Roobab Laba Qof Dillay Barakacna Sababay Oo Ka Da’ay Degmooyinka Wajaale Iyo Allaybaday Ee Gobolka Cusub Ee Gabilay

 

”Roobku Wuxuu Qaaday Buundo Ku Taalay Xadka Labada Dal Ee Somaliland Iyo Itoobiya Ee Wajaale”


Laba qof, ayaa ku dhintay saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib xalay roob xoogleh oo ka dad’ay degmooyinka Wajaale iyo Alleybaday ee gobolka cusub ee Gabiley, oo gaystay khasaare la xaadle.


Roobka ka da’ay xalay degmada Wajaale oo sababay dhimashada iyo dhaawac ayaa khasaare ba’an gaystay waxaanu daadku qaaday buundo ku taallay xuduudka Wajaale ee labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.


Roobkaasi waxa kale oo ku le’day 700 oo neef oo lo’a, 5000 oo neef oo Adhi ah, halka daadku qaaday guryo ay deganaayeen qoysas aan tiro koobkooda la xaqiijin guryahaasi oo iskugu jiray buulal iyo jiingado.


Daadka ka soo rogmaday roobkaasi waxay baa’biiyeen waddooyinka degmada Wajaale.

Sidoo kale wararka ka imanaya degmada Alleybaday ee isla gobolka Gabiley, waxa roobkii xalay ka da’ay ku le’day 804 neef oo Adhi ah isla markaana wuxuu baabiiyay guryo ay deganaayeen qoysas badani.


Badhasaabka gobolka Gabiley Maxamed Axmed Xabaab, ayaa degmada Wajaale kaga dhawaaqay baaq qaylo dhaan ah, waxaanu xukuumada Somaliland iyo hay’adaha samofalka ka dalbaday inay gurmad degdeg ah la soo gaadho dadka ku baro kacay roobabkan.


Waxa kale oo badhasaabku ka digay roobkani iyo biyaha wadhan magaalada Wajaale ay sababi karto inuu ka dilaaco shuban haddii aan wax laga qaban.


Dhinaca kale roob fiican oo lagu qabawsaday ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ay deegaanada Mandheere, Abdaal iyo Lafaruug, halka roobku ka da’een jiidaha dhinaca berri iyo dhulka gubanka ah ee gobolka Saaxil.


Waxa roobkaasi xalay iyo habeen hore aad u maasheeyay deegaamo badan oo ku yaalla gobolka Saaxil, waxana la arkayay onkodka iyo hilaaca roobka ka da’ayay dhinaca xeebta.

Sidoo kale magaalada Hargeysa iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka da’ay roobab lagu qabawsaday.

 




Ramaasnews