SNM
MAXAY KU SUGAN TAHEY
Sua’ashan
intaanan ka jaawaabin . waxay ila tahey inaan dulmaro
tagtadii ama taariikh gaaban oo ku saabsan SNM .
HADABA bal aan dulmaro tagtadii hore ee SNM .
In badan ayaa ku dooda inay iyagu Sameeyeen ama ay
Aasaaseen ururka SNM. Mar koox dibada joogta ayaa
sheegata ama koox godaha joogta ayaa sheegata Aasaaskii
SNM.marna Magaalooyin ayaa isu qabsada .
Waxaasoo dhami waa waxba kama
jiraan .
SNM waa xarako uu aasaasey Shacabka oo ka dhalatey
dareen bulsho ka gilgilatey cadaa diskii iyo xasuuqii
talisgii Siyaad Barre.
Bulshadaas oo ku kala noolayd dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba . SNM waxay ku barbaartey dareenkii u kala
gudbayay : Hargeisa , Burco , Muqdisho , Khaliijka iyo
London.
Ma jirto cid ama magaalo gaar u
sheegan kartaa aasaaskii SNM.
Ciidankii unuga ahaa ee ugu horeeyay SNM, waa
Guutadii 4aad ee Gaaskii
Axmed Gurey , Saldhigii ugu horeeyey SNM,na waa
Duryo-dheer .
SNM iyo aasaaskeediba way ka
waynyihiin wax qof , magaalo , ama kooxi sheegato .
SNM waxaa ahaa qof kasta oo aaminsanaa mabaadi’da iyo
ujeedooyinkii SNM . oo si dad ban iyo si toos ahba gacan
uga geystay halgankii dib u xareynta Qaranka Somaliland
ee ay SNM horseedka u aheyd.
SNM ma aheyn oo kaliya intii talowdwy ee ku howlaneyd
dagaalkii hubaysnaa. Balse wax aa iyaguna SNM ahaa
intii halista daaqysay ee dalka gudihiisa uga adeegaysay
halgank ana tabantaabinaysay. Waxa kale oo SNM ahaa
intii ku sugnayd Dibada ee af iyo adinba halgankaa kaga
qayb qaadanaysay.
Waa gef ama qalad aragtida ah qof kasta oo isaaq ahi SNM
buu ahaa. SNM cid kasta oo k a zoo horjeeday
taliskii Siyad Bare ayaa aheyd.xataaa Talisk Siyaad Bare
ayaa aaminsan aa fikradan oo isu dayay inuu dabar
gooyaba umadan .
SNM ,waxaa laga dhawaaqay magaalada LONDON ,
6/April/1981
Shirweynihii ugu horeeyey ee SNM-na wuxuu ku qabsoomay
London ,October ,1981.
SHIR WEYNAYAASHII SNM
Lam |
Tirsiga SH/W |
Meesha |
Tariikhda |
Gudoomiyaha |
1 |
1, aad |
London |
Oct,1981 |
Axmed Maxamed
Guuleed |
2 |
2, aad |
Nazereth |
April, 82 |
Sheekh Yuusuf
Sheekh Cali |
3 |
3, aad |
Harar |
July 83 |
Sheekh Yuusuf
Sheekh Cali |
4 |
4, aad |
Jigjiga |
Nov 83 |
C/Qaadir
Koosaar |
5 |
5, aad |
Jigjiga |
Augst 84 |
Axmed Maxamed
Siilaanyo |
6 |
6, aad |
Almis |
Feb 87 |
Axmed Maxamed
Siilaaanyo |
7 |
7, aad |
Almis |
April 90 |
C/Raxmaan Axmed
Cali |
Bishii November 1983 ayaa Jigjiga lagu qabtey
kalfadhigii 3,aad ee caadiga ahaa ee Golihii dhexe ee
SNM. Kaas oo lagu bedelay Gudoomiyihii ururka ,
Gudoomiye cusubna laagu door tey , kaasoo ahaa ,
Damal C/Qaadir Koosaar Cabdi. Sidaas ayuu C/qaadir
Koosaar ku noq day Gudoomiyihii 3,aad ee ururkii
SNM.
Waana markii kaliya ee taariikhdii ururkii SNM.
Gudoomiye lagu bedelo kal-fadhi Gole Dhe xe.
Kalfadhigaa 3,aad ee caadiga ahaa ee golihiidhexe ee SNM
wuxuu ahaa kal-fadhi taariikhiya.
Waayo . markii ugu horeysay ayaa lagu oggolaadey laguna
go’aamiyay barnaamijkii siyaasiga iyo Dastuurikii uruka.
Febuary ,1982. oo ku beegnayd xiligaasoo dhagaxtuurkii
ardeydu ka dhacey magaalooyin kii ugu waaweynaa ee
waqooyi Galdeed . Togdheer iyo Sanaag . lana xukumay
kooxdii UFO, ayaa saraakiishii ugu horeysay iyo
Guutadii 4,aad u talaabeen Ethiopia.
In yar kadibna hogaankii siyaasadeed ayaa isna Adiss
Ababa yimid . halkaas oo si rasmiya ay u bilaabantay
howshii ururku.
Adis Ababa oo aheyd saldhiga Guulalle ee SNM ayaa laga
bilaabey howsha inyar kadibna waxa howshaa baaxadeedii
loosoo wareejiyay Saldhigii Jigjiga oo ahaa Aroori,
jiidaha hor ee dagaalkana aad ugu dhawaa iyadoo
howlaha taakulayntuna aad uga socdeen saldhigii Raamaale
ee Diridhaba.
Dagaal balaadhan oo dhinacyo badan lagaga qaadey
Talisgii Siyaad Bare ayaa bilaabmey.
Dagaal yar ma aheyn ee dagaal balaadhan oo wajiyo badan
leh ayuu ahaa. Dagaal Shac ab hubaysan oo ay
duruufi ku kaliftey ayuu ahaa.
Wax jabhad hubaysan sheegta SNM waxa saxada dagaalka uga
horeeyay SSDF oo kaliya oo aan muddo dheer ku jirin
dagaalka una burburtey 1984, kii dabcigii macangagnimo
ee hogaankii Dictator ka ahaa ee Col, C/Laahi Yusuf
Axmed .
SSDF . waxay u dhisnayd qaab Milateri .oo ka dab qaadan
jirey taakulayna ka heliya Col. Qadaafiga Libiya.
Bal fiiri waqtigaa waxaa jirtey in dar xumadii SSDF
halkaa ku haysatey , iyo noloshii C/lahi Yusuf iyo
bahdiisu ay ku noolaayeen guryaha raaxada ee Adis Ababa
iyo Hutelada waa weyn.
Ugu danbeyn 1984,kii ayay SSDF howlgab noqotay
ciidamadedii iyo xubnaheedina u qaybsameen :
1 – wax noqdey ‘ fakad degaan ‘oo sugayay in rajo halgan
mar kale soo noqoto.
2 – wax iyaga oo hubkoodii wata Siyaad Bare u tagey ama
isu dhiibay.
3 – wax iyaga oo hubaysan ku biira saldhigyada SNM oo
halgankoodii hubaysnaa halkii
kasii wada gaar ahaan Saldhigii SNM bari ugu xigay ee
Gowlalaalle. Halkaas oo ay
marti halgameed ugu ahaayeen halgamaagii weynaa ee
Shahiid Col.Maxamed Axmed Maxamud “ Isla weyn” oo 12/
Feb/ 87,kii ku shahiiday
Balli-Dhiig isaga taliye ka ahaa cutub SNM ah oo
ciidamadii Taliskii SB, weerar ku
Qadey.
4 – iyo in deris ku nool aheyd oo ku raaxeysan jirtey
hudheelada waaweyn ee Ethiopia.
Ganacsina kaga jirtey ‘East Africa” gaar ahaan Nairopi.
Oo iyagu ku noolaa dhiiga
Jabhaii jiidaha hore ee dagaalka ku silcaysay.
Kuwaas oo markii jabhadii soo oodantay Dunida u kala
yaacey oo qaxootinimo
raadsadey
SSDF inkastoo ay aheyd jabhadii ugu horeysay ee
Soomaliyeed ee Halgan hubaysan kaga hor timaada talisgii
Siyaad Barre. Hadana sidaas ayay 1984,kii ku noqotey
howlgab Ciidan iyo siyaasadeedba.
Iyada saldhigii ugu horeeyey SNM uu ahaa Durya. Kaas oo
la furay Feb,1982. hadana ur urku isaga oo sii
balaadhinayay saldhigyadiisii ayuu bishii Augost. 1982,
bilowgeedii waxa la furay Saldhigyadii kala ahaa :
Dibiile ( Xarshin ),Laanqyrta , Awaare , iyo Gaashaamo.
Saldhigyadaas ayaa ahaa raaacii labaad ee fadhiisimadii
SNM.
Inkasta oo maalinba maalintii ka danbeysay ay sii
kordhayeen ilaa ay bad iyo buurba ka furmeen.
In badan ayaa la maqley goobilhii ay isu haleeleen
Ciidamadii SNM iyo kuwii Talisgii Siyad Barre.
Waxaase waqtigaa dagaalkii hubaysnaa barbar socdey , mid
dacaayadeed iyo mid saxaa faded iyo banaanbaxyo
joogto ah oo Safaaradihii talisga lagu weerarayay.
Howlgaladii “Badbaado”ee jabintii Xabsigii weynaa ee
Mandheerra iyo Bad-jeex oo miiska saraakiisha ee
Hargeisa lagu kala qaadey waxay ahaayeen howlgalo dhaban-hays
ku noqotay talisgii Siyaad Barre. Howlgaladii kale waxaa
ka mid ahaa kii lagu dilay , December 1986 Taliyihii
Nabad sugida ee Harheisa.
Howgaladii SNM lama soo koobi karro . waxaase ka mid aha
kuwa taariikhda galey sida Guda-galkii 1984.kii iyo
kuwii xeebaha Bari iyo Galbeed.
DHINACII SAXAAFADDA
1982,kii waxa London kazoo bixi jirey Jariirad Biloodle
ah,oo Ingiriisi lagu qori jirey lana odhan jirey (
Somalia uncensored )
Waxa kale oo isla xiliyadaa London kazoo bixi jirey
Jaraa’id Af-Carabi ah oo kal-soo bax ahaa lana odhan
jirey .
( Al-Soomaal Al-Jadiid )
Saldhigii Guulallee waxa isna ka soo bixi jirey ( Al-
Mujaahid )oo tdobaaale Af-carabi ah.
Laantii SNM, ee waqooyiga America iyo Canada waxa kazoo
bixi jirey
( Somali Horizon) oo sadex biloodle ingiriisi ku qoran.
Xaruntii SNM, ee Almis waxaa kazoo bixi jirey ( Dhambaal
) oo biloodle af-Somali ahaa.
Dhuuntii kale ee ugu waynayd ee warfaafin ahaan la
adeegsan jireyna waxay aheyd .Idaacadii Bishii
October,1982. SNM iyo SSDF heshiis ay wada galeen ka
abuurantey ee codkii Jabhada Mucaaradka ah ee la odhan
jirey , ( Radio Halgan )
Bishii April 1988,kii kadib markii ay Ethiopia iyo
Somalia ay heshiis kala sexeexdeen ayaa la xidhay Radio
Halgan.
6 / Aprill/1988 waxay ku beegnayd todoba guuradii
aasaaskii SNM,
5/May/1989,kii ayaa markale la furay Cod ku hadla magaca
SNM,
Kaasoo ahaa Radio SNM.oo ka hadli jirety Xaruntii SNM.
Ee Almis taas oo hadlli jirtey ilaa Feb. 1991,kii habeen
kaliya hawada kamay maqnayn.
Waxa kale oo howl galadaa barbar socday banaanbaxyadii
jaaliyada Somaliland ee dibad aha ku dhaqan Iyo
howlgaladii deeq bixinta ee Gudaha iyo Dibadaba .
Howl galadii Hubaysnaa ee lagu qaadey waqtigaa
fadhiisimadii Ciidamadii Siyaad Barre
Kuwaas oo si laxaadle u naafeeyay Taliskii SB.
Sadex aag ayay SNM kaga jirtey dgaalkaa hubaysan, Aagii
Waqooyi, oo ahaa kii ugu xoo ga waynaa.Aagii dhexe
Mustaxiil iyo Aagii konfureed o ku sinnaa Gambadh,
Garba-Guraaje iyo Bengool oo aheyd duleedka luuq-ganaane.
SNM iyadoo waqtigaa ilaa bilowgii 1981,kii kula jirtey
dagaal hubaysan nidaamkii Siyaad Barre, ayay Bishii May
,1988,kii dabayaaqadeedii weerar kusoo qaadey
magaalooyinka waaweyn: Burco iyo Hargeisa.
Weerarkaasi muu noqon mid saacado ama maalmo socdey.
Balse wuxuu taxnaa ilaa bilow gii Feb,1991,kii
Waqtigaas oo nidaamkii Siyaad Barre laga xoreyay Dhamaan
Gobaladii waqooyi oo imika ah Jamhuuriyadda Somaliland.
1984 – 1989 ,kii SNM ayaa aheyd Jabhada kaliya ee
Soomaaliyeed ee Dagaal Hubaysan kula jirtey Nidaamkii
Siyaar Barre.
1989,kii Dabayaaqadiisii ayay USC, iyo SPM unug samay ah
ahaayeen, halganka hubays ana badhtamihii 1990,kii
ayay soo galeen.
SNM gacan weyn ayay ku laheyd sidii ay labada urur u tis
qaadi lahaayeen
Gen,Maxamed Faarax Caydiid iyo Col,Axmed Cumar Jees
.
Labaduba waxay kazoo sharaabeen xaruntii
SNM ee
Almis .
Dhamaan ururadii kale jabhadaha sheegan jirey waxay
ahaayeen Gadaal dhalad ka danbeeyay talisgii Siyaad
Barre.
SSDF. Shirweynaheedii 3,aad waxay ku qabsatey Harar
March,1983,kii 4,aadna isla Herer 1987,kii. Shirweynihii
5,aad waa kii ku fashilmay Qardho 1994,kii
Ururdan kale may jirin mid Shirweyne qabsadey ,mid
barnaamij siyaasiya ama Dastuur leh.mid calan iyo Xarun
leh. Waa astaan iyo Gudoomiye haday u badantahey waxay
leeyihiin.
Kaasoo hadiyo jeer ka dhur suga shir la qabto oo UN ama
Africa soo abaabusho.si uu wax ugasoo helo.
Meherada kaliya ee ay ka simanyihiina tahey Suudh la
xidho , Hudheelo ay ku degaan , hadba shir jaraa-id oo
kolba meel ay ku qabtaan.
Xalka qalalaasaha Somalia kaliya waxay u arkaan kazoo ah
in mushkilada Somalia dhamaa neyso haddi ay
Madaxweyneyaal, Madaxweye-kuxigeeno iyo Wasiiro wada
noqdaan,
Sida hadaba ka dhacada Somalia oo marba Dowlad loo
Sameeyo aanay ka soconayn.
Bal u fiirso sobobaha ay u fashilmaan waxyaabahan lagu
magacaabo shirarka dib u heshii sinta ee Somalia.
Imisaa Jabuuti , Adis Ababa, Nayrobi, Qahira ,Jidah,iyo
meelo kaleba lagu qabtey oo aan la garanayn sobobaha ay
u fashilmaan.
Haye sobobaha ay u fashilmaan waa
kuwan :
1- iyada oo ay talada shirkaasi ka timaado. New York,
Qahira ,Rome iyo meelo kale oo lam ida oo aan ehel
u aheyn dhibaatada Somaaliyeed .
2- Ururo ku sheegyada shirkaa yimaada oo aan metelin
codna ka haysan Shacbiga Somal iyeed oo ay xataa
Qaar kamida ay yidhaahdaan Somaliland ayaan ka soconaa
hunguri owgii, Oo intooda badani tahey hadhaagii
Taliskii Siyaad Barr.
3 - Ajandaha oo had iyo jeer ka fog Xaqiiqada iyo
waayaha Somaliyeed markasta iyo
Shirkasttana ah Dhisme Dowladeed oo muran ka taaganyahey.
Yaa noqonaya
Madax weyne iyo wasiiro
Mushkilada Somaaliyeedna taa maha .
.Shirweynihii Beelaha Waqooyiga iyo kaladhigii 2,aad ee
Caadiga ahaa ee G
Olahii Dhexe ee SNM ayaa ku qabsoomay Burco, May
1991,kii . halkaasoo lagu Gudoonsadey lasoo Noqoshada
Madax-banaanidii 1960,kii. Isla markaana lagu sameeyay
Jamhuuridda Somaliland
Araarta iyo googol xaadhka ayaa ila dheeraadaye. Waxaynu
u soconay inaynu si cad oo aan mugdi jirin u qeexno .
Waxay manta ku sugan tahey SNM.
Iyadoo dib u dhaca iyo baaba lasoo darsay SNM manta ee
aanay Xafiisyo lahayn. Maalmo la xusoo oo taarikhii ay
soo martey aanay jirin. Oon xataa aan laga war hayn
Naafadii soo halgantay oo ay qaarkood geeriyoodeen
xaqoodiina aan la siin Agoomihii ay ka tageen . xataa
waxaad arkaysaa qaar waalan oo aan haysan cid
daryeesha,oOo lagu odhanayo ninkani waa mujaahid Hebel.
I’ am Sorry about what happen ours.
Hadaba SNM waxa ku dhacay maaha
Cir-kasoo dhac ee iyada ayaaa isugu wacnayd.
Kuwaas oo mudo soo taxnaa oo markii danbena la maareyn
kari waayey oo isbiirsadey ayaa hada la odhan waa kuwa
kenay dibu dhacii ku yimid SNM, kuwaas oo ahaa
kalfadhigii 2,aad ee caadiga ahaa ee golihii dhexe ee
SNM oo Burco ahaa.
Waa dhab inaanu go’aan la qaato oo warqad lagu qoraa
dhibaato keenin balse dhibaata da iyo dib u dhacu
waxay ka dhalan karaan fulintiisa ama fulin la’aantiisa.
Kalfadhigii 2,aad ee golihii iyo go’aamadii kazoo baxey
bal aynu eegno sidii ay u saameey een.
Go’aamadaasi way badnaayeen balse aynu eegno kuwa
saameynta ku yeeshay Ururkii SNM.
Ma ahayn loogumana talo galin in ay go’aamadaasi dib u
dhac ku keenaan SNM. Waxayse dhibaatadu ka timid ku
dhaqan la’aantoodii
Go’aamadaa waxa ka mid ahaa
inuu Gudoomiyaha Ururkii SNM, noqdo madaxweynaha
Somaliland. Gudoomiye ku xigeen kuna noqdo
Madaxweyne-ku xigeenka Somaliland in goluhii dhexe
ee SNM, oo xubno bee lihii aan SNM ahaan jirin
lagu kordhiyayna noqdaan Barlamaanka Somaliland
Go’aamadaa kalfadhigaa 2,aad waxba kama sheegin golihii
fulinta ee SNM, oo intoodii badneyd noqdeen wakhtigaa
xubno ka tirsanaa golihii wasiirada ee waqtigaa Cusbaa.
Bal hadaba aynu ku noqono qodobadaa kor ku xusani sida
loogu sababeeyey Gaabiskii ku yimid SNM.
Dood dheer ayuu galihii dhexe ka yeeshay waqtigaa
qodobadaa.
Markii in badan la rogrogayna waxaa loo batay in
hogaanka Ururii SNM. Iyo kii Dawladuba mideysnaadaan.
Iyada oo kala qaybsanaantooda loo arkayay in ay wiiqi
karto midnimada Qaranimada Somaliland
C/Raxmaan Axmed Cali ( Allah Hau naxariisto) oo markaa
ahaa Gudoomiyihii SNM. Intii aan doodaa la galin wuxuu
qabey in madaxnimada golaha wasiirada loo sameeyo ama
loo mag acaabo Ra’iisal wasaare.
Markii danbe se fikrado loola yimid ayaa bedelay
ra’yigiisii
Intii aanay fikradan mideysan ee hogaanka ururnimo iyo
kan dawladnimo dhex iman golihii dhexe. Waxa ka dooday
go’aana ka qatey gudigii Fulintee SNM. Oo kal fadhigii
usoo jeediyay in hogaan mideysan la doorto.
Sidaa ayaa loo go’aaansadey oo Marxum’C/Raxmaan Axmed
Cali ku noqday Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland.
Taa macnaheedu ma aheyn inC/raxmaan loo doortey
Madaxweyne, Lakiin maa daama uu ahaa Gudoomiyahii SNM,
qofkii xilkaa haya ayaa go’aanku ahaa inuu noqdo
madaxweyne.
Hargeisa ay noqotay Xaruntii ama Caasimadii Somaliland
ayaa la yimid. Iyadoo aanay jirin Gidigii Fulinta ee SNM.
Markii Hargeisa la yimid Urur iyo SNM ba lama danayn ee
dawlad ayaa laisu dhigay. Xarun Urur lama samayn lamana
howl galin Gudigii Fulinta ee waqtigaa. Golihii dhexe ee
Ururku wuu isu iman kari waayay. Gudoomiyihii iyo ku
xigeenkii ururku waxay isu dhigeen oo ku filaatey
Madaxweyne iyo madaxweyne-ku xigeen.
Sidii ayadoo lakala taaganyahey ayuu qabsoomey
Shirweynihii Borama 1993,
Intii ka danbeysayna wax howl Urur ah oo la qabtey ma
jirin
Hogaamintii Ururkii SNM iyo Sharciyadiisiiba waxay ku
ekeyd bishii mey 1993.
La soco….. .... ...
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakatu.
Maxamed Maxamud Axmed Shabeel
(
Maxmed
Arts
)
maxamedarts@hotmail.com
Gabiley Somaliland
|
|