U.S.A. John F. Kennedy, Robert F. Kennedy iyo Ed ward F. Kennedy, wehel iyo walaal ayay u ahaayeen dadka madaw ee Maraykanka

 

Wax colaad, macaluul, iyo cudur uga huleelaa degelkii iyo digadii Eebo ku uumay Somalida ka sokow, kuma yara aduunyadan hagardaamada iyo hingoowga badan leh-e, waxay ka soo jeedaan '' Reer Kennedey-adu '' dalka la yidhaa Ireland, oo ab-kood gaajo uga qaxay oo waxay ka mid ahaayeen dad ka daaduumay abaar ba' an oo daba-dheer, saamo-cuna, iyo hawaaradii aan naqaanay ka daran oo badhadho ay beeran jireen, oo noloshoodu aad ugu xidhnayd ka bi' isay, waxa kale oo hayaan-daaduunkaasi ay nafta ku badbaadinayeen dadka Ayrishka ahi iyana ku weheliyay, dadyoow kale oo badan oo reer Yurub ah oo iyana dal  doo rsi ama nolol-fiican raadsi ahaa. Sahanbaa ay ku geedi galeene waxay heeryadii ku fureen ooy naq iyo dalsan-ba ka heleen dhul dihin oon qaladu ku badnayn, waa dalka la yidhaa haatan Maraykane ( U.S.A ), Hugunka iyo is-dalandalsiga dadka cadaanka ahi sameeyeen waxa uu soo jiitay indhahii dunida, waxana ka daba-rar noqday dadyoow kale oo badan oo meelo kale duwan oo qaaradaha aduunka ah ka soo kala jeeda, oo Ninba dhan iyo si uu ku yimidba soo cosob (naq) raacay oo yimid guryasamadan lagu doogsaday, waxan aakhirkii uu  noqd ay dalkii cusbaa da' da yaraa, mid ka mid ah kuwa ugu hodansan, uguna awooda badan leh, dhankii laga eegoba.

Waase habar iyo habeenkeede, isla dalkan Maraykanka waxa jiray oo  dadyaw gaa iskugu qayshaday barwaaqadan weheliyay, dad cagaha lagu soo jiitay oo iyaga lagu keenay dhulkaa xoog iyo san-dule oo hanti la leeyahay oo sida  xoola ha loo kala iibsado ahaa, Waa dadkii madoobaa ee la adoonsan jiray ee  qaarad an aan ka soo jeedno ee Afrika ee cawada daran leh ka yimid, dadkaasi waxa laga dhigtay oo loo qorsheeyay inay u noqdaan ninka cad maciinka iyo muruqa uu hawshiisa u adeegsado, waxana aanay haba yaraatee shaqo ku lahaan jirin dadkaa madoobi oo laga ilaaliyay, wax lahaansho iyo ahaansho, Rag se lama maleeyee, inay taa qaayibaan iyagu waa diideen oo intaa hoosta waa ay ka halgamayeen ooy maalinba taab iyo tis dhigayeen, ogolaan waayeena in hadii muqooda ( body ) la adoonsaday ruuxooduna ( spirit ) la taabo.

Ninba waxbaa ku dheere, halka ninka madaw ay arintiisu taagnayd, toloow mar uun maad xoroobi ood la mid noqon qayrkaa ( ninka cad ) oo sidiisa maad u  nool aan, maad u hami-i, maad u arinsani, maad u yeelan hanti, maad la wadaagi sharciga dalkan ninkan cad I.W.M, xasuuso qudbadii qiimaha lahayd ee, '' I have a dream, Dr Marthin Luther King " , ayaa waxa ay rag kale, waa cadaanka e ay tiisu taagnayd, maruun maad xukumi dalka Maraykanka iyo weliba aduunyada inteeda kale, waxa ka mid ahaa dadkii hankoodu heerkaa taagnaa, Ilma  Kenne dy, kuwaasoo 50-kii sanadood ee ugu danbaysay dalka Maraykanka siyaasadiisa Saamayn wayn ku lahaa! hadaba labadaa himilo ee sida aad-ka ah u kala tagsan una kala fog, ayaa sal u ahaa saaxiibtinimo aad u qotodheer, oo ka dhex  unkan tay dadka madaw ee Maraykanka ku nool iyo qoyskan siyaasiyiinta ah ee reer Kennedy qarnigii tagay, sanadihii kontomaadka dhamaadkoodii.

Labadu ( dadka madaw iyo reer Kennedy ) waxay wada galeen halgan adag oo qadhaadh, oo kacaa kuf iyo silbasho badan leh, oo ujeedadiisu ahayd inay dalka Maraykanka iyo dhaqan-siyaasadiisii fooshaxumaa ee dadku ku kala  takoornaa yeen badelaan, oo dhaqan xalaal ah oo cusub oo hor leh oo loo siman yahay la yagleelo, inkasta oo ay taasi galaafatay nafahii rag badan oo ay ka mid ahaayeen, John F. kennedy, Robert F. Kennedy, Marthin Luther King, Malcolm X, iyo rag kale oo badan oon la tirin karin, hadana hadafkoodii waa rumoobay, inkasta oo aanay iyagu soo gaadhin oonay arag, waase kaa dhaxalkii ay ka tageen maanta keenay in mudo ka yar qarni-badhkii, maalintii uu qudbada qiirada leh ee aadka loo wada yaqaan ee la wada maqlay ee la yidhaa,'' I have a dream today " uu jeediyay Dr Martin Luther King, uu Aqalka cad ee looga  arimi yo Maraykan nin madoobi fadhiyo ee uu waliba ka taliyo!.

Inkasta oo xisbiga Dimuqraadi-ga la yidhaa yahay mid ka furfuran kana  dabacs an kan Jamhuuriga ah (Republican ) marka loo eego xaga dadyawga laga tirada badan yahay, ee dadka madawbina ka mid yahay, hadana hadaan rag badan oo ay u horeeyaan Ilmo-kennedy ( siiba John, Robert iyo Edward ) u guntan u dagaalanka xaquuqda dadkaa laga tirada badan yahay, sida xaalku maanta yahay marna Maraykan ma ahaadeen, taasina waa ta keentay, in Geeriyaha ku yimaadaa Qoyska reer Kennedy ay taabtaan quluubta dad badan oo dunida ku nool, oo aan Maraykanba caaro ku lahayn, Waata keentay in dadka madoobi dareemaan in garab ku banaanaaday, waxa u danbeeyay geerida hada ku timid Sen, Edward kennedy, oo aad looga wada naxay guud ahaan, gaar ahaana dadka madaw iyo dan-yarta dadka maraykanku ka tiiraanyoodeen, geeridan sen, Edward waata madaxweyne Barack Obama caloolyawga ku keentay, waayo sen, Edward waxa uu ahaa gaashaanka ugu adag ee uu madaxweynuhu ku leeyahay golayaasha, taasuun maahee waxa uu sen, Edward gacan libaax ka agaystay dooraqshadii iyo soo bixidii madaxweyne Barack Obama.

Geeridii 1963-dii ee John F. Kennedy, iyo tan hada oo ah 2009 ee walaalkii  Edw ard F. Kennedy, oo ay u dhaxayso mudo ka badan 45 gu', waxay labadu si isku mid ah u saameeyeen, dadka madaw oo aad uga naxay, taasi waxay kuu cadaynaysaa, abaalka qoyskan reer Kennedy iyo dadka madaw ee Maraykanka ku nooli isku leeyihiin een dhamaanshaha lahayn, waa sidaa sida loo leeyahay '' waari mayside war hakaa hadho, oo weliba ku wanaagsan hakaa hadho !

Nimankii madoobaa ee soo maray qarnigii tagay dalka Maraykanka ee xaq u  di rirka ahaa, ee kala ahaa, Malcolm X. iyo Martin Luther King, oo ku kala duwanaa aragtiyaha halgankoodu waxay isku raacsanaayeen, soo dhawaysiga reer Kennedy, iyaga oo arkayay awooda iyo mabda' a qoyskaa, oo Martin Luther King ayaa laga hayaa, mar uu ka sheekaynayay saaxiibada ay ku leeyihiin dawlada Maraykanka, John F. Kennedy, isagu waa nin inaga ah.


Somaliland ha jirto oo ha joogto

 

 

Cali Cumar Xasan