Madaxweyne Rayaale Meydkii halyeygii Fagadhe ma wu xu u waayay kharashkii yar ee lagu soo qaadi lahaa

 

Jicmihii dhaweyd e ina soo dhaafey waxa magaalada Paris ku geeriyooday alle ha u  na xariiste marxuun Maxamuud Nur Saalax - Fagadhe, runtii waxa hubaal ah sida ey  warar ku sheegeyan inuu meydkii maanta ku wali yaalo qolka meydadka ee qaboojiyaha, sida ay diinteenna suubani ina fareyso ma haboona inuu meydku mudada intaasi leg yaalo, haddii aney jirn baadhitan iyo awoodo kale oo inoo diidi kara in aynu aasano meydkeena.

Waxa haddaba maalmahan shabakada ah qaar kusoo badaneya hadalo  isdhaafdhaafan san o runtii u dhigna sidantan - meydkii marxuun Fagadhe oo loo waayay kharash lagu  soo qaado iyo dawlada Rayaale oo ku adkeysaneysa in lagu aaso magaaladaasi u ku  ge eriyoday iyo qoyskii marxumku ka soo jeeday oo doonaya in ay iyagu kharashka iska  bi xiyan maadaama ay dawladii u ka tirsan dhagaha ka fureysatay codsigii qoyska u soo direen dawlada Rayaale in ey ka taageeran kharaashkaasi meydka lagu soo qaadi lahaa.


Waxan haddaba aad ula yaabanahey dawladii ama maamulkii u ka tirsanaa e u igmaday maalmihii u noolaa e u caafimadka qabay una magacawday inuu dalkaasi Farans inooga noqdo wakiil ka tirsan wasaarada khaarajigga ee somaliland.


Waxan haddaba isweydiiya oo runtii aad iyo aadna u la yaabay waa maxay sababta  ke entay inuu Ina Rayaale yidhaahdo meydkii marxuunka la soo qaadi maayo o tigdh iyo  k harasha loo ma hayo, waxan haddana markiiba isweydiiya su'aasha ah Rayaale miyaanu aheyn madaxweyahan aynu sida weyn ugu tuhan sanahay inuu yahay maanta ragga far ku tiriska ah ee maalqabeenada ah ee qaaraddan afrika mise arinkeenu waa DOOB  TUHUN BAAD DILAY.


Runtii waa nasiib daro iyo magaca xumo dhamaan saaran shacabka JSLand meelkastoo ay jooganba, si gaar ahna waxa mas'uuliyadaasi saaran tahay oo ey fadeexda ku tahay maamulka maanta midida daabkeeda haya ee Ina Rayaale hormoodka u yahay, waxey soomalidu tidhaahda NINKII QEYRKII LOO XIIRAYO SOO QOYSO ADIGUNA


Waxa iyan runtii nasiib wanaag ah maanta in ay dhacdadaasi ka faa'iideysan doona  ma s'uulinii badan oo maanta garab iyo gaashanba siiya madaxweyne Rayaale, hore  waxe ynu soo aragney runtii marag ma doon aha islamarkan eynu wada ognahay  marxalada ha ey maanta ku sugan yihiin raggii gacantisa midig ahaa madaxweyne Rayaale, shalay wada ogeydeen wasiirkiisi wershadaha Md. Maxamed Saleeban weyne sirihi iyo fadeexdii u saxaafada siinayay , bal an isku dayo inaan dhawr wasiir o gacantiisa midig ahaa halka ay ku danbeyneen is xusuusino Rayaale, mee Ismail Aden Cisman muxu ka dheefay  dag aaladii iyo laabtii u garacaayay, mee Cabdillahi Dirawal muxu ka dheefay bacbacdii u  Ra yaale la garab taagan mudada dheer, mee Cabdilah Ibrahim Ali muxu ka dheefay  reerni ma Rayaale lagu eryan yaa iyo wuxu shubi jiray, mee Maxamed Saleeban weyne muxu ka dheefay afxumadiisi iyo been abuurkii an jirin ee if iyo aakhiraba u shafeeco waayayo maant afartiisi wasiir ee an soo xusay waxey ka mid aheyeen wasiiradii lagu xaman jiray in ay yihiin gacantiisa midig maanta waxad ogtihiin halka ay ku sugan yihiin iyo sida ay u qoomameynayan facaashoodii wixishnimo iyo maamulkii mafiyada ee ey dhidibada u  taa gee.


Waxan leeyahay ragga maanta la rafiiqaha Rayaale iyo maamulkiisa ha ogaadeen in  ey dan ka DUBAALADA IYO RAGANIMO DHEEREEN MIDNA ISMAIL YARE IYO MAXAMED  SAL BEEN WEYN iyo marxuunkaasi u maanta yidhi yaan la soo qaadin meydkiisa ee bartaasi u ku nafwaayay afarta qaxootiga ah ee reer Jabuuti ha ku aaseen Farans.


Waxan haddaba maanta ogaaday in anu Rayaale qiimey badan siineyn mid u gabgablee ya iyo mid dadkiisa been u sheega iyo mid laabta u garaaca o yidhaahda anaa dhab-lib aax ku seexinaya iyo mid xil u hay, waxakaloo aynu ogaaney ama inoo cadaatey inuu  m aamulka madaxweyne aaminsan yahay madaxdiisa waqtigu ku helo qurabaha ee ku  gee riyooda u yahay ama uga dhigan yahay DAMEER BAKHTIYAY, maanta maaha runtii  maal intii u Rayaale odhan lahaa marxuun Fagadhe ha lagu aaso dal shisheeye oo dad qaxooti ahi ha aaseen, wuxu marxuunku mudan yahay in aas qaran loo sameyo inuu ehelkiisa iyo asxaabtiisi ka qeyb qaatan aaska qaran ee loo sameyo, wuxu ahaa marxuun Fagadhe  ra ggii dalkan u soo halgamay ila intii aynu maxmiyada ingiriskan ku hoos jirnay ila maanta oo u ku shahiiday isagoo gudaney xil qaran gacanta ku haya, meydkii iyo kii noola midna maanta ma qadarinayo uma naxariisanayo madaxweyne Rayaale.


Waxan haddaba leeyahay dhamaan shacabka soomaliland inta inuu ka damqaneysa  dh ibaatooyinka iyo hagardaamooyinka joogta ah ee lagu hayo qaranimada soomaliland iyo gooni isu taageeda lagu, waxa waajib inagu ah dhamaan in eynu ka ilaalino codkeena oo runtii u diidno xisbiga UDUBmafiyo iyo madaweynaha maanta Meydkii iyo Noolahaba si ula wada dhaqmaya.


Waxa dalkeena dhawr jeer soo booqday fanaani kala duwan oo quraba joogta ka tirsan o soomali iyo ajaani ba leh, runtii waxan maqlay oo dadbadan oo goobjoogahi in xaqiijin in madaxtooyda sii heer saraha looga soo dhaweyay sooryo lacageed iyo mid aduunba loo hibeyay, maadama sidaasi loo soo dhaweyo fanaanta hawlo badanina ka socdan  ma daxtooyadeeni o ajaanib iyo soomali ba farqiyada loo soo buuxinayo maxa loo waayay kharaska yar ee an waxba ku aheyn madaxweyne Rayaal ee marxuunka meydkiisa loogu soo qaadi lahaa? Why eheladiisi iyo asxaabtiisi meydka loogu keeno waaya why aas  qar an loogu sameyn waaya? arimahan inagu habsada ee inagu dhacaya waxey ka mid yihiin runtii sida an aaminsanahay anigu dhibaatooyin hore o ay soo galanay o la inaga jarayo, runtii haddii eynaa dhibaato hore so galin ilaaheyba hogaamiyo axmaqaha inagumuu  sal ideen, maanta dhibaatadan in heysata waa mid rabaaniya.


Waxa maalmo dhaweyto saxaafada ku soo badan eyay eedeymo badan o axsaabta  muc aarid iyo muxaafida la isweydaarsaneya oo qaarkood shaki badan shacabka ku abuuray, waxa ka mid ahaa eedeymaahasi o runtii noqotey in markiiba dabadeeda la soo qabtay mudane ka tirsan xisbiga UCID o ah mudane Xasan Xussein Codyar islamarkan ah  afhay eenka xisbiga qaran e UCID wuxu mudanuhu saxaafadda iyo waraabinta u sheegay in si aan sharciga waafaqsaneyn loo kala iibsaday labadii Jasiiradooda ee galbeedka  soomali land, runtii dadbadan ba warsaxaafadeedkaasi iyo eedeymaahasi aad ula yaaban  afhay kan UCID o laha waa boroobagadhe ololaha doorashooyinka ku saleysan oo ey xisbiga UCID sheegayan iwm


Waxa maalin dhaweyto shabakadaha galbeedka soomaliland ku abtirsada ka aakhristay sida Salyac.com in madax dhaqmeydo iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol ee Awdal iyo Salal loo diiday in ay booqdan o ay wax ka soo ogaadan hadaladii ama eedeymihii  af hayeenka UCID ka soo yeedhay, waxa runntii cadaatey inuu mudanahaasi UCID sheegay war rasmi ah o markhaatigeediina la soo xaqiijiyay markii la iska hortaaga madaxdadii iyo waxgaradkii labadaasi gobol ee xaqiiq raadiska ahaa ee labadaasi gobol ka soo  jee day, markaste waxa mudan in taariikhda ma guuranka ah ee Saanta lagu xardho lagu  q oraalo mahdhooyinka iyo dhacdoonyinka cajiibka ah ee loo baahan yahay in dib loo  qiim eyo sida iibkan dhuleed iyo hantidan dawlada ee sida sharci darada aha loo kala  iibsan ayo, waa arimaha lagula xisaabtami doona mustaqbalka soo socda madaxda maanta  mi dida daabkeeda heysa ee an ila hadda garan karin waxa soo socda, carabtu waxey  tid haada KULU YOOM MUSH CIID, maalinkaste maaha maalinciidaha.


Waxan haddaba aakhristow ku soo gabagabeynaya codsi ama baaq an u dirayo  dham aan shacabka, gancasatada, culumada heyadaha bulshada JSL iyo labada gudoomiye ee UCID iyo Kulmiye in ey sida ugu dhakhso ah badan u soo qaadan meydkaasi marxuun M. N. Saalax - Fagadhe o runtii ahaa halyey ka baxay qaranka soomaliland o mudan in aas qaran loo sameyo eheladii iyo asxaabtiisan sii macasalaameyso islamarkaan ilaahey  nax ariis iyo danbi dhaafa u baryaan




Wa bilaahi tawfiq


 

 

 

Omar Daarood Xassan
Norway