Maxamed Xaashi Oo Xilkii Ku Wareejiyey Wasiirka Cusub Ee Maali yada C/Casiis Maxamed Samaale Wakhti Aan Was aar addiisa Wax Dayn Ah Lagu Lahayn Oo Dhaqaale Kayd Ahina U Yaalo.

 



Xafladii ay xilka kula kala wareegayeen labada masuul oo ka dhacday ...........................


Hargeysa (TNN)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi ayaa maanta xilkii ku war eejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi C/casiis Maxamed Samaale oo uu dhawaan u soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo).

Xafladii ay xilka kula kala wareegayeen labada masuul oo ka dhacday Hoolka hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiin ka kala socday Golayaasha Qaranka iyo Shaqaalaha kala duwan ee Wa saaradda Maaliyada Somaliland.


Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada W eli, waxaanu faahfaahin ka bixiyey xisaabaadka iyo hawlaha lagu wareejinayo Wasiirka Cusub ee Wasaara dda Maaliyada, isaga sheegay in in Khasnada Dawladda ay ku jirto lacag dhan 12 Milyan oo Dollar oo kaas h ah, isaga oo tilmaamay in Wasaaradda Maaliyadu leedahay leedahay 51 gaadhi oo 45 ka mid ahi shaqe eyaan iyo 38 dhisme oo qaarkood dhismahoodu socdo.


Mr. Wali Agaasimaha waaxda Qorsheynta Wasaaradda Maaliyada oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa ugu horeeya ee wasiirka lagu wareejinayaa waa shaqaalaha, shaqaalaha lagugu wareejinayaa waxay u qayb samaan laba qaybood.


Shaqaalaha joogtada ah ee wasaarada maaliyada kuwaas oo tiradoodu tahay 586 qof darajadooduna ay kala tahay 78 heerkoodu yahay A, 286 Heerkoodu yahay B,122 Heerkoodu yahay C iyo 118 Heerkoodu yahay D.
Waxa kale oo lagugu wareejinayaa shaqaale ku meel gaadh ah kuwaaas oo ka kooban.
12 shaqaale ah kuwaas oo hay’adda UNDP ay wasaarada maaliyada u qaabishay mudo laga joogo sadex sanadood kuwaas oo heshiiskoodu dhamaaday isla markaana lala galay mid cusub.


Waxa kale oo shaqaalahaa la shaqeeya 12 kale kuwaas oo wasaarada maaliyada ay u qaaday inay hay’a dda UNDP la hawl galaan.


Waxa kale oo lagugu wareejinayaa 24 shaqaale kuwas oo ah ardaydii jaamacadaha ka soo baxday iyada oo hay’adda IOM ay wasaarada koontaraag ugu samaysay, kuwaas oo 18 ka mida shaqaalahaa ay hay’a ddu lacagtood bixiso 6-da kalana ay wasaarada maaliyadu lacagtooda bixiso.
Waxa kale oo wasiir lagu wareejinayaa 18 ardayda jaamacadaha ah kuwaas oo ka hayl gala cashuuraha bariga lacagtoodana ay bixiso wasaaraa maaliyadu.


Sidoo kale waxa lagugu wareejinayaa 61 shaqaale kuwaas oo ka hawl gala kastamada,cashuuraha bariga iyo xisaabaadka shaqaalahaas oo ah qaar ku meel gaadh ah.


Waxa kale oo lagugu wareejinayaa khubaro wasaarada kostantan u ah kuwaas oo tiradoodu tahay 5 isla markaana xafiis gaara leh, waxa kale oo weheliya hal khabiir dhinaca ICT-ga uga hawl gala wasaarada maaliyadda.


Dhinaca dhismayaasha waxa lagugu wareejinayaa 38 dhisme kuwaas oo ka dhisan gobolada dalka, iyada oo 11 ka mida ay hay’ada US AID ay dhismahooda noo soo marisay hay’adda IOM isla markaana ay dhismahoodu socdaan.


Gaadiidka lagugu wareejinayaa waa 51 gaadhi kuwaas oo 45 ka midi ay shaqaynayaan 6-da kalana ay fadhiyaan”.


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyey Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo uu sheegay in uu muujiyey karti farabadan, isaga oo sheegay in uu Mushaharka u kordhiyey Shaqaalaha Dawladda, isla markaana Miisaaniyada Dawladda kordhiyey 70%, waxaana hadaladii Guddoomiyaha ka mid ahaa “Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi waxa uu kordhiyey Miisaaniyada Dalka 70%, laakiin maanta Maxamed Xaashi hawshu uma taalo ee waxa ay u taalaa C/casiis Maxamed Samaale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada”.


Wasiirkii Hore ee wasaaradda Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu bixiyey 12 Malyuun oo Doolar, waxaanu tilmaamay in lacagta kaashka ah ee uu hadda ka tagayaana ay dhan tahay 14 Milyan oo doolar inkasta oo uu agaasimaha qorsheyntu ku sheegay 12 Milayn oo doolar.


Maxamed Xaashi ayaa waxa uu ku faanay in muddada uu xilka hayey ee uu bilaash ka dhigay dugsiyada waxbarasada dalka isla-markaana uu shaqaalaysiiyay macalimiin cusub, isaga oo ku taliyey in waxqabad muuqda laga fuliyo gobolada bariga oo miisaaniyadda ay ugu jirto 2%.
Eng Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay Haamaha shidaalka Berbera iyo warshada sibidhka Berbera, isaga oo sheegay in buuraha Sibidhka la siin Karin cid gaar ah, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo sharciga (Natural Resource Act), isaga oo sidoo kalena ka digay ku dhaqanka qabyaalada, sidii wax loogu qaban lahaa dadka naafada ah, gaar ahaan mujaahidiintii SNM iyo beelaha la hayb-sooco.


Wasiirka cusub ee wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo isaguna gabagabadii halka asi ka hadlay ayaa balan-qaaday inuu sida ugu wanaagsan ummada ugu shaqayn doono, isaga oo dadka ka dalbaday in loo soo duceeyo “Qofka xilka loo magacaabo lama sharfin ee culays ayaa la saaray, markaa aniga culays ayaa I fuulay” ayuu yidhi Md Samaalle waxaanu intaa ku daray “Waxaan aaminsanahay in xil kani yahay imtixaan, laakiin waxaan balan ILAAHAY ku qaadayaa in wax ummadaasi leedahay aanay meel khaldan marin”


Cabdicasiis Samaalle waxa uu wasiirkii hore ee Maaliyadda ku amaanay kordhinta miisaaniyada dalka oo uu sheegay inay sanadkan odoroskeedu gaadhay $ 106 Milyan oo doolar, isla-markaana ay miisaaniyadii sanadkii 2011-kii ay ka badan tahay $ 18 Milyan oo doolar.




Sacad M. Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa  Somaliland