Qabow Biyaha fadhiisiyay oo habeenadii u dambaysay ka dhacay Degmada Tog-Wajaale
 

 


Tog-Wajaale (Timacade News)- Qaar ka mid ah dadweynaha magaalo-xuduuddeeda Wajaale, ayaa cabasho ka muujiyay qabow ba’an oo habeenadii u dambeeyay ku fadhiistay deegaankaas.

Inkastoo labadii todobaad ee u dambeeyay qabow xad dhaaf ah laga dareemay in ta badan deegaamada Somaliland, haddana waxa reer Wajaale u dheer magaalada oo meel banaan ah oo aan Dhir lahayn ku taala. “Biyihii Foostooyinka ku jiray way fadhiisteen oo Baraf ahaan baaba la isugu shiidayay,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada magaalada Tog-Wajaale oo shalay fiidkii u waramay Wargeyska  Ogaal. “Caawa lafteeda (xalay) qabowgu sidii uun buu u muuqdaa. Qabowgu Ey  fa ra badan buu ku laayay magaalada oo Bakhtigooda lagu arkayay, waqtigii ugu  dam beeyay ee qabow noocan oo kale ahi nagu habsadaana waxay ahayd 2003,” ayuu raaciyay ninkaa u waramay Wargeyska Ogaal.

Inta badan goobaha dadweynuhu ku kulmaan, waxa maalmihii u dambeeyay lagu  h adal hayay qabowga faraha badan oo labadii todobaad ee u dambeeyay  habeen ka ka ka dambeeya isa soo taraya.

Ma cadda sababta keentay qabowga fara badan ee ku habsaday deegaamada  So maliland iyo wadamada jaarka ah intaba. Hase yeeshee, waxa sabab looga dhigi  ka raa isbedelka Cimilada Adduunka iyo dikhowga ku yimi hawada oo ay saamaysay Sunta Wershadaha wadamada horumaray.
 


Xigasho: Wargeyska Ogaal