay kala noqonayaan kalsoonidii ay u hayeen xukuumada cusub ee Madaxweyne Axmed Silaanyo .

 

 

 

Axmed Cali Mataan (Guure)
Qahira , Masar
mataanguure@yahoo.com