Safiirka Somaliland ee USA Rashiid Gaaruf oo ku fashilmay Xilkii loo soo igmaday

 

Rashiid Gaaruf
 


Ugu horayn waxa mahad iska leh ilaahay in abuurtay. Waxaan halkan ka salaamayaa dhama an shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u ga dirayaa Jaaliyada Somaliland ee Washington DC oo runtii samaysay arin ku dayasho mud an.

Hadii aan ku soo noqdo dulucda qoraalkayga oo ah ku fashilitaanka uu ku fashilmay safiirka Somaliland ee USA shaqadii loo igmaday iyo xilkii loo igmaday.Ugu horayn waxa cad in marka la samaynayo safaarad ama xarun metesha dad loo baahan yahay in loo dhiibo qof tayo aq ooneed, iyo mid khibradeedba leh loo igmado. Somaliland waxay gashay dagaal qadhaadh oo ay la gashay taliskii siyaad barre.Dagaalkaa qadhaadh Somaliland waxay ku wayday dad aad iyo aad u faro badan. Hadaba, dagaalka kaa kasii adagi waa ka ay Somaliland uGu jirto in ay hesho ictiraaf caalami ah. Waayo, dagaalka ay reer Somaliland kula jireen siyaad bare , wux uu ahaa dawlad kali ah, oo kula mid ah oo afrikaan ah, hase yeeshee, dedaalka ay u baahan tahay in lagu helo ictiraaf caalami ah waxay u baahan tahay in aduunka oo dhan laga dhaa dhiciyo qadiyada Somaliland.

Anigoo aan shaqsiyan u abaarayn Rashiid Gaaruf, Hadana sida aan wararka ku hayo maaha nin aqoon badan leh xaga tacliinta. Sidoo kale waxaynu wada ognahay in aanu aqoon diblo maasiyadeed aanu lahayn oo aanu marnaba hore uga soo shaqayn wax ku salaysan diblom aasiyad ama aanu xidhiidh gaar ah la lahayn diblomaasiyiin wax ka tari kara qadiyada Somali land ama dawlada maraykanka. Hadaba, Waa halkee meesha caalamaka ugu mihiimsan ee ar intaa laga fulin karaa? Yaa Somaliland u jooga meeshaa?

Hadii aynu ka jawaabno suaalaha kor ku xusan, Somaliland waxay si weyn ugu baahan tahay ictiraaf caalami ah, meesha ugu haboon ee arintaa laga fulin karona waa dalka Maraykanka. Dalka Maraykanka waxa ku yaala xarumaha ugu waaweyn ee lagu gorfeeyo siyaasada aduu nka. Ugu horayn Dawlada Maraykanka waa quwada ugu roon ee dhanka siyaasada ee aduunka manta ka jirta. Sidoo kale wax ku yaala Safaarado badan oo muhiim ah Washington DC isla markaana ay joogaan shirkado ama shaqsiyaad aad u badan oo ka shaqeeya qiimayn ta Siyaasada Aduunka. Sidoo kale waxa ku yaala Xarunta Qaramada Midoobay (United Nati ons). Waxa halkaa isugu yimaada dhamaan aduunka arimaha xasaasiga ahna waa lagu jaraa. Hadaba, Somaliland waxay ku leedahay Safaarad meesha sidaa u muhiimka ah.

Waxaa ku magacaaban Safaaradaas ninka lagu magaacaabo Rashiid Gaaruf oo runtii aan wa x shaqo ah u qaban Somaliland. Ilaa maalintii la magacaabay ilaa manta, Rashiid Gaaruf wax shaqo ah ama hawl ah oo uu Somaliland u fududeeyay ma jirto. Cid uu xidhiidh la sameeyay oo uu qadiyada Somaliland kala hadlay wali lama arag, meel uu jaaliyada Somaliland kula hadl ay ma jirto oo uu xidhiidh kula sameeyay, waxaana ay jaaliyada Somaliland aad ula yaaban tahay, waxa uu ninkaasi magaca isaga sito ee uu dalka iyo dadkaba u lug-gooynayo isagoo aan haba yaraatee wax la taaban karo oo uu sameeyay aanay jirin mudadii uu xilka hayay.


Waxa nagu maqaalo ah in uu Rashiid gaaruf ka shaqaysto shaqo, maalmaha loogu talo gal ay in uu Somaliland u ololeeyo. isla markaana aanu wakhti u hayn, isagoo mushahar ku qaata magaca Somaliland.

Waxa kale oo jirta in uu lacag ku qaato qadiyada Somaliland (expense allowance) ah oo iyadana uu jeebka ku shubto.

Waxa kale oo jirta in uu Xafiis lacag ku qaato aan jirin.


Hadaba waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa in la samayn doono petition ama in magacyada la ururiyo dadka reer Somaliland ee ku nool USA loona gudbin doono Madaxweyn aha si shaqsigaasi loo bedelo iyadoo loo aanaynayo in uu shaqiisii ku fashilmay, lacagtii xafiis ka iyo hawlaha Somaliland loogu talo galayna uu si shaqsi ah u isticmaalo.


Fadlan magacyada ku soo hagaajiya emailkan.


somalilandcommunityusa@outlook.com
 


Cabdiweli Maxamed Xassan.