Gud
Guurtida Somaliland Md Saleeban M. Adan Oo Si Wayn Loogu
soo dhaeeyay Magaalada Caardhif
Cardiff, UK (Timacade
News) - Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
oo la kulmay Jaali yadda reer Somaliland ee ku
dhaqan magaalada Cardiff. Kulan aan hore loo arag oo ay
soo qabanqaabisay Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff
isuguna dhafnaa soo dho weyn iyo iswaraysi laguna
marti geliyey Guddoomiyaha Aqalka Odayada Somaliland
ayaa ku qabsoomay xarunta lagu magcaabo Cardiff County
Hall oo ka mid ah dhisma yaasha la majeerto ee ku
yaalla magaalo madaxda carriga Wales ee Cardiff.
Haddii aynnu wax yar ka dulxaadinno taariikhda magaalada
Cardiff, waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu
faca weyn waddanka UK. Sida dad badani la socdaan, Car
diff waxa ay hormood u ahaan jirtey baayacmushterkii
reer Europe, siiba dhoofintii dhux ul dhagaxda oo
ahayd shidaalka dhaqaajiya gaadiidkii u kala gooshi
jirey badaha caal amka, wershedihii wax-soo-saarka
iyo weliba gaadiidka ku dul sullaaca biraha xadiidka ah
(trains). Balse waxa shidaalkani suuqa ka baxay markii
la helay ceelasha saliidda ah ee ceegaaga dhulweynaha
Khaliijka iyo weliba goobo kale oo caalamka ah sida
Iiraan iyo weliba waddamada lagu magcaabo Qooqaas (caucasus)
ee ka mid ahaa bahdii Ruushka.
Sababta kor ku xusan ayaa ka mid ahayd arrimihii keenay
in xoogsato badan oo reer Somaliland ahi u soo shaqo
tagaan waddanka UK marka laga soo bilaabo qarnigii
19 aad. Ilaa maanta Cardiff waxa ay ka mid tahay
buddhigga ruugcaddaagii badmaree nnada ahaa ee
reer Somaliland kuwaas oo inta badan ahaan jirey
halbawlaha maraak iibtii walwaali jirey
badeecadaha kala geddisan ee u kala safri jirtey
carro-edeg.
Dashii iyo qaraabadii
badmareenada iyo Soomaali kaleba waxa ay iyana sida
daadka ugu soo qulquleen gobolka Wales siiba Cardiff
laga soo bilaabo 80naadkii ina weyda artey,
mar kii masiibadu ku habsatay Jamhuuriyaddii Soomaalidu
lahaan jirtey. Soom aalida reer Cardiff waa kuwa ugu
dhow ee weli sii haya dhaqankii marka la barbard
higo qurbe oo dhan. Arrinta dhaqanku kama madhnayn
sababaha keenay in lagu soo qamaamo xafl addan
lagu soo dhoweynayey Guddoomiyihii Aqalka Odayada ee
Som aliland.
Marka aynnu u soo laabanno xafladdii Cardiff iyo soo
dhoweynta odayga qaaliga ah ee reer Somaliland Mudane
Maxamuud Saleebaan Aadan (Saleebaan Nuur), waxa ay u
dhacday si hufan iyadoo aan loo kala hadhin rag, dumar,
dhallaan iyo cirrooleba.
Weliba waxaa laga
yimi magaalooyin durugsan oo ay ka mid tahay Birmingham
oo ah caasimadda labaad ee UK. Waxaa reer Somaliland ku
weheliyey soo dhoweynta Ku-x igeenka Duqa Cardiff (Deputy
Mayor Keith Hyde) iyo afadiisa (Deputy
Mayoress Ann Hyde). Inkasta oo ay ahayd xilli
lagu jiro fasaxii Sannadka Cusub misana taasi kama
joojin duqa reer Cardiff in uu salaan sharafeed ku soo
dhoweeyo mudanaha ka socd ey Somaliland oo ah oday
miisaankiisa leh.
Daadihiyaha xafladda oo ahaa Ibraahim Carab kana socdey
Xafiiska Jaaliyadda ee Ca rdiff waxa uu tilmaamay
in xafladdu ka koobnaandoonto laba qaybood –qayb hore
iyo qayb dambe. Furitaankiinka kulanka waxa lagu
bilaabay aayado quraan ah oo uu akh riyey
Cabdirraxmaan Dooddi. Dabadeed waxaa loo galay bilowgii
qaybta hore ee xafl adda taas oo Guddoomiyaha
Xafiiska Jaalliyadda Cardiff, Mr. Cabdirraxmaan Cawed,
ku soo dhoweeyey odayga ku xiga duqa magaalada Cardiff
(Deputy Mayor Keith Hy de) si uu ereyo soo dhoweyn
iyo warbixin isugu jirta uga yidhaahdo madasha.
Weedhaha soo
dhoweynta Guddoomiyaha Guurtida la xidhiidha ka sokow,
wuxuu Maa yarku tilmaamay doorka Jaaliyadda
Somaliland kaga jirto arrimaha kobcinta dhaqaal
aha iyo isdh exgalka labada bulsho ee Weleshka iyo
mujtamaca ka soo jeeda Somali land ee ku
dh aqan carriga Weleshka taariikhda fogna ka mid noqday
hal bawlaha ho rumarineed ee gobolka. Waxaa kale
oo uu kula dardaarmay dadka soomaalida ah in ay ku
dedaalaan waxbarashada si aanay marnaba u noqon kuwo aan
ka dhexmuuqan mujtamaca ay la noolyihiin. Waxaa isna
hadalkii qaatay Guddoomiyaha Guurtida Soma liland
isagoo ka mahadnaqay soo dhowynta iyo sida loo
sharfay.Guddoomiye Saleeb aan waxa uu runtii si
xikmadi ku jirto ula hadlay bulshada reer Somaliland
isaga oo ku waaniyey in ay ku dedaalaan waxbarshada kuna
biiraan siyaasadda waddanka ay ku dhaqan yihiin si ay
mustaqbal fiican ugu yeeshaan go’aan-qaadashada arrimaha
muh iimka ah ee khuseeya bulshada iyo horumarkeeda.
Qaybta labaad oo bilaabantay ka dib markii ubaxyo
cuddoon lagu sagootiyey duqi re er Cardiff iyo
afadiisa, waxa codbaahiyaha loo dhiibay Xaaji Ciise oo
ka mid ah oda yada reer Cardiff ee sida weyn loo
qaddariyo. Xaaji Ciise wuxuu soo dhoweyn iyo
dardaar anba u jeediyey oday Saleebaan isaga oo
tilmaamay in reer Somaliland, gudo iyo dib adba,
ay maanta guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay u
noqon lahaayeen ul iyo diirkeed iyaga oo midaysanna u
qabsan lahaayeen doorasho xor ah oo xalaal ah.
Waxaa isna ku xigey
oday ka mid ah ruugcaddaagii badmareennada ahaa magac
iyo maamuusna ku leh bulshada dhexdeeda, Maxamed Aadan,
oo isna ereyo soo dhowe yn, talo iyo dhiirigelin
ah ka dhawaajiyey. Axmed Carwo oo ka mid ah aqoonyahanka
reer Cardiff ayaa isna hambalyeeyey Guddoomiye Saleebaan
iyo doorkii suubbanaa ee uu ka galay masaalixda ummadda.
Wuxuu kaloo carrabbaabay doorka weyn ee loo ga
baahanyahay in guurtidu ka ciyaarto arrimaha siyaasadda
maadaama ay qayb ka yih iin. Wuxuu kaloo codsaday
in shirguddoonka guurtidu joogteeyo wacyigelinta
od ayada guurtida isaga oo ku sii daray sababta guurtidu
u xakamayn weydey suldaan-bararka ku habsadey waddankii.
Intaas dabadeed, waxaa loo gudbey mucdii iyo ereyadii
loo dhegtaagayey ee Guddo omiye Saleebaan.
Mahadnaqa reer Cardiff dabadii, waxa odaygu taabtay
arrimo ba dan oo muhiim ah lana xidhiidha
taabba-qaadka Somaliland ee dhinaca nabadgelyada iyo
isxilqaanka ku salaysan. Wuxuu ku adkeeyey bulshada reer
Somaliland in ay gacm aha is qabsadaan gudo iyo
dibadba si aynnu uga midha dhalinno hammigeenna. “Waa in
aynnu isku duubnaannaa si aynnu u gaadhno ictiraafka
aynnu ku daba jirno.” Wuxuu kaloo sheegay in Jaaliyadda
Cardiff ee reer Somaliland ay yihiin kuwo isku duu
ban oo si weyn uga muuqda magaalooyinka kale. Waxa
odaygu mar labaad ka codsa day bulshada in ay
joogteeyaan taageerada ay la garabtaaganyhiin dadkooda
wad da nkii ku dhaqan iyo in ay ku dedaalaan waxbarista
da’yarta si ay mustaqbal fiican u yeeshaan. Waxa
guddoomiyhu ku kaftamay, “Waar carruurtana iskuulada ku
haya annagana xaggaa iyo wadankii nagu haya.” Si weyn
ayaa runtii loogu riyaaqay xogw arranka
guddoomiyaha. Waxaa dabadeed loo gudbey su’aalahii ka
soo qayb galay aasha kuwaas oo taabanayey
guurtida iyo doorkooda, sidii wax looga qaban lahaa
arrimaha muranku ka jiro ee ka taagan gobollada qaarkood
iyo qaar kale oo badan. “Qof waliba dantii hadal
dabuubtiina loo dhiib.”
Markii la gaadhey dabayaaqadii xafladda ayaa la isu
taagey sidii Guddoomiyaha Guur tida loo
guddoonsiin lahaa shahaado iyo billad sharaf ay soo
diyaareen dhallinyarada reer Cardiff. Goobtaas waxa reer
Cardiff ku muujiyeen maqaamka oday Saleebaan ku leeyahay
quluubta Somalilanderska ku dhaqan carriga Wales iyo
weliba sida ay ugu heellan yihiin horumarka waddankoodii
hooyo. Sidaas ayaa reer Cardiff dhaqan u ah oo ay u soo
dhoweeyaan mas’uul kasta oo reer Somaliland ah. Dheeho
sawiradda.
Shahaado sharaf iyo
billad la guddoonsiinayo
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somalil and mudane
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan
Nuur)
Source:Kulmiye.org
|