“Xukuumadda-na Waxaanu Ku Boorinaynaa In Go’aan Deg-Deg Ah Oo Lagu Wada Qanco Ay Ka Soo Saarto Warshada Sibidhka”
 

 


Salaadiintan ayaa waxay sidaas ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Hargeysa(TNN)-Guddid Salaadiin ah oo ka tirsan Beelaha Subeer Awal oo hore iskugu xil-qaamay xalinta Khilaafka Warshada Sibidhka Berbera ayaa maanta ka hadlay Go’aamo ay hore uga soo saareen arrintaasi oo ay saluug ka muujiyeen Guddida Warshada Sibidha Berbera, Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka Gobolka Saaxil iyo Guddida Dan iyo Duco.


Salaadiintan ayaa waxay sidaas ku sheegeen Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel Maans oor ee Magaaladda Hargeysa.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxma an oo ugu horayn shirkaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxa ay u jeedadiisu tahay in aannu jawaab kaga bixino koox aannu Salaadiin u nahay oo ay ku jireen Xildhibaanno iyo saddex suldaan oo salaadiinta subeer awal ku weeraray warbaahinta maalintii shalay ahayd , Ha daba shacabka reer Somaliland Gudo iyo dibadba layaab ayey ku noqotay hadalkaasi deelqafka ku aha Salaadiinta, maadaama salaadiintu dhaqankeena ka yihiin biri magaydo, Markaa ninka suld aankiisii weeraray dhaqan umaynaan lahayn, dulucda shirkayagani waxa weeye laba warsaxaafa deed oo shalay warbaahinta ku soo baxay oo salaadiinta lagu weeraray oo ay soo kala saareen guddida warshadda sibidhka berbera iyo kooxda kale ee saalaadiinta iyo xildhibaannada ah, wax jawaab ah ma mudna, labadaas warsaxaafadeedna waxa nooga baxay laba qodob oo qudha, qod obka koowaad waxa uu ahaa salaadiinta umaannu wakiiladan xallinta khilaafka iyo qodobka laba ad oo ahaa kamaanu warqabin goorta madaxweynaha Somaliland salaadiinta u wakiishay go’aa nka warshadda sibidhka”Ayuu yidhi Suldaanku.


Waxa uu intaasi raciyey “Labadaas qodob ayaa layaab nagu noqday, runtii xallinta khilaafaadka warshadda sibidhku marxalado badan ayey soo martay, ergo ballaadhan baana arrintaas u kac day, iyagoo sallaadiin ahaana noo yimi oo naga codsaday in aan salaadiinta laga maarmi Karin ee ay naga caawiyaan xallinta khilaafka warshadda sibidhka, Sidaan ayey salaadiintu ku gashay xall inta khilaafka warsahdda sibidhka, labada dhinac ee arrinta isku hayaba waannu u tagnay, marka a layaab bay nagu noqotay markii aanu maqalnay hadalka shalay guddida warshadda sibidhka B erbera ka soo baxay ee ay ku yidhaahdeen ergaba noomay iman, arrintaasina la yaab bay nagu noqotay.”

Suldaan Xasan oo hadalkiisa sii wara waxa uu yidhi “ Markii aanu labada dhinac ba u tagnay waxa shuruud nagu xidhay kooxda warshadda sibidhka ee Berbera, iyadoo aanay kooxda saaxil Cemen t Factory aanaya wax shuruud ah nagu xidhin, shuruudaasina waxay ahayd in hawshaa xallintee da ay dawladdu gacanta ku hayso, hadaba guddida warshadda Berbera Cement Factory waxay u tageen madaxweynaha oo ay u sheegeen inuu ka warhayo guddida salaadiinta ah ee khilaafka ku jirta, madaxweynuhu waxa uu ugu jawaabay, dalkeenu waxa uu ku caanno maalay wadatashi iyo hannaanka dhaqanka wax walba lagu xaliyo, wuxuuna ku yidhi, xallinta khilaafka warshadda bannaanka ula baxa oo soo dhamaystay iyadoo gudidii saladiinta ahina ka shaqaynayaan, ergadii isku xilqaantay xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera waxay u yimaadeen salaadiinta Subeer Awal, waxayna nagu yidhaahdeen, ‘hawshii warshadda sibidhka nagala wareega, kadib markii ay caqabad yar kala kulmeen guddida warshadda sibidka ee Berbera (Berbera Cement Factory), hawshaas markii aanu guddo galnay waxa guriga salaadiinta loogu yeedhay laba dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo, waxa soo horeeyey warshadda sibidhka Berbera oo Muuse Dalab hoggaaminayey, hawshii baannu ka waraysanay, waxa kale oo loo yeedhay guddida warshadda sibidhka ee Saaxil Cement Factory, iyaga dhinacooda xogwaraysi ayaa lala yeeshay.

Markii hawshaasi dhammaatay, waxa salaadiintu galeen doodo iyo falanqayn dheer oo la xidhiidh a xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, kadibna waxa saladiintu soo saareen go’aan xal ah oo ay ka gaadheen xallinta khilaafka warshadda sibidhka Berbera, go’aankaasina waxa uu ku soo ururayey in dalku u baahan yahay warshad sibidh oo lagaga kaaftoomo dhaqaalaha adag ee dalka kaga baxa la soo degida sibidhka, go’aankaasina kumaanan odhan cidaas ayaa la siiyey warshadda sibidhka, cid lama siin, waxaannu dawladda u jeedinay in labada warshadoodba loo baahan yahay, haday iyagu midoobayaana iyaga u taal.

Hadaba waxa layaab nagu noqotay warsaxaafadeedka shalay lagu soo weeraray saxaafadda ee lagu yidhi waxay ahaayeen fidmo abuur, annagu hadaaanu salaadiinta nahay fidno aanu dejino mooyaane fidno aannu abuuro ma jirto, eedaha iyo dhalliilaha shacabka aanu salaadiinta u nahay na dul qaada waanu leenahay.

Waxaanan ilaahay uga baryayaa in kooxdaasi aan lagu suntin kooxdii salaadiinta weerartay, waa anu uga ducaynaynaa oo sida shacabkayagu uga naxeen bannu uga ducaynaynaa, go’aanka aan nu soo saarto oo ahaa mid xal, xukuumadduna go’aanka kama dambaysta iyadaa leh, xukuumadd ana waxaannu ku boorinaynaa inay go’aan degdeg ah ka gaadho oo weliba lagu wada qanco go’a anka dawladdu ka soo saarto warshadda sibidhka, shacabkana waxaan leeyahay meel halooga soo wada jeedsado nabadgelyada iyo maalgashiga dalka.

Guddida Dan iyo Duco ee lagu aasaasay shirkii Dubureed oo warsaxaafadeedka lanagu weeray ku jiray waxaan leeyahay anaga lanaguma khuukhin karo guddida dan iyo duco oo aniga iyo suldaan Kooshin waxannu nahay kuwii

guddidaas dhalay ee ka shaqaynayey shirkii Dubereed.”



Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Suldaan Cismaan Cali Kooshin oo ah Suldaanka guud ee bee laha Gobolka Saaxil, waxaanu sheegay in go’aanka salaadiintu soo saareen ahaa mid xal u ah gu ud ahaan dalka Somaliland, waxaanu taageeray hadalka Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan ka sheegay shirka jaraa’id.


1-Suldaan Ibraahin Sulub Nuur

2-Sudlaan Xuseen Awmuuse Cirday

3-Boqro Xasan Maxamd Siciid

4-Suldaan Cismaan Sheekh Ibraahin [Tuulo]

5-Suldaan Cismaan Suldaan Cali kooshin

6-Sudlaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan

7-Sudlaan Axmed Nuur Salaame

8-Sudlaan Islaamciil Aadan [Baxar]

9-Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele

10-Suldaan Maxamuud Xandule.


Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland