Xuska sanadguuraha 50-naad ee Jamhuuriyada Somaliland

 


Ururka SSUK (Somaliland Society in UK) iyo urur jaaliyadeedka West London Somaliland  Co mmunity waxay si wada jir ah umada reer Somaliland ee dagan magaalada London ugusoo bandhigayaan kulan lagu xusayo sanadguuraha 50-naad ee kasoo wareegtay markii  Jam huuriyada Somaliland ka xorowday maamulkii boqortooyada Ingiriiska 26-kii June 1960-kii.

Kulankan waxa lagaga hadli doonaa taariikhda khaaska ah ee Jamhuuriyada Somaliland  iy o khaladkii ay umadeedu gashay 1960-kii wixii sababay. Waxa kaloo aynu kulankan kaga faa’daysan doonaa inaynu u ducayno dalkeena iyo dadkeena oo u dareeri doona maalinta Sabtida doorasho.


Hadaba ha moogan kulan qiimaha leh inaad kasoo qayb gashaan oo aad u kuur gashaan taariikhda dalkiinu leeyahay.


Kulankani wuxu qabsoomi doonaa maalinta Jimcaha ee bishan June tahay 25-ka saacadu markay tahay 6-da fiidnimo. Madahsha kulanku ka dhacayo waa:

Neighbourly Care, 32 Featherstone Road, Southall, UB2 5AB



Taariikh: Jimce-25-ka June 2010

Madasha: Neighbourly Care, 32 Featherstone Road, Southall, UB2 5AB



Wixi fahfaahin ah kala soo xidhiidh nambarada kala ah: 07985760181 / 07957758340