Siyad Bare ayaa halheys u laha Dal waa la igu iman dad se la igu iman maayo, Rayaalna wuxu leeyahay dal waa la igu iman dawladse la igu iman maayo
 

Dhamaan waxa ka tacsiyadeynayaa bulshada JSL ee hormarka iyo dimuqradeyda u  je elan, dhibaatada iyo awood sheegashada lagu hayo sharcigii umadu u codeysay ee ey u igmadeen inlagu dhaqo ummadii u codeysay, waxa nasiib daro ah dhibaatad  rabaa niga ah ee inla soo darstay maamulkeenni, dhibaatooyinku waa aqaar ilaahey kugu falo markaad garanweyda waajibaadka iyo xilka kaa saaran dadkaag iyo dalkaaga, dhibaa tadan in heshay waa mid aynu gacmaheenna ku doonanay o aynu codkeeni xalaasha ahaa siinay digtaator aan haba yaraate aan wax damiir ah laheyn, ilaahey qoomku u rogayo wuxu gacanta u galiyaa jahil aan waxba dhooraneyn. Doorasho iyo hormar baa bulshadu sugaysa oo baryahan ba la naawalayay ee maxa 21 sano dib inoo celiya, ma antuu haddana halgankii marlabaad ina sugaa waa nasiib daro, ma maantu arinkeeni kow ka soo bilaabmaya.


Maanta maha maalin lagu dagaalamo qodobo sharcigu ogol yahay oo golaha wakiilada la hor keenno labadan qodob ba ee dhibtaa iyo dagaaladu ka dhacay waa laba qodob o sharcigu ogol yahay ee maxa keenay buuq iyo qalalaasanahan, ragga xildhibaada  she eganaya ee maalin walba la soo adeegsanayo ee shuruucdii ey i u dhaarteen ka hor imanaya runtii sharaf iyo wanaag mid ka heli maayan bulshada dhexdeeda waxa runtii iman doonta oo aan fogeyn maalin la horkeenni doono sharciga, islamarkaan iyaga  ma s'uul ka noqon doon fowdadaasi iyo dhibaatadaasi maalin walba loo soo maleegay  qa rannimadeed iyo shuruucdii dalkeenna oo maalinba mid lagu tumanayo.


Bal haddaba aakhristoo u fiirsada qodobada la diidan yahay kuwa ey yihiin haddii ay  y ihiin qaar aanu sharciga waafaqsaneyn waa in la diida lana hor istaag doodiisa iyo  m aq alkiisaba golaha iman, laakiin maadaama u yahay qodobo u sharcigu ogol yahau waa maxay sababta keentay in lagu dagaalamo oo waliba hub la isku adeegsado. Haddii u qodobku yahay mid shariciga waafaqsan maxa looga doodi waay uun ee murankan  ke enay, haddii la doonayo in arinka loo leexiyo xeer jajab iyo tanaasul maxa loo mari  wa aya habkii aynu ku caano maalanay ee haa waar waxani waa sharciye maanta maha maalin aynu madaxweyne xilka ka xayuubine dib inoogu dhiga qodobadan ama ay si geesi nimo leh u soo badheedhi waayen oo ey doodooda uga dhiiban waayen  calafkoo dan ka qaadan waayeen, waxa leeyahay wali TIMIR LAF BAA KU JIRTA oo arinku ka weyn sharci iyo dimuqradeyda oo la ishortaago ee runtii waxkastaba horteney eyay iman doonan, waan la ogaan halka ay sartu ka qudhun santahay insha alle-


Bal u fiirso sida u dhigay la taliyihii dhicanca sharcigu labadaasi qodob ee muranku ka taagan yahay.



Maanta oo La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu Golaha ka hor sheegay in labada Mooshin ee Xil-ka-xayuubinta Madaxweynaha iyo Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Go laha oo ay soo kala jeediyeen Mudanayasha Mucaaradka iyo Muxaafadku uu midka ho re yahay sharci, loo baahan yahay in laga doodo, halka ka dambe ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golahana uu tilmaamay inay awood u leeyihiin oo kaliya Gudida joogt a da ah ee Goluhu
.


Xilligii u madaxweyne ka ahaa soomaliya kaligii taliyihii M Siyaad Bare wuxu odhan jiray islamarkan halheys u lahaa Dal waa la igu iman laakinse dad la igu iman maayo ee  sid aasi ogaad, waxa hadaladaasi ka soo wariyay kuwii aadka ugu dhawdhawaa Siyaad Bare.


Maanta waxa filayaa inuu madaxweyne Rayaalna aaminsan yahay in aan loogu iman DAWLAD SHAQEYSA OO SOOMALILAND LA YIDHAAHDO oo si shaqeysa kana danbeysa tiisan ma dhaleyska ah. Runtii ma noqoneys ilaaheyna ka dhigi maayo madaxweyne sida ad moodeyso ama ku qorsheysan ama saaxiibada talada qaldan ku siiyeen, waxa leeyahay madaxweyne awoodii iyo karaamadii u laha Siyad Bare midna kaama muuqato o ma laheyd aqoontiisi Siyaad Bare, laakin waxaad marwalba ku dadaasha sidii ad uga tabaabusheysan la heyd somaliland adigoo cidna galaafan sharcigan ku tuman, adigu na shaadir laguugu tahribin qunyar oo dhalatay Jabuuti magangalyo siyaasadeed weydiiso ama waa dalkaagii labaad halkaasi ka sii ambaqaad ila meeshii ad jeceshahay caalamka.


Waxan shabakado badan ka halacsadey qoraalo ey sheegaya inuu madaxweynuhuna u leeyahay sharci u ku kala diro golaha wakiilada, haddii u qodobkaasi jiro maha maanta mid isaga u suurto galaya ama laga aqbalayo sababtoo ahaa haddii u yidhaahdo golahii wakiilada ee qodobkaasi igu soo ogay baan ana u cuskanaya qodobkaasi an ku kala dirayo, Wuxu noqonayaa arinkiisu SAANBUUSE EEDANKI KA DHACAY oo cid ka  dhageys a naysa ma jirto, ee taasi niyada ha galiyo inaanu arinkaasi la shir iman karin  maanta ,runtii weey jirta mar ay u shaqeyn la heyd ama suurta gal ahaan leyd laakin imika maaha oo qodobkaasi waxa cunay qodobkan ka soo hor maray ee ah in isaga xilka laga xayuubiyo. Waan Jaanis ka lumay runtii.


Waxa leeyahay dhamaan shacabka xalaasha ah ee soomaliland meelwalba o ay joogan ba in ey u hiiliyaan shuruucda dalka ee maalin walba u madaxweyne Rayaale ku tumanayo isaga iyo kooxdiisu, ma lihi xisbi hebel u hiiliya ee waxa ujeeda u hiiliya shuruucda dalka ee la tirtirayo. haddii ey sidaasi ku sii socoto waxa lumaya wixi in kala hagaya oo ah sharcigaasi lug tumanayo.


Waabilaahi tawfaqii
 

 

 

Omar Daarood Xassan
Norway