UN: Soomaliya ayaa ugu khatar badan adduunka
 


 

Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay tahay  mee sha ugu qatarta badan adduunka ee shaqaale gargaar ah ka  shaqe eyaan.

Waxay sheegtay in afartan iyo laba shaqaale ah la dilay tan iyo  bis hii January 2008-da, iyadoo sodon iyo sadex kalena la afduubay.

Xiriiriyaha bini'aadaminimada ee Qaramada Midoobay, Graham  Far mer, ayaa ammaanay wax uu ugu yeeray go'aanka iyo dhiiranaanta shaqaalaha gargaarka ee caawinaya dhowr million oo Soomaali ah.

Hase yeeshee, wuxuu ka digay in awoodda hay'adaha gargaarka ay kaga sii shaqayn karaan dalka ay sii xadid mayso, iyadoo  bakha aradii cuntada iyo xafiisyada la dhaco ama marmarka qaar ay la wareegaan kooxo hubaysan.

 


Source: BBC