Quruxda
dumarka iyo Soomaalida
Marka laga hadlayo
quruxda dumarka ma jirto qaaciido dhab ah oo laysku raacsan yahay,
Bulsho k astoo aduunkan ku noolina waxay leedahay dhaqan iyo caado u
gaara oo ay ku qiimeeyaan qurux da dumarka. Dadka qaar waxay
quruxda dumarka ka eegaan dhinacyo badan sida xubnaha jidka, midabka
, dhererka , garashada iyo dabeecada.
Hadaba marka aynu usoo noqono dhaqankeenii hore iyo sida ay
Soomaalidu u qiimayn jirtay qurux da dumarka, waxaa jira dhowr
siyaabood oo lagu qiimayn jiray, walow waayadan danbe aad moodo inay
inagu soo kordheen dhaqamo dibada inooga yimid.
Hadaba inaga oo aan maqaalkan ku soo koobi karin astaamihii ay ragii
hore ee Soomaaliyeed ku qii mayn jireen dumarka ayaa hadana
waxaan jeclaystay inaan soo qaato dhowr astaamood oo ninka
guurdoonka ahi ku sifayn jiray gabadha gayaankiisa ah.
Soomaalidu waxay odhan jireen hadii gabadha gashaantida ahi ay
leedahay sideed iyo labaatankan astaamood (28) waxay ka dhigan tahay
in Illaahay ku manaystay qurux dumar oo gabadh haways an
kartaa aanay jirin. Walow hadana sideed iyo labaatankan astaamood ka
bacdi lagu qiimayn jiray dhanka dabeecada iyo garashadaba.
Waa kuwan sideed iyo labaatankii astaamood ee
lagu qiimayn jiray quruxda dumarka:
Afar waa inay gabadhu u dheer tahay.
Labada gacmood,
timaha iyo qoorta
Afar waa inay dhumuc u leedahay.
Labada kub iyo labada cududdood.
Afar waa inay u caddahay.
Labada indhood iyo afka labadiisa lakab
Afar waa inay u madowdahay.
Labada sunniyood iyo labada
indhood wiilashooda.
Afar waa inay deeb u leedahay
labada dibnood iyo labada mudane (
Naasaha caaraddooda)
Labana waa inay u dhuuban tahay.
Qoorta iyo dhexda
Labana waa inay u shushuban tahay.
Labada dhaban
Halna waa inay u qoran tahay.
Sanka
labada ugu danbeeyaana waa
qosolkeeda iyo codkeeda dabacsan
Wa bilaahi towfiiq
|