waxaan leyahay Madexweyne Riyaale Rabitaanka Shacabka waxa ishortaaga ninwaalan iyo nin wadkii Galay


Birmingham (Timacade News)-waxaan leyahay Madexweyne Riyaale  rabitaan ka Shacabka waxa ishortaaga ninwaalan iyo nin wadkii galay , Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) arinkii laguu soo dhiibay halkii loogu talagalay waad gaadhsii say Adigu.

Siyaasiga weyne Abdow Aayir ayaa isagoo ka hadlaya xafladii soo dhawaynta ee loo sameeyey waftigii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engneer Faysal Cali Warabe , ayaa ka dhawaajiyey in la ilaaliyo rabitanka shacabka  So maliland waxa aynu ognahay Geeska africa intii kaligii taliye ee soo martay iyo halkay mareen taasina waxay macalin inooga tahay halka ay maraan kaligood taliyayaashu hadii an wax ka taabtaabo waxa ka mida Kaligii Taliyihii Maxamed Siyaad Bare iyo Mengistu Hailo Mariam iyo Abdilahi Yuusuf oo shalay aynu  og ayn waxii kaga dhacay Mugdisho oo ay ka saareen shacabka oo kashanaya rabitaabkooda iyo halkii uu maray markii danbe kudanbeeyey inuu Qoxoonti ku noqdo dalka Yemen.


Waxa aynu ka joogaan markii la doortay Madaxeyne Riyaale sideed sanadood waxa shacabkuna ay doorteen  shan sano sadaxda kale waa ka daba tuur iyo rabitaanka shacabka oo la is hirtaagay intee in leeg ayaa ayey qadanaysaa du lqadka shacabku ay u dulqadanayaan Riyaale.

Isagoo siiwata Abdo Aayir waxa uu yidhi shacabka waa shacabkii ka gilgishay kaligii taliyihiin Siyaad Bare markii ay go,aanku gaadheen in ay iska fujiyaan dulmigaa dusha ka saarnaa ee Siyaad Bare ilaahay dusha kaga keenay dalkana ku qabsaday inqilaabka ilaahay mahadii rabitaankii shacabka Somaliland waa ku guuleyey in ay dib u hantaan dhulkoodii hooyo matana umalayn maayo inayna cidna ka baryeynin rabitankooda ayuu yidhi Abdow Aayir


Riyaale weynu ogayn waxuu Qoxoonti ku ahaa Laascaanood maalintii aynu  dal kan qabsanay oo Cabdicasiis Cali Bare kaga hadhay waxaanu ku joogaa  danbid haafkii shacabka ee 1991kii ka dhacay Burco maaha maanta in uu midgale ka galo dalkan iyo dadkan uu lafahooda cadcad garanayo. Hasadsan in aad  Qoxo ontu ku danbayso sida Abdilahi Yuusuf ama Siyaad Barihii ku geeriyooday Nay jeeriya maydkiisana loo qaday dalka Somalia marki danbe.  Riyaalow maanta a digoo madaxweynihii Somaliland.


Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), waxaan leyahay waxa aad tahay nin da'yar oo mustaqbal ku leh dalkan iyo dadkan reer Somaliland siyasaduna maaha in aad ku xumaato waayo waxa ay raad ku reebaysaa mustaqbalkagaa fog iyo ka dhowba waxa aan ogahay in Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) iyo Maamulka Riyaale weykala daweyn yihiin mamulka Riyaale waa tagayaaye yanu ku galin danbi aad ka soo kaban waydo ha,ugalin dhagar aan ka hadhayn marnaba oo yaanu sahay kaa dhigan Adeer sidasuu yidhi Abdo Aayir mar uu lahadlayey Golisnews.com



Source:Golisnews.com