Maanta UDUB iyo KULMIYE BA waxa u Madaxweyne ah Murr ashaxa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal



Hargeysa (TNN)- Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Ca bdiraxmaan, ayaa daboolka ka qaaday in shirar beryahanba u socday salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshu ay ku go’aansadeen in beelaha Subeer Awal taageeradooda siyaasadeed ku xoojiyaan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay u arkeen nin dalka ka saari kara maxladda uu ku jiro.

Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siiyey Idaacadda Radio Horyaal, isagoo xusay in shirar isdaba-joog ah oo saddexdii bilood ee u dambeeyey u socday madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Subeer Awal oo ay ku  qiima ynayeen xaaladda dalku marayo, doorashada dalku galayo iyo cidda masiirka ummadda lagu  aa mini karo, kuwaas oo markii dhinac walba laga eegay la go’aansaday in beeshu taageeradooda siyaasadeed la barbar istaagto Guddoomiyaha KULMIYE.

“Runtii shir aayo-ka-tashi ah oo beeshu gashay saddex bilood ka hor, kaas oo soo maray  mara axil fara badan oo xasaasi ah, waxaannu saldhigiisu ahaa beesha oo kaga arrinsanaysay  itijaa heeda siyaasadeed, go’aamana way ka soo baxeen. Markaa meel fiican oo qurux badan oo  axs aabta qaranka iyo cid waliba ogtahay ayuu ku biyo-dhigay, arrintaasina waxay noqotay in  aan nu ururino xogtii beesha min bari ilaa galbeed, annagoo u yeedhnay tusmooyinkii beesha Awal ka koobnayd. Xogtiina go’aamo wanwaagsan ayaa ka soo baxay.”

Suldaanka oo la waydiiyey go’aamda soo baxay waxay yihiin,

“Waxa beeshu isku raacday markii dhan walba laga rogrogay, shacabka Somaliland maanta  isb eddel ayuu u baahan yahay, isbeddelkaa uu u baahan yahayna meel buu isku wada raacay oo ah in la dhiso Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo murrashixiisa Madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici. Beesha waxa u dan ah danta  So maliland, maadaama aynu arkayno maanta halka ummaddii martay xogtii aannu beesha ka  uru rinayna sidaas ayuun bay noqotay. Runtii aannagu xisbi ma geli karno, laakiin maanta  maslaxa dda dalka ayaa laga fikirayaa, sidaa mujtamicii Somaliland isugu raacay in isbeddel dalkan ka  dh aco cidda inaga saari kartaana ay tahay mujaahidkaa halgamaaga ah ee inta badana aynu  waa yo-aragnimada bidayno, ayaa marxaladan maanta inagala dabaalan karaya, isbeddelkanina  wa a mid guud oo caam ah oo ka dhacay dalka guud ahaantiiba, markaa taas ayuun buu waafaqsan yahay.”

Mar la waydiiyey Suldaanka in beeshiisa oo hore u taageeri jirtay xisbiga UDUB in go’aankan  ma cnihiisu yahay inay ka guurtay halkeedii hore, waxa uu ku jawaabay, “Runtii Madaxweyne  Raya ale wax kalsoonidii beeshan u yaalaa ma jiro oo taa isaguba wuu ogyahay, beeshuna markii ho reba KULMIYE-na way ka tirsanayd, UDUB-na way ka tirsanayd, laakiin caam ahaan maanta ann agu waxaannu eegaynaa aqlabiyadii beeshu halkay martay oo ay khasab tahay in aannu  raacn o oo aannu tixgelino. Maanta UDUB iyo KULMIYE-ba waxa u madaxweyne ah murrashaxa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), halkaas ayaa la isugu biyo shubtay, waxaad maanta ka  warha ysaa in dalka laydh kale ka socoto, beeshuna aqalkaasi [Madaxtooyada] way ka guurtay, shaca b badanina way na soo waydiiyaan oo waxay yidhaahdaan halkee ayaanu codkayaga ku ridnaa, halkaas ayaanu uga iftiiminaynaa.”

Suldaanka guud oo wax laga waydiiyey magacyada salaadiinta go’aankan beesha ku wehelisa, waxa uu yidhi, “Waxa joogay boqorkii dhinaca bari noogu xigay Boqor Xasan Ruug, waxa ka mid ahaa suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Suldaan Axmed-nuur Samaale, Suldaan Shariif Batuun Diiriye, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Ismaaciil Aadan Baxar, Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelleh, way dhammaayeen guud ahaan, laba ama saddex hawl nagaga  maqn aana way jireen.”

Suldaan Xasan oo la waydiiyey in go’aanka ay qaateen beeshooda ugu baaqeen inay raacaan iyo in kale, waxa uu yidhi; “Go’aanka beesha ayaa qaadatay, annagu guddoon baanu ku  leena hay, sidaas ayaanu ugu faataxaynay, war saxaafadeed kamaanu soo saarin, laakiin beesha  wa anu iska war haynaa intaa xidhiidho ayaanu la leenahay, waanu is ognahay halkaanu joogno.”



Source: Jamhuuriya Online