Qaar ka Mid ah Haweenka Qurbajooga Reer Somaliland oo ku Tilmaamay Xadhiga Badhasaabkii Hore Gobolka MaroodiJeex Shirqool
 

 

 

Qaar ka Mid ah Haweenka Qurbajooga Reer Somaliland oo ku Tilmaamay Xadiga Badhasaabkii Hore Gobolka MaroodiJeex Shirqool


London (TNN)-Waxa Xalayto kulan deg-deg ah isugu yimid qaar ka mid ah haweenka Reer Somalila nd ee degan dalkan Ingiriiska gaar ahaan Magaaladan London, kulankaas oo ay soo abaabuleen qaarka mid Haweenka qurbajooga Reer Somaliland,kulankaas oo ay soo buux dhaafiyeen Dad kala duwan oo Rag iyo Dumarba isugu jira.

Kulankaas oo ujeedadeedu ahayd qurba jooga reer Somaliland sida ay uga xun yahiin talaabadii aay dhawaan ku xidh-xidhay masuuliyiin ka tirsan Xukumada Somaliland oo lagu eedeeyey in ay lunsadeen raashin dad macaawimo loogu keenay.Aayado Quraana kadib waxa ugu horeyn madas ha ka hadlay Cabdiqani Cismaan Saban oo ka tirsan qurba-jooga reer Somaliland ee degan dalkan Ingiriiska kuna tilmaamay xadhiga loo geystay Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaji Cabdilaahi (Xamarji) arin khaldan oo aan sharciga waafaqsaneyn,kuna baaqay inay xukumadu ka fiirsato arinkaa ,sharcigana la hor keeno oo hadii danbe lagu helo lagu qaado hadii kalena si deg-dega xoriyadooda lasiiyo.

Maxamed Koodhaadhi oo isna madasha ka hadlay ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay xadhiga masuuliyiinta la xidh-xidhay iyada oon wax cad lagu hayn taasina ay dhaawac weyn u keeni karto horumarka dalka,waxa kale oo uu sheegay in aduunku wakhtigan uu indhaha kusoo eegaayo Som aliland aadna u daneynaayo,sidaa daraadeed in ay lagama-maarmaan tahay in xadhiga dad aan waxba galabsan si sharci daro ah loo xidho, ugu danbayntiisa ugu baaqay xukumada Somaliland in masuuliyiinta sharciga la horhorkeeno.

Cabdiraxmaan Muuse oo isna shirkan jaraa’id hadalo kooban kasoo jeediyey ayaa sheegay in ay tahay khalad weyn oo ay xukumada Somaliland ku dhacday kadib markii si sharci daro ah masuuli yadii looga qaaday melena looga dhacay sharaftoodii ,waxa kale oo uu sheegay in dadweynaha iyo xukumada uu sharcigu u dhaxeeyo oo loo baahan yahay in wixii khalad ah ee dhaca sharciga la ho rkeeno ,waxa kale oo uu sheegay in kulankani aanu ahayn mid wax lagu yeelaayo midnimada dalka lakiin ay sheegayaan wixii khalad ah ee ay xukumadu ku dhacdo.

Sureer Maxamed oo ka mid ah haweenka Qurbajooga Somaliland ayaa sheegtay in ay shirkan Jar aa’id u qabteen inay ku cadeeyaan inay kasoo horjeedaan xadhiga loo geystay masuuliyiinta la xidh-xidhay iyada oon wax cad lagu haynin sidasoo kalena meel kaga dhacay karaamadii iyo shara ftii ay lahaayeen gaar ahaan Badhasaabkii Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaji Cabdilaahi (Xa marji) oo carabowday in caafimaadkiisa laga deyrinaayo oo u baahan daryeel xaga cafimaadka ah, “waxa ay tidhi iyada oo ku hadlaysa afka Haweenka reer Somaliland in ay aad u canbaareynayaan, ayna aamin san yihiin inuu arinkani yahay arin qorsheysay oo la donaayo in lagu waxyeelayo mas uuliyiinta, ugu danbeystii waxa ay si deg-dega uga codsatay in lasii daayo masuulkaa xidhan,shar cigana la horkeeno oo hadii uu denbi galay lagu qaado hadii kalena ay dawladu magdhow ka bixiso.

Waxa iyana ka hadlay Haween aad u fara badan oo dhamaantood ay ka muuqato cadho ku wajah an xadhiga loo geystay masuuliyiintan xidhan Gaar ahaan Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Axm ed Cumar Xaji Cabdilaahi (Xamarji) oo ay ku sheegeen inuu ahaa masuul aad ula soo shaqeeyey
Madaxweynaha iyo xisbiga Kulmiye markii ay ku jireen abaabulkii ay doonayeen inay dalka ku hoga amiyaan,Haweenka qaar ka mid ah ayaa sheegay in arinka ay qaar ka mid ah xukumada Somaliland madaxdoodu ay arinkan ka danbeeyaan sida qaar kale ay sheegeen in ay ka war-warsan yihiin caa fimaadka gudoomiyahii hore Gobolka Maroodijeex Axmed Cumar Xaji Cabdilaahi (Xamarji).

Isku soo wada duboo qurbajooga reer Somaliland ee shir jaraa’idka qabsaday waxa ay ka sinaaye en sida weyn ee ay uga soo horjeedaan xadhiga masuuliyiinta la xidh-xidhay iyo sida foosha xun ee sumcadoodii meel lagaga dhacay,waxa kale oo dadka shirka jaraa’id qabtay ay cadeeyeen in ayna Somaliland kasoo horjeedin lakiin ay sheegayaan wixii khalad ah ee xukumadu ku dhaqaaqdo, waxa ayna dhamaan Codsi usoo jeediyeen xumuda Somaliland in arinkan ay si deg-deg ah wax
uga qabto sharcigana la horkeeno.

 



Xamse Axmed Salaan
London