Xisbiga Dimoqraadiga Ummada Bahooday

Xafiiska Siyaasada.

War saxaafadeed

Ref: UDUB/XS/F-4/10 Date 30/08/10


"Waxan rajaynayaa inay Ethiopia si fiican ula shaqayso dawladda Cusub ee Somaliland" Madaxweynihii Hore Md. Daahir Rayale kahin.

Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB mudane Dahir Rayale K ahin ayaa manta magaalda Addis Ababa ee dalka Ethiopia kula kulmay Ra’iisal wasaaraha Dawladda Ethiopia Mudane Meles Zenawi iyo madaxweynaha Ethiopia mudane Girma  Wold egiorgis.

Madaxweynihii hore oo si weyn loogu soo dhoweeyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Dalka  Ethi opia ayaa waxa Meles si weyn ugu mahad celieyey sidii wanaagsanayd ay u wada  shaqyee en waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u wada  abuur een xidhiidh sokeeye oo dhex mara labada dal. Waxa labada dal u suurta gashay inay  same eyaan xidhiidh nabad gelyo, mid ganacsi iyo mid siyaasadeedba kaas oo gaadhay inay  Ethi opia Qunsuliyad ka furato dalka Somaliland, isticmaashona Dekeda Berbera iyadoo gacan  w eyn ka geysatay sidii loo samayn lahaa Berbera Corridor oo ah wado isku xidha Ethiopia iyo Somaliland oo dhowaan la hir gelin doono.

Waxay kale oo ay mahad uga celiyeen madaxweynhii Hore hir gelinta Demoqraadiyada  Som aliland iyo sidii qiimaha lahayd ee uu xilka ugu wareejiyey dawladda cusub, taas oo ahayd  m id dalka ka badbaadisay xasilooni daro baahda. Waxay ku tilmaameen doorashadii Somaliland mid ku dayasho mudan, oo Afrika ay Somaliland ku soo kordhisay.

Madaxweynihii hore waxu uga mahad celieyey xidhiidhkii iyo iskaashiga wanaagsan ee ka  d hexeeya labada dal oo ah saaxiibtinimo dhow oo sokeeye ah, waxuna u rajeeyey inay  xidhii dhkaa halkiisa kala sii wadaan dawladda cusub, Ethiopiana noqoto wado Somaliland u marto xidhiidhka caalamka. Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi waxu u ballan qaaday inay xidhiidhka halkiisii ka sii wadayaan, wada shaqayna la yeelanayaan Dawladda Cusub ee uu  Hogaamin ayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalialnd Mudane Axmed Maxamed Maxamud  (Siilaan yo) Waxa kulnkaa kula wehelieyey saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga,

1. Abdillahi Mohamed Ducaale (Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada)
2. Axmed Mohamed Ciise ( Xoghayihii hore ee madaxweynaha)
 

 


Cumar Jaamac Faarax


Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Ee Xisbiga UDUB