“Reer Berbera waxaan leeyahay ragii hore haddii ay wax dhisi kari
waayeen kan soo dhaweeya”
Hargeysa (TNN)- Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland
Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaad ir, ayaa markii u horeysay ka hadlay
khilaaf ka taagan dhismaha warshada cusub ee sibidh ka oo xiisad iyo
khilaaf ka abuuray magaaladda Berbera ka dib markii ay odayaal reer
saaxil ahi mixnad geliyeen dhismaha warshadaasi.
Suldaan Maxamed C/Qaadir oo galabta shir jaraa’id ku qabtay
xafiiskiisa wuxuu tallooyin u soo jeediyay waxgaradka bulshada reer
Saaxil.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayay muranka ka taagan
dhismaha warshad a sibidhka wuxuu yidhi “Waxaan jeclahay inaan waxyar
ka yidhaahdo Warshadda Sibidhka Berbera oo aan u arko Warshadda reer
Somaliland oo dhami wada leeyihiin, isla markaana haddii la
saluugsan yahay Saamiga ay Dawladdu bixisayna waa arrin laga hadli
karo, laakiin waxaan ku talin lahaa inaynu soo dhawayno cid kasta oo
dalkeena Maalgashanaysa xataa haddii ay Ajanabi yihiin, waana inaynu
soo dhawaynaa Muwaadiniinta damacsan inay hanti dooda u huraan dalka,
had iyo jeer cida dhaqaale haysa ayuun baa Saamiga ugu badan
qaadanaysa.”
Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xukuumadda waxa
la gudboon in m arka ay arimaha Maalgashiga ay qabanayso inay
Wargalin samayso oo Jaraa’idada ku soo qorto baahintooda oo la
yidhaahdo Warshadii Qandaraaskaas ayaa lagu qabanayaa ee cidii ka
bixi kartaa dhaqaale intaas leeg ha keento, hadii aanay taasi dhicin
laakiin khalad ayey dadku qaadan karaan ee ha la ogaado, mida
kaleanigu waxaan odhan lahaa Maadaama oo aynu xukuumadda Doorashada
ku timid aynu haysano waa in Tixgalinta koowaad ay ka hes ho dadkii
doortay ilayn iyagaa keenaye, reer Saaxil-na waxaan leeyahay Wixii
nalagu dila y waxa uu ahaa Madaarka dhiiba iyo haye laakiin Saami iyo
waxaas kumaanu qaadan, ilaa imikana shaqaalaha Madaarka jooga laba
qof ayaa kaga jira beesha kamana xumin waayo dhibtii hore ee na
gaadhay ma jeclin inay maanta cid kale oo reer Somaliland ah
gaadho.”
.
“Waxaan taageersan nahay iWarshadda Sibidhka shaqaalaheeda in
Mihiimadda koowaad la siiyo dadka u dhashay deegaan waayo waa mid ay
xaq u leeyihiin in dadka gobolka Saaxil uu shaqaalaha u badsado,
isla markaana ay Somaliland inteeda kale ay ka muuqdaan. Hadii aan
waxyar ka yidhaahdo dekadda Berbera ninbaa naga jooga beel ahaan,
haday booliska tahayna nin kaliyaa ka jooga manaanaan odhanin maxaa
Dekadda Berbera naloo gayn waayey waxaanu u aragnaa in cidkasta oo
shaqaysaa ay tahay reer Somaliland,”ayuu Suldaan Maxamed.
Suldaan Maxamed waxa uu ku dooday in shirkada DAHABSHIIL ay tahay
ugu dhaqaale ba dan dalka ee warshadaasi hirgelin karta waxaanu yidhi
“Waxaana la inooga baahan yahay inaynu Koonfur sidii aynu waxeena
uga ilaashan lahayn ee aynu Midnimadeena u tusi laha yn aynu
falawgeed galno ee maanta bawdada ha inaga jabinina khalad waa
dhacaa waana la saxaaye. Mana qabo ayniga Maxamed Siciid inuu isku
koobi doono Warshada laakiin inuu Shares bixin doono ayaan qabaa,
xukuumaduna sida ay wax u qaybinaysay waxa ay ahayd in cidii
dhaqaale haysa ee Warshada kicin karta ee lacag haysa in ay ka
dhexmuuqato, ru nta hadii aynu isku sheegnana Dahabshiil dalka maanta
shirkada ugu dhaqaalaha badan weeye, haddii maanta la yidhaahdo
Tabarucaad ha bixiyo waa ninka ugu horeeya ee laca gta ugu badan
bixinaya ee aan waliba reernimo ku bixinayn ee danta Somaliland ku
bixiya”.
Suldaan Maxamed oo ka hadlayay baahida loo qabo hirgelinta dhismaha
warshadda sibidhk a wuxuu yidhi “Dad badan oo Hantiilayaal ah oo
lacag haystana waynu leenahay laakiin wa xay u badan yihiin Ganacsato
in tidhaahda wax ururso, laakiin kordhi oo kobci ganacsigaaga wax
hakuu kordhaane ma yaqaanaan, kuwaasna waxa loo baahan yahay inay
Xukuumadu u furto Siminaaro xaga ganacsiga iyo dhaqaalaha ku
taxaluqa. Warshaddan Sibidhka ee lagu muransan yahayna waxa ay
fadhiday 21 sanadood oo maalintii Berbera la galay anigu ragii
badhadaha goostay hebel iyo hebel ayaan u garanayaa, meelkasta ayaa
loo maray oo ilaa Faransiis ayaa loo maray oo lagama hadal, qolooyin
kale oo ganacsato ah ayaa la siiyey oo ilaa imika waraaqihii haysta
lagama hadal.”
“Reer Berbera waxaan leeyahay waar ragii Waraaqaha hore loo siiyey
hadii ay wax dhisi kari waayeen waar kan soo dhaweeya oo waxa aad
eegtaan faa’idada gobolka iyo guud ahaanba Somaliland ka soo gali
karta hadii ay shaqayso Warshadaasi. Waxaan reer Berbe ra leeyahay
taageera in 20,000 aad u badan tihiin ay shaqo helaan,”ayuu yidhi
Suldaanku.
Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Jiif Caaqil C/wali Jaamac
Cabdi, Caaqil Axmed Cismaan Cade Gude iyo Caaqil Aabi Xasan Cabdi.
source:so
|