Madaxwayne Rayaale iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaa ri d ka ah ee
Kulmiye oo dhambaal Hambalyo ah u diray Sh acabka Somaliland
Curashada Sanadka Cusub ee Islaamka awgeed.
Hargeisa(Timacade News)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir
Rayaale Kaa hin ayaa maanta shacabka Somaliland iyo Dunida islaamka
ahba u diray dhambaal Hamb alyo ah oo ku saabsan curashada
sanadka cusub ee islaamka oo ku beegan Hijriyada 1431-ka berri
oo jimce ah, waxaanu Ilaahay Uga baryayay in sanadkan sanadkiisa ay
ku gaadhaan barwaaqo iyo Nabadgelyo.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md.
Axmed Maxamed Ma xamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna dhambaal
Hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland Gu ddo iyo dibadba
waxaanu ilaahay uga baryay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan
bash bash iyo barwaaqo.
Dhinaca kalena Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh.
Muxumed Axm ed ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku cadaynayo
inuu beri bilaabmayo sanadka cu sub ee islaamku, waxaanu ku
sheegay warsaxaafadeedkisaasi in fasaxii ay qaadan lahaa yeen
shaqaalaha Dawladda loo bedelay Maalinta sabtida ah, waxaanu
war saxaafadee dkaasi u dhignaa sidan hoos ku qoran.
“Waxa dhamaan ummadda reer Somaliland lagu wargalinayaa in
taariikhda hijriyada ay tahay Awal Muxrim 1/1/1431 ay ku began tahay
berito oo jimce ah sanadka cusub ee islaamku, iyadoo ilaahay aanu ka
baryayno in Illaahay sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash
iyo barwaaqo iyo rajadeena oo guulaysata.
Sidoo kale maadaama maalintaasi ay ku began tahay jimce waxa fasax
ay noqon doonaan shaqaalaha dawladdu maalinta Sabtida ah markii aanu
ka wada tashanay Hay’adda shaq aalaha."
Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe
Future)
Timacade News Desk
Timacadenews@hotmail.com
Hargeisa Office Somaliland
|