SIDEE LOOGA MIDHO-DHALIYAA GUUSHA SOCDAALKA MADAXWEYNAHA EE GOBALADA

 

 

Ahmed Arwo
samotalis@Gmail.com



Waxa marag ma doon ah in guul laga gaadhay socdaalka Madaxweynha ee indho-indheenta iyo xog uruursiga ee dhul balaadhka dalka Somaliland, gaar ahaan gobalada bari. Waxa Mad axweynahu gaalaabixiyey safar dheer oo jid mar ah, dhul durugsan oon jid wacan lahayn, d uruufo dhaqaale xumo iyo mid maamul ka jiro. Waxuu taabtay xuduudka bari ee dalka.

 Waxuu siyaartay ciidamada jiida hore ee difaaca qaran oon Madaxweyne hore gaadhin. Muu ahayn safar dalxiis iyo nasasho. Maalin keliya ayuu ka wada qudbadeeyey Harsheekh, Xaaxi iyo Oodweyne habeenkiina u hoyday Burco isla subixii ayuu ka baqoolay waxuuna cag o-dhigtay Laascaanood, Tukaraq deedna Caynabo intaba waxay u ahayd qudbad iyo shirar isla habeenkii waxuu ku soo gurya-noqday Burco oo subaxii filaysay inay fagaare kula kulm aan wafdiga. Waxa la galay shirar maamulka iyo waxgaradka Togdheer, subaxiina waa tii la sugaayey ee waxay ahayd xus gaar ah iyo goobtii lagaga dhawaaqay qarannimada Sooma liland iyo fagaare hadalkii. Jiirtii subaxna waxuu cagta saaray jiidii bari iyo gobalka kheyraa dka badan ee Sanaag. Waa jid dheer oon dhisnayn, waa dal cabashada ugu horeysaa tah ay jid xumo. Cidi uga waramimeyso oo isagaa hadda iyo horreyba u maray.

Waa
Garadag, Ceel-afweyn, iyo Ceerigaabo.


http://samotalis.blogspot.com/2011/10/warkii-madaxweynaha-somaliland-ee.html
Wacdarihii Burco guji linka hoose:


http://samotalis.blogspot.com/2011/10/madaxweynaha-somaliland-axmed-siiraanyo.html
Tanina waa sagootintii Ceerigaabo guji hoos:


http://somalilandguardian.blogspot.com/2011/10/madaxweyne-siilaanyo-oo-ka-tegay.html
 


Haddaba Ujeedadu maxay tahay


Mahadnaq doorashadii shacbigu u codeeyeen. Waa mid muwaadinku istaahilo, gaar ahaan reer KULMIYE oo ah cidda guusha doorashu keli u sheegan karta. Waxa wafdiga weheliyey Guddomiyaha xisbiga Muuse Biixi oo si gaar ah ula kulmaayey guddiyada xisbiga iyo hawl wa deenada. Waxa iyana dhankooda ka waramaayey waxqabadka xukuumadda Wasiirada ka midka ahaa wafdiga.


Qiimeynta wax-qabadka xukuumadda ee gobalada. Madaxweynaha waxa u suurtagashay i nuu toos u dhugto wax qabadka Wasaaradaha ee gobalada isagoo hore u hayey warbixin ta xukuumadda. Waa qiimeyn uu ku arki karo dhabta waxqabad iyo warbixintuu ka hayey Wasiiradiisa.


La-kulanka bulshoweynta gobalada si uu uga dhegeysto tabashadooda iyo halkey waxqaba dka ugu culus ka rabaan, tabashadooda maamul, qiimeyntooda wasaaradaha iyo saraakii s ha u xil saaran.
La-kulanka maamulka gobalada iyo degmooyinka oo leys dhaafsado xogwaran labada dhina c ah.Baraarojinta iyo kor-u-qaadka dareenka wadajir,ilaalinta nabadda, ka-qaybgalka horu marinta dhaqaale, iyo wacyigelinta guud ee bulshada.


Kolka intaasi ahyd hadafka socdaalkani, side looga faaídeysasn karaa:


1. Waa in la helaa qoraal dheer oo xubnaha wafdigu ka shiraan kana qoraan gobal kasta iyo degmo kasta xogwarankeeda. Dabcan cid ayaa u xilsaaran qoraalka, waxa se muhiim ah in xogwaran dhmmeystiran oo xubinaysan la helo lagana shiro oo qoraal leysku raaco la qoro si loogu gudbiyo Madaxweynaha.


2. Qoraalka isagoo qiimeynaaya, kuna daraaya dareenkiisa iyo siduu u arko waa inuu ku qo áan qaataa, isagoo u gudbin doona kolba wasaaradda iyo hayádda ay khusayso.


3. Si qiimeynta wasaaradaha loo dhammeystiro, waxa habboon in wasaarad kasta laga dal bo warbixineedka sanadka ay xilka haysay iyo qorshaheeda sanadka soo socda oo gobalay san oo degmadeysan.

4. Taasi waxay ay cadayn doontaa hawsha laga filaayey inta qabsoontay, waxa hortaagan iyo siday u dhaqaajin karto mustaqbalka.

5. Waxa u fududanaysa Madaxweynahu inuu dabagal dhab ah ku sameeyo waxqabadka xuk uumadda, iskuna xidho dareenka bulshada gobalada iyo baahiyaha dalka iyo barnaamij haw leedka ee Wasiir kasta ka filaayey.

Waxaan ahaa nin in badan ku taliyey in si degdeg ah loo maro dalka isla doorashada dabad eed si bulshada loogu mahadnaqo. Waxa waayo-aragnimada Madaxweynahu noqotay in so cdaalku ku wacan yahay mid mahadnaq, iyo wax-u-sheeg noqda oo horta wax la qabto, lan darso duruufaha dhabta ee maamulku dhaxlay. Waana mid ka muuqata guusha laga gaadha y. Waxa si gaar ah u qurxiyey socdaalkan iyadoo dunidoo dhan laga daawanaayey isla mar telefishanka qaranka. Waxayna noqotay mid aan cidina midab kale iyo maroorin siyaasadee d loo helayn. Waa indhahaaga iyo dhegahaaga ayaa kuu macalin ah,

Xiligan oo lagu gudo jiro diyaarinta miisaaniyadda 2011, waa in lagu saleeyaa siyaasadda iy o aragtida Madaxweynaha kolka uu darso xogwaranka socdaalka iyo qoraalada laga qoray, warbixinta wasaaradaha iyo hayádaha ee la xidhiidha waxqabadka sanadka, qorshihii 2010 waxa ka qabsoomay, sababta ay u qabsoomi waayeen, iyo qorshahooda 2011 oo degmedy san oo gobalaysan. Taas ayaa sal looga dhigi karaa miisaaniyad ka turjumta hadafka siyaas adda hormarinta dalka oo dabcan ku dhisan himmilada shacbiga ooy xakamaynayso italka maamul iyo dhaqaale ee dalka iyo kala doorashada baahiyaha badan ee meel walba jira oon marba xoogaa la daboolo,iyadoon cidina filayn in mar qudha iyo xili dhow toona la wada dab ooli karo.

Waxa qiimeyntani tahay mid habboon inay ku soo uruurto abaalmarin isgu jirta mahadnaqa, canaan, dalacaad, casilaad, wax-bedel iyo garabtaabasho dheerigelin. Waa in hawlwadeen ada heer qaran, gobal, iyo degmaba la qiimeeyaa oo la saaraa miisaanka, (Performance Ev aluation). Waxa socdaankani yahay fursad uu madaxweynahu u helay inuu toos ula xidhiid ho bulshada soona arko duruufaha dhabta ah, iyadoon turjumaan iyo dayr midna u dhaxay n.

Madaxweynahu waxuu muujiyey inaan cidina uga dhabaradkeen kolka danta guud iyo horu marinta bulsho loo dhaqaaqo. Soo-jeedka dheer, iyo safarka aan nasashada lahayn, iyo dh egeysiga aan haamansiga lahayn iyo dulqaadka uu dhexgalka bulsho ee habaas iyo garbin midna uga joogin dhex-socodkooda, maqalka canaantoodu, cabashadooda, u dulqaadka bu uqa iyo muranka mararka qaar dhexgalka ka dhasha, waxa hubaal ah inuu Madaxweyne A xmed maankiisa ku sajilay barnaamaj hor leh oo waxqabad iyo horumarin maamul oo cusub leh si loo dhammeystiro qorshaha sanadka inta ka hadhsan iyo in la helo miisaaniyad horum arineed sanadka soo socda.

Ugu dambeyn, aan bulshada ugu yeedho qiimeynta dhabta ah ee socdaalka iyo hammiga d adweynha. Aan noqon dad hore u socda oon ka waantowno dib usocodka, iyo muranak ma-dhalayska ah. Doodo ha noqoto waxqabad iyo sidaas ayey ku wacanatay iyo sidana ka hab boon. Mucaarid iyo muxaafidku ha ku loolamaan waxqabad iyo barnaamaj hawleed, dadwe ynahuna ha nqodo mid u darban danta guud iyo la-xisaabtanka mas’uuliinta ay hawsha u dhiibteen.Ogow masúuliinta xisbiyada iyo ururaduba waa ka mid oo xil qaran ayey hayaan, waxayna tartan ugu jiraan hogaaminta berri ee yaan la-xisaabtankooda la yareysan. U fii rso doodahooda, odoros barnaamajkooda iyo hab-dhaqankooda maamul.

Aan qiimeynu waxqabadka manta si aynu u helno mustaqbal wacan.

Wadajir iyo midnimo

Mahad oo dhan Alle ayaa leh

 



Ahmed Hassan Arwo

La-taliyaha Madaxweynah ee Dhaqaalaha

http://www.facebook.com/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127#!/pages/Ahmed-Arwo/246544372035127

samotalis@gmail.com