Qeybo badan oo ka mid ah dadweynaha Gobolka Gabiley oo soo dhaweyn iyo taageero u muujiyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada,Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar

 


Gabiley (TNN)-Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley oo isugu jira Odoyaal Duq ey, madax-dhaqameed iyo Waxgarad kasoo Jeeda Gobolka Gabiley ayaa, taageero iyo soo d haweyn u muujiyay Wasiirka Arimaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar oo shaley soo gaad hey Degmada Arabsiyo oo katirsan Gobolka Gabiley.



Mid kamid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Gabiley Axmed Cabdi oo uga waramey soo dhaw eyntaasi Shabakada Wararka Timacade News ayaa, sheegay in ay Wasiirka Arimaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar kusoo dhaweynayaan taageerada ay u hayaan iyagoo, ku taage ersan habdhaqanka dhinaca Gobolka Gabiley, ee uu Wasiirku u ixtiraamo dhamaanba odoyaa sha iyo Waxgaradka Deegaankan islamarkaana aanu wax faragalin ah ku laheyn Maamulka Degmada iyo ka Gobolka Mudadii Xukuumadu jirtey.



Waxaanay Duqeyda iyo Odoyaashu haaraameen Wasiirada Cusub ee kasoo jeeda Gobolka G abiley, oo Guushii iyo Waxqabadkii uu Wasaarada Warfaafinta ka qabtey Wasiirkii hore Boob e aan mar kaliya soo hadal qaadin, taas oo sida ay sheegeen mar todobaad Taariikhda u gali doonta, waxaanay Duqeydaasi ka codsadeen Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta in uu liqo tabashada kooban ee uu katirsanayo Dr Maxamed C/laahi Cumar oo dalka Somaliland ka alin muhiim ah ugu fadhiya albaab walba garaaca islamarkaana, khabiir ku ah Diblamaasiyada iyo Xidhiidhka Somaliland ee Dunida Caalamka, waxaanay Odoyaasha Reer Gabiley balan qaa deen in ay dhawaan qaban doonaan Kulan balaadhan oo ay kaga hadlayaan Arimo door ah oo ay kamid yihiin Doorka Wasiirka Arimaha Dibadu ku leeyahey Gobolka Gabiley, Dhibaatoo yinka Wasiirka Maaliyadu ku hayo Gobolkan, iyo rag badan oo kale.
 

 


Cabdiraxmaan Nuux Hiiraan
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland