ADEER DAAHIR RAYAALE WUXUU QABTAY WIXII CIGAAL (IHN) QABAN KARI WAAYAY.
MAXAA QABATEEN AYAY NA YIDHAAHDAAN
SANWAA CUMAR YARE
 


GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.

KULMIYE IYO UCID! ADEER DAAHIR RAYAALE

WUXUU QABTAY WIXII CIGAAL (IHN) QABAN KARI WAAYAY.




Waxaan jeclay in aanay umadu I karahsan, waxaan jeclay in aanan ka beensheegin  taariik hda. Intaas hadaan ka gudbo, wax badan ayaan arkayay iyagoo mucaaridku ay leeyihiin  xu kumada Rayaale maxay qabatay!? Waxaan hadaba shacbiga xasuusinayaa wax kasta oo la qiimaynayo waxa la barbar dhigaa dhigiisa, waxaan u jeedaa hadii iminka aad  qiimay nayso Deked waa inaad bar-bar dhigtaa Deked kale, hadii aynu qiimaynayno Wax-qabad Dawladeed waa inaynu barbardhignaa Dawlad kale ama tii iyada ka horaysayba.



Bal aan soo qaato Doorkii Madaxweyne Maxamed X Ibraahin Cigaal: may jirin xoriyatal qawl oo may hadli karayn Siyaasiyiinta maanta labadublaa shacbigu u hayaa walaa Mujaahidiin walaa cidkale, Nin buus ku yidhaa Cigaal muu jirin iska daa Dhangad ayaan kaga soo saari madaxtooyadoo! May jirin shaqsi wax ka sheegi karayay Dhaqaalaha Dalka sida loogu takri falo iyo halka uu ku baxotoona, iminkana waxa shacbigii lagu wareeriyey Dalkii la Cunyeey!! Aan usii dhaadhacee, muu jirin Reer qudha oo nabad kula noolaa Reer kale oo walaalihiiya. May sugnayn xuduudahii caalamiga ahaa ee Jiida Gobolada Bari. Lama ogolayn Gobolo  cus ub waligaaba dhulkaagu ha balaadhnaado iminkana.

.

Daahir Rayaale Wax-qabadkiisana anagu ka Gudi ahaan, waxaanu u aragnaa oo shacbiguna nala qabaa inuu yahay madaxweyne inta kor ku xusanba ka saaray meesha oo waliba intii uu xilka madaxweyne-nimo hayay wuxuu si fiican u tirtiray bahashii Qabyaalada ahayd oo iminka ay Mucaaridku dib usoo noolaynayaan. Wuxuuu meesha ka saaray nabad galyo daradii ahayd: maanta reer hebel ayaa dilay nin reer hebela ee hubka inoo gura! oo nabad ayaynu ku seexanay mudo 7 iyo badh gaadhaysa. Wuxuu soo kordhiyay in madaxweyne kastaa dulqaato hadii uu meesha ka tago oo waad arkaysaa waxa lagula hadlayo ee uu shibta galay shacbiguna wuu ku jecel yahay habdhaqankaas suuban. Wuxuu sugay  xuduu dihii dalka oo dhan.

Masoo koobi karee, Rayaale waa madaxweynaha wada raali galiyay Beelaha Somaliladn isagoo Beeshii dhulkeedu ahaa 200 km oo isku wareega iyo Beeshii dhulkeedu ahaa  60,000km oo isku wareeg ayuu Gobolo siiyay horena umay dhicin markaa shan dambena wuu istaahilaa inaynu doorano adeer.



Waxa xusid mudan inuu Cigaal ku guulaystay Samaynta Dastuurka Qaranka iyo dhisida haayado dawladeed oo dastuuriya.



Fiiro Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.
 

 


SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com