Odayaal Iyo Wax-garadka Tog-wajaale Oo Jawaab Ka Bixiyey Baaq Cabasho Ah Oo Ay Odayaal Tog-wajaale Sheegtay U jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

 


Abtiyaal horta damaciinu maaha mid nagu cusub oo waligiinba idinkoo geedi ah


Wajaale (TNN)-Anaga oo ah Odayaasha, Wax-garadka, iyo Ganacsatada Deegaanka Tog-wajaale waxa aanu jawaab ka bixinaynaa Baaqa cabashada ah ee Odayaasha sheegtay inay yihiin Beesha degta Galbeedka Tog-wajaale u jeediyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha kuna muujinayeen cabashadooda in ay Xukuumadan ka  waay een Saamigii ay Xaqa ugu lahaayeen, ee ay ku lahaayeen Degmadana Tog-wajaale kuna qoreen Wargayska Haatuf Cadadkiisii Shalay ee Tirsigiisu ahaa 2546 soona baxay December 28 2010


Waxaanu leenahay:- “Abtiyaal horta damaciinu maaha mid nagu cusub oo waligiinba idinkoo geedi ah oo mee sha aad dhaxdin ugu hoyataan ayaad odhan jirteen anagaa leh, laakiin waxaa la yaab noqotay magaalada wajaale ee aad ku sheegteen bari iyo galbeed idinkoo isa siiyay inaad dhinaceeda galbeed ku tahiin deegaan, Xaqiiqdiina waxaad u tihiin xog-ogaal hadii aan la is Indho-tirayn oo hadii la idin yidhaahdo kaalaya na geeya oo na tusa galbeedka magaalada wajaale ee aad degaanka u leedihiin hubaal waxa ah inay idinku noqon doonto af kala qaad.



Hadaba Abtiyaal waxaynu nahay Dad ood wadaag ah, manajirto dhul cusub oo inoo soo kordhay oo manta ina dhexyaala, Ilaahayna Ninba meel ayuu ku uumay oo uu danbaabaa inta Alle ka sokaysa, sidaa daraadeed waa inaad joojisaan hadalada xiniinyo istaabadka ah, ee wax u dhimi kara Darisnimadeena, Wajaalana waa Magaalo Ganacsi oo cid walba u furan inay ka shaqaystaan cid loo sheegan karaana ma jirto , laakiin deegaan keedu maaha mid Dadka ka dhexeeya ee Reerbaa iska leh la yidhaahdo Jibriil Abokor ,Xuduudaha inoo dhexe eyaana waa kuwii ilaa Ingiriiskii aynu lahayn, isku Gobol ma nihin isku Degmo ma nihin ilaa Dawladii Aadan  Ca dena cid kale ilamay wadaagin sheegashadiinana waxay ka dhigan tahay sidii Oday Inan’ layaal ahaa oo  dhal ashadiisu ka soo jeedo Awdal oo Beer inaneed looga gooyay Deegaanka Ijiwaaji ayaa markii dadkii  Deegaank aasi qaxeen ayuu kalidii ku soo hadhay beerihii Reer gacalkii markaasuu gabadh uu dhalay oo Dulcad tagays ay ayuu ku yidhi Seediyaday waxaad ku tidhaahdaa Ijiwaaji waa beer Nin wayn ee Seediyaal ii soo haneeya.



Waxa kale oo aanu cadaynaynaa in qoraalka ay ku sheegeen Odayaasha sheegtay Galbeedka Wajaale in  sha qaalihii kaga jiray Degmada in la eryay oo ay Reer kaliya haystaan, horta shaqaale la eryey ma jiraan waxaa shaqada laga fadhiisiyey 44 qof oo imika xarunta jooga qaatana Mushaharkooda oo cid walba leh. Waxa kale oo ay sheegeen in Agaasimayaasha Dawlada Hoose ay dhamaantood Jibriil Abokor yihiin taasina waa been c ad oo marag ma doon ah Agaasimaha Maaliyadu waa Akhisho Xog-hayaha fulintu Waa Cabdala abokor, Aga asimaha Arrimaha Bulshadu waa Madigaan, Agaasimaha Shaqaalahu waa Baha-muuse, Agaasimaha Hawlaha guud waa Jirbriil Abokor, dhamaantoodna waa dadka degan Gobolka Gabiley.



1- Caaqil Maxamed Aadan Wacays.

2- Caaqil Cismaan Daahir Faarax.

3- Oday Abshir Cabdi Aadan.

4- Dr Mustafe Sh. Abiibakar Xuseen.

5- Dr C/wahaab Sh. Muxumed Gaboobe.

6- Prof. Cabdi Iimaan Cismaan.

7- Carab Cilmi Ducaale.

8- Idiris Cabdi Xuseen.

9- Xasan Ibraahim Warsame.

10- Nuur Cabdi Aw Jibriil.

11- Yaasiin Sh. Maxamed Xuseen.

12- C/kariim Cali Caydiid.

13- Xasan Cabdi Yoonis.

14- Maxamed Xaaji Cali.

15- C/shakuur Carab Jaamac.
 



Caydaruus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Tog-wajaale Gabiley Office
Somaliland