Sannad-guuradda 21-naad ee ka soo wareegtay Xasuusqii xeebta Jasiira (1989)



Warbixin murugo badan xambaarsan oo uu diyaariyey Khadar Xasan Cali Jamhuuriya London

London ,July 17,2010 (TNN)-Maalinta Sabtida ah ee 17-ka July, 2005 waxay ku beegan tahay sanadguuradii 21-naad ee ka soo wareegtay xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho sannadkii 1989.

Maalinimadii Jimce ee 15-ka July, 1989kii, waxay noqotay mid nolosha dadka reer Muqdisho  w ax weyn ka beddeshay, kadib markii ay foodda isla galeen dad mudahraadayay oo ka soo  bax ay salaaddii Jimcaha (Masjidka Sheekh Cali Suufi) iyo ciidamadii koofiyad casta ah ee ka amar qaaday jiray talsikii dhiigyacabka ahaa ee Siyaad Barre, halkaas oo askartii Siyaad Barre ay si arxan-darro ah rasaas ugu fureen, waxana lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidammada booliska, taas sababatay in bandoo lagu soo rogo Xamar.

Kacdoonka dadka reer Muqdisho oo ka dhacay xaafadda Hodan oo degaan u ahayd dad badan oo asalkoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa waxay bartilmaameed u noqotay ciidamadii  Koo fiyad casta ahaa ee ka amar qaadan jiray wiilka uu Siyaad Barre dhalay ee Maslax, kuwaas oo saqdii dhexe habeenkii bishu ahayd 17-ka 1989kii weerarro ku qaaday xaafado ka mid ah  deg aanka Medina iyo Hodan.

Askartaasi waxay kala soo baxeen guryihii ay ku noolaayeen dad ilaa dhawr iyo konton ruux gaadhaya oo aan waxba galabsan oo isir ahaan ka soo jeeda beelaha Isaaqa. Dadkaas oo  isu gu jiray caruur dhigata dugsiga, dhakhaatiir, shaqaale, aqoonyahanno, ardayda jaamacadda, waxgarad, odayaal iyo ganacsato, waxana sida la sheegay ciidankaas qabqabtay nin ay isku hayb ahaayeen Siyaad Barre oo la yidhaa Col. Canjeex. Dadkaas ayaa markii la ururiyay loo qaaday dhanka xeebta Jasiira, halkaas oo inta la isku xidhxidhay rasaasta qoriga baroonka ka dhacda lagu furay.

Haddaba, waxa mucjiso noqtotay, kadib markii uu xasuuqan daah furay Cumar Muuse oo  Illaa hay ka badbaadiyay falkan arxan-darrada ahaa, taas oo ka yaabisay taliskii Siyaad Barre, wax ana ka dhashay khilaaf soo dhex galay taliyihii ciidanka booliska iyo xukuumaddii Afweyne. Waxa kaloo ay dhacdadani fajaciso ku abuurtay diblomaasiyiintii ku sugnaa magaalada  Muqdis ho oo dareen adag ka muujiyay dhacdadan aragagax leh.

Cumar oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen habeenkaas, ayaa yidhi; “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 tallaabo u jirtay, halkaas oo ay joogeen ciidamo kale oo  koofi yad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey. Waxaan  mark aa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaas oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan iyo midkale oo Toyota ah, kaasoo uu saaran yahay qori baroonka ah.

Waxa uu intaa ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta Jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan-darro ah rasaas loogu furay, waxaannu isagoo  ar rimahaas sharraxayey yidhi; “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano. Intaa kadib koox-koox ayaa nalooga daadajiyey carrada tuulan korkeeda iyadoo shan-shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo. Haseyeeshee, maa naan maqal wax dhawaaq ah. Waxaan bilownay xushxush, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan 'Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi'....'Laa Ilaaha  illaLaa h'."!!! "Si isdabajoog ah ayaa naloogu caga-juglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta."

"Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo  a teero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabbo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa  garab ka bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay. Askartii waxay gudo galeen inay dadkii  eeg aan si ay u hubiyaan in dhammaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabbo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda  mayd ka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qaylyey oo uu yidhi 'kani waa nool yahay'. Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi 'waar ma noolee nafta ayaa ku sii xarbiyeysa, gariirkii  sakar aadka weeyaane inaga keen'. Ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey  deg degsanaayeen Cumar oo wakhtigaa 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaannu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii faqashtu ku xasuuqeen xeebta Jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay, inkastoo gebi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin,” ayuu yidhi Mr. Cumar oo wejigiisa laga dareemayey murugo aad u weyn.

Illaahay ha u naxariisto dadkaas la gumaaday waxa kaliya ee loo aaneynayay waxay ahayd isirkooda uu Illaahay ka abuuray oo xukuumaddii xilligaasi ugu talogashay in ay tirtirto, balse dhanka Illaahay aan laga aqblin oo ay ku guuldarraysatay, kuwii falkaa geystayna inta ka  had hay maanta ay ku nool yihiin werwer iyo walaac markay dib u eegeen dhiiggii iyo dhagartii ay galeen, waxana hubaal ah in sida dhagarqabe Gen. Cali Samater dacwadda loogu soo oogay maalin maalaha ka mid ah iyagana lagu soo oogi doono xadgudubyada xuquuqda insaanka ah ee ay geystee.

Haddaba, xasuuqani wuxuu qayb ka ahaa fallalkii isir nacaybka iyo aargoosiga ahaa ee ay  xuk uumadii Muqdisho ka amar ku taaglayn jirtay sida joogtada ah ugula kici jirtay shacbiweynaha reer Somaliland marka ay ciidamdkoodii naf la caaridka ahaa u babac dhigiwaayaan xabbadda kulul ee mujaahidintii SNM. Dhammaanba intii ku geeriyootay xasuuqyadaasna waxaanu  Illaah ay uga baryaynaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Dadka reer Somaliland iyo inta  dana ysa damiirka dadnimada iyo Islaanimadana waxa la gudboon in ay u hawlgalaan sidii  maxkam ad cadli ah loo keeni lahaa kuwii ka dambeeyay fallkan arxan-darrada ah.

Maadaama ay tahay sannadguuradii ka 21-naad ee ka soo wareegtay habeenkaas madow waxaynu xasuusan doonaa magacyada Allah ha u naxariistee dadkii ciidammada Siyaad Barre ku xasuuqeen xeebta Jasiira ee magaalada Muqdisho:

1.Ibrahim Hasan Gelle( H.Y) US-OMC-Somali Republic

2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie(H.Y)Businessman

3.Mohamed Ismail Ahmed(H.Y) Businessman

4.Yusuf Mohame Handulle( H.Y)USAID

5.Saeed mohamed Mumin( C.G) Ass.pro.Lafole S.N.U

6.Musa Abdi Gaas( C.G) Businessman

7.Hussein Ali Aden(H.J)Businessman

8.Saeed Nur Musa( H.J)businesman

9.Abdirahman Mohamed Bihi( H.J)Businessman

10.Abiwahab Farah Ahmed(H.Y) Student

11.Abdifatah Ahmed Jiir( H.J) Student

12.Matan Abdi Habashi( Arab)Student

13.Mohamed mohamud Abdi(H.Y) Businessman

14.Ali Mohamed Abdi(H.A) Student

15.Hassan Aw Nur Barud(H.Y) Businessman

16.Abdi Mohamed Abdi (H.A)Technician

17.Ahmed Yassin Omar Jama( H.A) Businessman

18.Mohamed Abdi Hassan( H.A)Businessman

19.Ibrahim Hassan Ege(H.A) Technician

20.Abdi Muhumed Daud (H.A) Businessman

21.Hassan Abdi Muhumed (Arab) Businessman

22.Ali Mohamed Dirie(H.J) C.Serv

23.Jama Mohamed Abdi(H.A) Trader

24.Abdi Osman Dubad(H.Y)Trader

25.Husein Omar Husein(C.G) Trader

26.Mohamed Musa Mohamed(H.Y) Trader

27.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) (H.A)Sportsman

28.Muhumed Abdillahi Warsame (Madigan)Trader

29.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan(H.A)Trader

30.Abdirahman Ahmed Dhimbil (H.A) Civil servent

31.Hussein Muhumed Farah (H.A)Civil servent

32.Mohamoud Bacadle (H.Y) Civil servent

33.Jama Aden (barosin)(H.J) Civil servent

34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi)(H.A)Trader

35.Warsame Dugsiye Reydal (G.B) Trader

36.Barre Osman Abdi (C.G) Trader

37.Abdirizaq Aydiid Mohamed (H.A) Student

38.Hussein Osman Jama (H.A)student

39.Khadar Mohamed Ahmed (H.A) Student

40.Bihi Ibrahim Ahmed (H.A) Student

41.Hassan Nur Hersi (H.A) Student

42.Abokor Mohamed Yousuf (H.A)Trader

43.Hassan Guure Abdi (H.A) Trader

44.Khadar nuur Jama (H.A) Trader

45.Ahmed Yusuf Ibrahim (H.A) Trader

46.Mohamed Osman Jama (H.A)Trader

47.Farah Ismail Awale (H.Y) student

48.Yusuf Abdillahi Roble (C.G) graduate Dr.

49.Dayib Abdi Burale (H.Y) Trader

50.Dahir Mohamed Jama Warfaa (H.Y) Trader

51.Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale)(C.G) Trader

52.Muhidin Macalin Ahmed (Ogaaden)

53.Saadiq SH. Ahmed (ogaden)

54.Bahyaal Muhumud Jiri (Ogaden)

55.Fuad Abdillahi Ibrahim (Arab)

56.Daud SH. Ibrahim (H.Y).

57.Hussein Kheyre Abdi (H.J)

58.Rashid Mohamed Osman (H.A)

59.Abdi Barre Osman (C.G) graduate.



Source: Jamhuuriya Online