Furitaankii Shirkadda SOMTEL ee saka iyo
jawigii madasha

 


Burco (TNN)- Munaasibad Ballaadhan oo lagu furayay Shirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL.
ayaa ka dhacday Hotel City Plaza ee magaalada Burco ,munaasibad ahayd mid si  heer sare ah loo soo agaasimay laguna soo martiqaaday dadki ugu mudnaa uguna muhimsanaa Gobolka ayaa waxa lagu furay aayado quraana , kadib ka hadlay Munaasibadda  Maamul aha Shirkadda SOMTEL mudane Ibraahin Barre Maxamed, isagoo aad uga warramay  marx aladihii kala duwanaa ee ay soo martay shirkadda SOMTEL, wuxuu sheegay in shirkadda SOMTEL tahay shirkadii koowaad ee isgaadhsiineed ee laga furo Dalka somaliland 1998 kii, wuxuu sidoo kale ka warramay qalabka casriga ah ee shirkaddu keentay, isagoo sheegay in shirkaddu qalabkii ugu casrisanaa wakhitgan ay dalka keentay,wuxu sido kale  maam uluh xusay in ay shirkaddu haatan marayso heerarkii ugu caalami sanaa wakhtigan,  had aba waxyaabihii dadkii madasha fadhiyey aad ka ugu qushuuceen ee indhahooda soo  jiit ay waxa ka mid ahaa:

-Mobilo ku shaqaynaya CADCEEDA, Internet USB ah oo la qaadanayo sida Flashta oo kale ,Cardka SOMTEL oo ku shaqaynaya caalamka kale haddii aad tagto,Cardska SOMTEL oo lagu hadlayo muddo 6 bilood ah lacag la’aan,Mobilo laba kaadhlayaal ah ooo Shirkaddu Dadka oo dhan u qaybisay.


Gebi ahaanba Dadka madashaa fadhiyey ayaa ahaa dadkii ugu mudnaa ugu macquulsanaa Gobolka isla markaasna ahaa qaar Xul ah, haday tahay Masuuliyiin ,siyaasiin,culimo-awdi in.abwaano,salaadiin,cuqaal, iyo Tujaar ama ganacsato intaba.

Munaasibaddan waxa hadalo waano iyo ducoba leh ka jeediyey Sh.Cali warsame oo ka  mi d culimada ugu waawayn Gobolka, wuxuu sheegay Sheekhu in arrintan maanta halkan la isugu yimi ay tahay in lagu Furo shirkad cusub oo isgaadhsiineed kana mid tahay  Nimco oyinka ilaahay ina siiyey in mar walba horumar iyo casri la gaadha, loona  baahanyaahay bu yidhi in lo mahadnaqo.

Maamulaha shirkadda XAWALADDA DAHABSHIIL md: Maxamed Yusuf Axmed oo isna  mu n aasibadda ka hadlay ayaa sheegay in shirkaddoodu aanay waxba ka hagran wax kasta oo khayri ah, isagoo sheegay inu mar marka qaar aad ula yaabo hawlaha noockasta leh ee shirkaddu wax kaga jirto ama ay keligeed waddo mar walba.wuxuuna sidoo kale xusay in shirkadda DAHABSHIIL ay tabaruca iyo waxyaabaha khayrka leh ee ay ka qayb  qaada nayso ay heerkaas ku soo gaadhay, maantana ay dhashay shirkad kale oo la mataano ah oo la yidhaa SOMTEL idiina keentay bu yidhi adeegii isgaadhsiineed ee ugu casrisanaa, wu xu dhammaan masuuliyintii halkaasi fadhidey u sheegay in aan shirkaddoodu duulaan ku ahayn shirkaddaha kale ayna soo saartay Moobil laba kaadh le ah.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Md. Maxamed Kahin Axmeda yaa aad ugu ammaanay shirkadda SOMTEL heerka ay ka gaadhay isgaadhsiinta, addunkuna wuxu ku horumaraa buu yidhi isgaadhsiinta iyo adeegyada Bulshada oo mar walba sida ugu fudud loo keeno, waana mid aan caalamka kula taratmi karno ayu yidhi adeegyada aynu haysano, isagoo wasaaradda Boosaha ku eedeeyey in ay noqotay mid aan shaqadi loo magacaabay sideedii u gudan iskuna xidhi kari wayday ama isu keeni kari wayday  dhamm aanba shirkadaha isgaadhsiineed ee ka jir DALKA, oo shaqadaas ay iyadu lahayd buu yidhi.

Badhasaabka Goblka Jaamac C/laahi Biin ayaa isaguna munaaisbadda ka hadlay wuxuuna ku ammaanay shirkadda Dahabshil heerka ay ka gaadhay Technology ga dhinac walba, wuxu sido kale ku ammaanay shirkada SOMTEL in ay markiiba muujisay inaanay waxba xaasidayn isagoona sheegay in markiiba ay shirkaddu sheegtay in Mobilo shirkada lala isticmaali karo ay soo saartay.

masuuliyinta Shirkadaha DAHABSHIL IYO SOMTEL oo uu u hadlayay C/RAXMAN CALI  X.X ASAN o ka mid ah masuuliyintasi ayaa dadka u faahfaahiyey qaabka ay u isticmaalayaan moobilada iminka loo qaybiyey, iyo waxa ujeeddada shirkaddu tahay.

Hadaba waxaa khudbadaha masuuliyinta iyo martisharaftu ay munaasibadda Furitaanka ka jeediyen Dhextaal looga dhigay Riwaayado ama majaajilo aad u qiimo badnayd oo ay halkaas ku soo bandhigeen Majaajilistayaasha iyo abwanada caanka ah ee  JAWAAN,SOO RAN, IYO CALANLE MUSE,dhammaan dadkii madasha fadhiyey ayaa mar qudha qosol  jaa nta wadhay,iyadoona riwaayadda gebi ahaanba lagu soo koobay adeegga shirkadda iyo waxa munaasibadda maanta ay ku saabsanayd.

Ugu danbayntii Munasibadda aya lagu soo gebogabeeyey qado sharaf loo sameeyey dhammaan xubnihii lagu soo casuumay munaasibadda Furitaanka shirkadda SOMTEL.





Hibo Jaamac Cali
Timacade News Network TNN
Burco Somaliland
Hibo008@hotmail.com