xukuumada madaxweyne
Rayaale ku guul dar aysatay 7 sanadood oo ay
xilka haysay
Ku
simaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Gudomiye ku xigeenka ko waad
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa
sheegay inay xukuumada mada xweyne Rayaale ku guuldarasatay 7
sanadood oo ay xilka haysay in dalka ay gaadhsiiso inuu beesha
caalamka ka helo ictiraaf caalamiya, waxaanu ku eedeeyay madaxweyne
Rayaale inaanu si faahfaahsan uga waramin safarada uu ku tago dibada.
Sidaa waxa uu ku sheegay Muuse Biixi Cabdi Waraysi uu la yeeshay
Weriye Maxamed Cabdi Ilig oo ka tirsan telefishanka Horn Cable.
Waxa kale oo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi
sheegay in hantida badan oo ay ummadu leedahay ay xukuumadu si xun u
isticmaashay waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in baadhitaan
lagu sameeyo ku tagrifalka hantida ummada si loola xisaabtamo
xukuumada iyo masuuliyiiinta xukuumada ka tirsanba.
Waxaana uu sidaa ku sheegay waraysi uu shalay siiyey Telefishaka ca
alamiga ah ee HVT, kaas oo kaga hadlay arrimo badan oo xidhiidha xaa
ladaha taagan iyo safarka Madaxweynaha ee Berbera.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:
S: Intii uu madaxweynuhu balanqaaday inay doorashadu ku dhacayso
27-ka, mucaarad ahaan waxaa idinka muuqata dabacsanaan badan taasi
ma jirtaa?.
J: Mar kasta oo xagaa doorashada loo kacaba waanu dabacsanahay,
markii guddidii dhexdhexaadinta ay dhawaaqdayna waanu aqbalnay, rag
balan baa xidha geelna dabar baa xidha, hadii aanu aqbalnay wixii ay
soo jeediyeen guddidii dhexdhexaadintu anaga waxaa naga go’an in
aanu u fulino sidii ay u soo jeediyeen, maantana shaqaanu bilownay
oo waxaanu doonaynaa in aanu ka midho dhalino.
S: Madaxweynuhu socdaal ayuu ku marayaa magaalada Berbera ee gobolka
Saaxil, deegaano kala duwana wuu booqday, xisbi ahaan sideed u
aragtaa booqashadaasi?.
J: Madaxweynaha joogaa inuu kormeer sameeyo oo dadka noloshooda
ogaado, oo wuxuu ka tabanayo iyo waxay qabteen uu ogaadaa waa waajib,
waxay ila tahay socdaalkiisa imikuna waa olole wuxuuna ka bilaabay
Saaxil oo uu tirsanayo inay tahay halkii nolosha siyaasiga ah ku soo
saartay, wuxuu tagi doonaa xabaashii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal,
wuu u faataxayn doonaa waanu u ducayn doonaa laakiin arwaaxdu way is
aragtaa ee waxa laga yaabaa in labadooda arwaaxood is arkaan, kan
laftiisu inuu karaamo yeesho ka soo qaad oo isaga iyo Cigaal is
waraystaan wuxuuna u sheegi doonaa balan qaadyadii 7-sano ka hor uu
u qaaday Saaxil, wuxuu balan qaaday inay noqonayso meel xor ah,
wuxuu balan qaaday in daaraha Daaroole ee dunsan uu qaar qurux badan
ka dhisi doono, qof walba oo Berbera joogaa uu heli doono AC (qaboojiye)
oo kulayl danbe iyo qorax danbe aanay is arki doonin.
Cigaal-na Saaxil ayuu ka soo jeedaa. Midna waa lays waydiinayaa oo
waxa uu madaxweynuhu waxaas oo balan qaad ah ugu sameeyay Saaxil,
wuxuu yidhi warshadii sibidhka ayaan dhisaynaa, wuxuu dhagax dhigay
saddex warshadood oo min intaas oo milyan ah, mar walba balan qaad
aanu dalkaba u qaadin ayuu u qaaday reer Saaxil, mana odhan karo
madaxweynaha been ayuu sheegayaa reer saaxilna kama muuqdaan oo
abaar, diif iyo busaarada ayaa ka muuqata, waxyaabihii madaxweynuhu
balan qaaday labadooda dhexdooda ha laga eego
S: Komishanka doorashooyinka oo aad isku qabateen dawlada iyo
axsaabta khilaaf soo dhex maray wararka soo baxayaa waxa ay
sheegayaan in loo baahan yahay arrintaasi sideed u aragtaa?
J: Horta axsaabta iyo dawlada iskumay khilaafin komishanka warkaasi
kulama qabo Hay’ad kasta oo la dhiso iyo cid kasta oo ka hoos
shaqaysaba dhaliilo iyo amaanba waa la siinayaa oo way yeelan karaan,
qoladan komishanka dhaliilo waa loo jeedinayaa dhaliilaha aanu u
jeedinaynaa waxa ugu wayn muddadii ay joogeen afar gudoomiye ayay
kala dooranayeen markaa iyaga ayaa kala dhamaan la’, wakhtigaa hadii
doorasho la galayo waxaa loo baahan yahay niman is ogol oo is
aaminsan oo umada dhex u noqda markaa iyaga dhexdooda waxaanu ku
dhaliilaynaa oo aanu leenahay yareeya is qabqabsiga dhexdiina ka
jira, sideebaa komishanka loo xoojiyaa hadii uu dhaliilo leeyahay
waa lays waydiinayaa?, taa wali jawaabteedii laysuma raacin
komishanka laftiisu wuu ogol yahay dhaliishooda iyo in hawsha lala
xoojiyo markaa waxa weeye sidee ayuu komishanku hawshiisa culus
inoogu fuliyaa oo wixii dhaliilo ah loo dhamaystiraa taana waanu ka
wada simanahay dawlad, komishan iyo axsaaba.
S: Markaa fikradaada ma in la kordhiyo ayay kula tahay komishanka?
J: Wali imika fikradaas lama hayo halkaasaa la marayaa laakiin hala
kordhiyo iyo hala waaniyo waa arin qaydhin markaa ha soo baxdo.
S: Go’aamada ay soo saareen guddida dhexdhexaadinta ee khilaafaadkii
siyaasiga ahaa wali looma gudbin golayaasha sharci dejinta si looga
sharciyeeyo, markaa iyada oo aan sharciyadii la marin ma kula tahay
in sidaa ku hir gali karaan?
J: Kulmiye ahaan waxaanu jecelnahay in sidii guddidu u soo jeedisay
lagu fuliyo, cida laga rabo inay fulisana oo hadii ay tahay
Baaralamaan la gaynayo waa inuu madaxweynuhu saxeexaa, hadii guddi
dhexe oo ilaalisa la samaynayo waa inuu madaxweynuhu saxeexaa,
qolada looga fadhiyo inay fuliyaan waa qolada xukuumada ee awooda
haysa, anaga Kulmiye waanu aqbalnay in sidaa loo fuliyo waxaanan
taaganahay xukuumadu sidii ay dadweynaha hortiisa uga sheegtay waa
inay u fulisaa.
S: Xukuumadu waxay dad ganacsato ah ka iibisay guryihii Hindiya
laynka oo ay sheegtay in la qurxinayo, horena masuuliyiin xisbiga
Kulmiye uga tirsan way u canbaareeyeen, markaa adigu gudoomiye ahaan
sideed u aragtaa?.
J: Inta aan la canbaarayn waxyaabo badan ayaa u baahan in dib loo
eego, guryaha la iibiyay iyo hantida qaranka ee lagu takri falay,
maaha hindiya laynka oo qudha sanadkii ugu danbeeyay guryo badan oo
ay dawladu leedahay oo badhtamaha suuqa ah oo garoomada diyaaradaha
ah iyo dekedaha ayay dawladu iibisay, su’aasha meesha taalaa waxa
weeye kolka xukuumada joogta dastuurka waxa uu leeyahay dawladu
iyada ayaa ka masuul ah hantida qaranka oo loo doortay, sida ay
dawladu u maamushay hantida qarankana guud ahaanba waxaan u arkaa
mid khaldan kuwan hindiya laynka iyo kuwii ka horeeyayba waayo waxa
looga baahnaa hantida qaranka oo dhan marka hore in la qiimeeyo guud
ahaan oo maxay dawladu ka maarmaysaa ama maxaa gaboobay sida
gawaadhiga, guryaha iyo iwm.
Waxa jira dawladaha oo dhami marka ay wax gaboobaan oo ay hawlgab
noqdaan in laga tashado sida ugu wanaagsan ee laga yeelayo. Tusaale
ahaan magaalada Hargeysa oo dhan meel baabuurta lagu baarkin gareeyo
malaha, meel banaan oo ilmo yari baaskiilad mariyana ma jirto dadka
Hargeysa agagaarkeeda Beeraha ku leh ama dhulka ama guryaha waxa
laga gooyaa dhul dan guud ah oo ay dawladu ka qaado, oo hadii la
xisaabiyo garoomo dhan noqon lahaa, dawladu waxaas oo dhan waxba
ugumay qaban dadwaynaha markaa waxay u baahan tahay baadhitaan in la
sameeyo oo dawladani intii ay jirtay hantidii, lacagtii iyo
cashuurtii dawlada ee umada ka dhaxaysay iyo awoodii dawladaba sidee
ayay u isticmaashay la yidhaa markaas halkaa ayay ka soo baxaysaa,
markaa waxaan u arkaa arrintani in aanay ahayn guryaha oo kaliya
balse hantidii si xun loo isticmaalay.
Wasiiradii iyo agaasimayaashii mid laba saacadood shaqeeyaa ma jiro,
markaa hadii aad todobaadkii sideed saacadood shaqayso wakhtigii
waad lumisay. Markaa dadkan ay umadu masuuliyada u dhiibtay waxa ugu
badan ee ay ka musuqmaasuqeen waa wakhtiga.
Waxaan jirin daacadnimadii ninka wasiirka ah ama madaxweynaha ah
imika ayaa aaminaya hadalkiisa markaa hadii ninkii masuuliyada ugu
saraysa ee dalka hayay la leeyahay waa beenaale ama balan buu igaga
baxay waa ayaan darro oo milgihii xafiiska ayuu kharibay waxaa ka
daran hadii ninka madaxweynaha ah ama wasiirka ah la yidhaa lacagtii
ayuu qaatay oo dantiisa ayuu ku raacday milgihii ayuu meel kaga
dhacay, hadii madaxweynuhu ama wasiirku inankiisa tacliin Yurub ah u
diro oo lacagtii qaranka lagu bixiyo, kii askariga ahaa ee
ilaalinayayna inankiisii saaqiday oo uu iska bixin kari waayay
lacagtii iskuulka waa danbi qaranka laga galay oo u baahan
baadhitaan, hadii marka ninka madaxweynaha ahi uu xanuusado la
yidhaahdo jarmalka ayaa lagu soo dawaynayaa oo ay malaayiin doolar
ku baxdo lacagtii dadka ayaa lagu isticmaalay, umadii dhamayd oo
200-mitir u jirtaana cusbitaalkooda aan war loo hayn markaa adeer
afar guri oo Hindiya laynka ah waxa ka wayn in la xisaabiyaa waxaan
leeyahay nidaamka (dawlada) ayaa u baahan in dib loo daba galo.
S: 18-sano ka bacdi Somaliland dedaal badan oo ay gashay wali may
helin wax ictiraaf ah, xukuumaduna waxay sheegtay inay dedaalo badan
samaysay balse aanay ku guulaysan, idinku mucaarad ahaan hadii xilka
ku guulaysataan qorshe isbedel oo arrimahaasi ku saabsan oo idinku
keeni kartaan ma jiraan?
J: Dawlada imika joogta siiba ninka madaxweynaha waxaa lagu doortay
oo dad badani isku qancinayeen waa laynugu ictiraafayaa madaxweynaha
marka sababo badan loo eego awgeed isagu ma dedaalay mise ma
dedaalin waxay ku xidhan tahay qof iyo aragtidiisa, laakiin waxaan
leeyahay si taa looga baxo isagana aan loo dulmiyin, inaguna aynu
xaqa soorno hawlaha uu qabtay ee ictiraafku waa u qarsoodi ee cid
ugama jirto, markaa hadii aan anigu malahayga sheego oo aan ku
dhaliilo la yaab kuma lihi ilayn wixii naga dhexeeyay ee ama ra’yi
ku kordhin lahaa ama aan ugu gar qaadi lahaa wuu iga qarsaday oo
intuu iska dhaqaajiyo ayuu danta qarankaan u baxay yidhaahdaa, wuu
soo noqday waan isa soo afgaranay ayuu yidhaa, labadiina ictiraaf
iyo wax u muuq eg toona ma hayno, imika waxaan joognaa 7-sanadood oo
aan ictraafkii la hayn kol hadii aan ictiraafkii la hayna nasiib uma
yeelan in ictiraafkii ay helaan, waxa danbi ah in dadka ay dalka
wada leeyihiin ee uga tacabka badan ee uga lexe jeclada badan inay
ka qarsadaan.
S: Waxaa jirtay xaflado lagu taageerayay madaxweynaha dalka Jabuuti
ayaa halkan lagu qabtay Somaliland waxay sheegtay in 18-May laga
xusi doono dalka Jabuuti in kasta oo aanay taasi dhicin. Sideed u
aragtaa siyaasada Somaliland iyo Jabuuti ee xukuumadu sheegtay inay
sii xoogaysanayso?.
J: Mid waan aaminsanahay oo waa in Jabuuti iyo wadamada jaarkeena ah
cilaaqaad wanaagsan aynu yeelano oo saaxiib iyo walaaltinimo yeelano
ninkii ku dedaalana waan ku taageerayaa, ninkii taa diidana waan ka
duwanaanayaa, markaa waxaan jeclaan lahaa in walaaltinimada iyo
saaxiibtinimadu ay ahaato mid isku miisaaman oo aan dhinacna loo
duwin kuu doonaba ha ahaadee. Dawlada maanta joogta iyo Jabuuti waxa
ka dhexeeya iyo waxay saaxiib ku yihiin ma ogi waayo dawladeenu
waxba inooma sheegto, laakiin waxaan ku diirsanayaa hadii uu
xidhiidhkaasi wanaagsanaanayo waa inuu noqdaa mid isku dheeli tiran,
xafladaha halkan lagu qabtay anigu waxaan aaminsanahay maahmaahda
soomaaliga ah ee tidhaahda “Nin maqan amaantii, waa nin jooga caydii”.
Hadii madaxweynaha jabuuti dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabtay oo uu
shaqeeyay oo ay ku amaaneen oo geeska afrika oo dhan looga qiraayo
oo inaga lafteenu u qirayno inuu dalkiisa u shaqeeya, waxay ahayd
inuu isagu (Rayaale) uu amaanta yeesho, laakiin miyaanay ceeb ahayn
marka kii joogay wax amaana la waayay kii maqnaana la amaanay.
Markaa “Madaxweyne Maqan amaantii waa ka jooga ceebtii”.
Wargeyska Saxansaxo
|