Madaxwaynaha JSL oo maanta xadhiga ka jaray maxjarka xoolaha ee laga hirgaliyay Berbera

 


Waxaa maanta magaalada dakada ah ee Berbera laga furay oo xadhiga laga jaray maxjarka xoolaha laga dhoofinaya somaliland ee loo dhoofiyo wadamada khaliijka carbeed.

Maxjarka oo qaadaya xoolo lagu qiyaasey ilaa 350,000 oo neef ayaa waxaa dhismihiisa qeyb laxaadleh ka qaatey ganacsadaha reer sacuudi SUlEYMAAN AL-JAABIRI.

Maxajarka ayaa loogu talo galey in lagu baadho caafimaadka xoolaha ka dhoofaya somaliland .

Warqada cadeynta caafimaad ee uu maxjarkani bixiyo ayaa waxaa durbadiiba aqoonsadey wadamada isutaga imaaraadka carabta, kuweyt iyo qaarkale oo ka tirsan wadamada gacanka carbeed.

Arinta maxjarkan oo khilaaf weyn dhex dhigtey ga,acsatada markii la bilaabey dhismihisa ayaa aakhirkii laga heshiiey kadib markii la isku waafaqey in ganacsade kastaa uu ka dhoofinka xoolihii maxjarkjan.


Warsaxaafadeedka ayfhayeenka madxtooyadu kasoo saray maanta ayaa u qornaa sidatan;

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kkaahin, waxa uu Maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray Magaalada Berbera Maxjarka Xoolaha oo dhawaan la dhamays tiray.

Maxjarkaasi oo ay ku baxday lacag dhawr Malyuun oo Doollar ah looguna tallo galay in lagu baadho caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Dekeda Magaalada Berbera, waxa dhisay Shirkadd uu leeyahay ganacsade Sacuudi ah oo la yidhaahdo Sheekh Sulieman Al-Jaabiri.

Madaxweynaha oo hadal kooban ka jeediyay Munaasibada ka dib , markii uu xadhiga ka jaray Maxjarka cusub ee Xoolaha waxa uu sheegay in haddii aan la hubin caafimaadka xoolaha in aanay suurta gal u ahayn wadana in uu dibada Xoolihiisa u dhoofiyo, iyada oo adduunkii hadda is-bedelay, cuduro badana xoolihii laga helay.


Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi ‘Wax badan baa la lahaa waxba kama jiraan Maxjarka xoolaha ee la sheegayay, hase yeeshee maanta indhihiina ayaa idiin macalin ah’’.

Madaxweyne Daahir Rayaale waxa uu ku booriyay in shacbiga reer Somaliland in ay ka faa’iidaystaan Maxjarkaasi, isaga oo ugu mahad naqay Mudane Saleebaan Al-Jaabiri, Al-Camuudi iyo Madaxdii kale ee la socotay sida wax ku oolka ah ee ay u hir galiyeen dhismaha maxjarkaasi.

Mudane Saleebaan Al-Jaabiri oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay inuu wax badan ku taamayay in maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha uu ka hir galiyo Somaliland, maanta ay taasi ilaahay idinkii u hir gashay.

Al-Jaabiri isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegay in adhiga Somaliland uu ka mid yahay xoolaha nool ee ka mid ah kuwa dunida ugu fiican, waxana uu intaasi ku daray tan iyo hadda in ay aqbaleen in xoolaha Somaliland si toos ah ay u qaataan wadamo badan oo ay ka mid yihiin Qatar,
Cumaan, Kuwayt, Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, isla markaana la filayo in mustaqbalka dhow Sucuudi Carabiyana ay ka mid noqon doonto dalalka iibsada Xoolaha Somaliland, iyada oo dhawaan soo diri doonta dhakhaatiir dhamays tira heshiiskaasi Sucuudigu ku iibsanayaan Xoolaha Somaliland.

Gabo gabadiina Al-Jaabiri waxa uu carabka ku dhuftay in maxjarkan dhismihiisu uu ku hir galay taageerada ay mar walba ka helayeen Madaxweynaha Somaliland, Xukuumadiisa iyo shacbiga reer Somalilandba.


 


Alla Mahad leh


 


Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland