Madaxweyna rayaale oo ka hadlay arrimaha doorashada iyo axsaabta JSL

 

Madaxweynaha JSL ayaa Axsaabta Mucaaradka ku dhaliilay in ay ka hor jeedaan in dalka ay ka dhacdo Doorasho waadix ah, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay in uu ka hor jeeday Diiwaangelintii iyo in ay Doorasho toos ahi dalka ka dhacdo.

Waxaanu iska fogeeyay Madaxweynuhu eedaymo sheegaya in uu mas'uul ka yahay dib-u-dhigista Doorashada Madaxtooyada JSL.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ka hadlay Argagixisada oo uu sheegay in ay hawlgallo argagixiso ka fuliyeen Somaliland, isla markaana ay ka mid ahayd Weerarkii lagu qaaday meelo ka mid ah Magaalada Hargeysa. “Argagixisadu way na weerartay, waxay Sheekh ku dileen Macalimiin dhalashadoodu Ingiriis tahay..Waxaanay Argagixisadu qarxiyeen Gurigayga hortiisa.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale oo habeenkii Jimcuhu soo galayay Qasriga Madaxtooyada ugu waramay Suxufiyiin ka kala socday Hay’ado Warbaahineed oo Caalami ah, kuwaas oo Suxufiyiin ka tirsani ay dalka booqasho ku joogaan.

Waxa kale oo uu M/weyne Rayaale ka hadlay dib-u-dhaca Doorashada oo uu ku macneeyay in ay keentay ka dib markii ay Komishanka Doorashooyinku go’aansadeen in ay kala hufaan oo ay kala saaraan dadkii is-diiwaangeliyay. “Dib-u-dhaca Doorashada waxa keenay Guddida Doorashooyinka ayaa kala-saaraya dadkii is-diiwaangeliyay ee ku laba jeer noqday. Sidaa darteed, waqti walba waxa jira tartan” ayuu yidhi Rayaale.

Mar M/weyne Rayaale la waydiiyay su’aal la xidhiidhay dhinaca xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo sidoo kale aqoonsiga Somaliland, ayaa wuxuu Beesha Caalamka ku eedeeyay in ay dhegaha iyo Indhaha ka furaysteen qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.

‘Beesha Caalamku waxay daneeyaan Soomaaliya oo aanay Dawladi ka jirin, Dal shaqaynaya oo ay Dawladi ka jirtana oo Somaliland ah way iska indho-tiraan, waxaanay aqbaleen Soomaaliya oo aanu Qaran ka jirinLaakiin, nasiib-darro, walaalahayaga Afrikaanka ahi waligood may marin jidkan (Aqoonsiga S/land). Sidaa darteed, dhawr jeer ayaan waydiiyay Beesha Caalamka, Dalalka Afrika iyo kuwa Yurub, maxay Beesha Caalamku u taageertaa Soomaaliya oo aan awoodin in ay wax kastbato ee ay isaga indho-tirtaa Somaliland oo horumar gaadhay, iigamay jawaabin.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.

Waraysigan oo xalay laga baahiyay Telefishanka Dawladda, ayaa mar Madaxweynaha la waydiiiyay su’aal ku saabsanayd Server-ka ama agabka kala safaynta Is-diiwaangeliyayaasha iyo waqtiga laga yaabo in uu hawsha dhammeeyo, wuxuu ku jawaabay, “Waxa jirtay is-laba Diiwaangelin, waxaanay kala saarayaan dadka is-diiwaangeliyay mar wax ka badan, waanay socotaa hawshu. Waxaan filayaa Beesha Caalamka ayaa naga caawinaysa, waxaanan filayaa in ay soo gebo-geboobi doonto.”

Waxa kale oo Madaxweyne Rayaale la waydiiyay su’aal ku aaddanayd dhinaca khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan shidaalka, waxaanu sheegay in saadaalin lagu sameeyay, isla markaana Cilmi-baadhis la sameeyay ka dib, ay Wershadaha Caalamka indhahoodu hayaan Somaliland.

Mar Madaxweyne Rayaale la waydiiyay su’aal ahayd, sida uu u arko Xadhigga Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ee ay amartay Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC, ayaa wuxuu ku jawwaabay, “Waxba kama sheegi karo, sababtoo ah, waa markii ugu horraysay ee aynu maqalno Madaxweyne Xil haya oo la yidhi Maxkamad baa la geyn karaa, markaa ma garan karo wax aan ku sharaxo, mana jirto fikir wacan oo aan ka haysto sharcinimada Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah. Markaa ma garanayo cidda ay yihiin kuwa awoodda u siiyay, u saxeexay, isla markaana aqbalay in ay Maxkamad u qaadaan.”

Sidoo kale waxa Madaxweyne Rayaale la waydiiyay sida uu u arko eedaymo ay Xisbiyada Mucaaradka ahi u jeediyaaan isaga, taas oo ku saabsan in uu masuuliyadda dib-u-dhaca Doorashada leeyahay isagu, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Maya, run maaha ee waad u tagi kartaa Guddida Doorashooyinka, sababtoo ah Anigu wax uma yeedhin karo. Awoodaha dalkanina wuxuu ku dhisan yahay talo-wadaag, Garsoorku wuu ka madax bannaan yahay Dawladda..sidee baanu wax ugu yeedhin karnaa?

Komishanka Doorashooyinka ayaana leh awoodda ay waqti ugu cayimi karaan Doorashada, sidaa darteed way cayimeen, Aniguna waan saxeexay Digreetadii.

Taas oo ahayd waxaan qaban karayay, mana aha tani wax run ah. Walaalahay (Mucaaradka) iyo Anigu aad baanu uga nasiib badannahay walaalahayaga kale ee reer Somaliland, waxaanu helnay fursadda aanu ugu tartannay Jagada Madaxweynenimo. Waxa jira dad badan oo laga yaabo inay naga wanaagsan yihiiin Aniga iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad.

Sidaa darteed, markii aanu helnay fursaddan oo waliba ay dadku na taageerayaan, ma jirto ujeeddo aanu u samayno cudur-daar.

Waa inay u tartamaan Doorashada. Waxaynu ognahay in Dalalka kale ee Afrikaan ay dadku murmaan Doorashada dabadeed, laakiin in la murmo Doorashada horteed caqli-gal maaha. Sida la ogyahay waxa uu Kulmiye ka dagaallamayay in la qabto Doorasho waadix ah, waxaanu ka hor jeeday Diiwaangelintii, dalalka Afrika dhammaan Mucaaradku waxay u ooyayaan Doorasho waadix ah, laakiin, halkan Mucaaradku waxay u dagaallamayaan Doorasho aan waadix ahayn.”

Madaxweyne Rayaale oo la waydiiyay waxa uu u jeedinayo Beesha Caalamka, ayaa waxa uu marti-qaad ugu fidiyay Beesha Caalamka inay yimaadaan Somaliand, isla markaana ay arkaan waxa ka socda.

“Waxaan leeyahay kaalaya oo Indhihiina ku arka, isla markaana rumaysta waxay Somaliland qabsatay oo aqoonsada..Sababtoo ah, waxaad aqoonsateen dalal qiimo iyo dhisme ahaan ka liita Somaliland.” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
 

 


Wargeyska Ogaal