Haddaanu Nahay Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn Kama Ogolin Inay Dhulkayaga Ka Taliyo Nabad-Diidku, Puntland Hadday Faraha Kala Bixi Weydo Way Ka Shalayn Doonaan

Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade

 


Hargeysa, February 9, 2011 (TNN) - Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey inay faro-galinta ku hayaan Somaliland, kaas oo tilmaamay in Maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle ee doraad weerarka ku soo qaaday  Ciida mada Qaranka Somaliland ee fadhiya aaga Buuhoodle ay Maleeshiyada Puntland shidaal ku soo  caawi say Maleeshiyada Buhoodle.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidoo kale ugu baaqay Puntland inay joojiyaan farogalinta ay ka  wada an dhulka Somaliland, haddii kale ay ka qoomamayn doonaan.

Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey haddalkii ka soo yeedhay kooxda nabadiidka ah, waxa uu yidhi “Sida laga warqabo aaga Kal-shaale oo ah deegaanada  Buuhoo dle waxa ka dhacay dagaal ay iskaga hor yimaadeen Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle iyo  Ciidan ka Qaranka Somaliland, dagalkaas dhaawac badan iyo dhimashaba wey ka dhaceen, xaga Buuhoodle waxa la sheegayaa 12 qof inay ka dhinteen, xagan Ciidanka Qarankana waxa dhintay shan qof, dhaa wucuna wuu badan yahay dhinac kasta”.

S: Sideed u aragtaan dawlada ahaan dhibaatadan dhacaysa ee soo noqnoqotay, Wasiirka  Warfaaf inta ayaad tahay, odayna waad tahay siyaasiya oo oo deegaankaa waliba ka soo jeed?

J: Arintaas waxaanu u aragnaa, dagaalkaas dhacaya waxa wada nimanka nabadiidka ah ee isku  she ega SSC reer Buuhoodle-na dhibaato ku haya, dadka reer Buuhoodle kuma jiraan dhibaatadaas  man ay ogolayn, ciidankaa (nabadiidka) uma ogola, ciidankaasina cid deegaanka ah oo cid ka wakiil ah maaha, dagaalkani wuxuu ka dhacay Kal-shaale oo uu madaxweynuhu laba jeer amar ku bixiyay inuu noqdo Xoolo daaqee, markii hore-na yidhi meeshaas daaqeen baanu ka dhigaynaa ciidamaduna ha ku kala dhex jiraan labada qolo, intaana biyaha ha ka sii cabeen, markii dambana markii taa lagu qanci waayay isagu gacantiisa ku amray kharashkiina la bixiyo, markii ay ogaadeen in sidaas la sameeyay oo amarkaasi baxay ayay dagaalka soo qaadeen, nimankaasina waa niman nabad diid ah, reer  Buuh oodle-na niman matala maaha, reer Laascaanood-na ma matalaan qolo walba waxa ku hayaan dhib aato, haddii aanay dhibaatadaasi dhici lahayna reer Buuhoodle weyba eryeen oo umay ogolayn inay dhulka soo galaan.

S: Hogaamiyaha kooxda SSC Xaglatoosiye saaka mar uu BBC-da ka hadlay waxa uu sheegay inuu soo weerary ciidan beelaysani ay doonayaan in deegaankoodii ka qabsadaan, taas maxaad ka odhan lahayd?

J: Ciidankaasi isagaa wax weeraray ee lama weerarin, iyagaa ayaamahaas oo dhan weerarka hayay mar walba, iyagaa wax soo tuur-tuurayay mar walba iyagaa ciidanka la dagaalamayay, Xaglatoosiye-na madaxweynena maaha cidna masuul kama aha, mana ogolin inuu dhulka ka taliyo, haddaanu reer Laascaanood, Sanaag iyo Cayn nahay kama ogolin inuu dhulkaa ka taliyo, ciidankaasina ciidan jira oo na matala maaha, waxaanu ummada u sheegaynaa ciidankaasi (nabadiidku) inuu dhibaato ku hayo dadkaa, waxaanu leenahay ciidankaasi ha la iska weeciyo, reer Buuhoodle odayaasha waanu wada hadalnay, waxay leeyihiin ciidankaasi nama matalo’e yaa naga kexeeya ayay leeyihiin, iyaguna waa ciidan yar oo halkaas isku urursaday oo aan caaqiibo kale haynin.

S: Laakiin ciidan yar maaha shalay (doraad) markuu dagaalku dhacay wararka dhex dhexaadku  wax ay sheegayaan in markii hore ciidanka Somaliland ee xooga badnaa markii hore ay kaga horeeyeen dagaalka, taas maxaa ka jira?

J: Ciidankaasi (nabad diidku) ma badana, laakiin dadkii magaalada joogay ee dhalinyarada ahaa ayaa waxa lagu qanciyay dhulbaa la inaga qaadayaa oo la inaga baabinayaa oo Somaliland baa inaga  boob aysaa oo beelo inaga boobayaan aan waxba ka jirin, markaa ciidanku maaha ciidan rasmiya ee waa ciidan ka soo orday Tuulooyinka iyo magaalada, oo odayaashii maqli waayay, subaxnimadii baanu odayaasha wada hadalnay, waxay yidhaahdeen anagaa hadda u tagayna oo meesha ka saarayna ee nagu ogaad, markay u tageena waa kaa dagaalkii bilaabmay.

S: Ma is leedahay dadkiibaa la idinka dheereeyay haatan, Axmed Cabdi Xaabsade markii hore  Laasca anood Puntland iyo Somaliland isku haysteen adiga hogaaminayay oo dhinaca Somaliland  taageersan aa dhibaatadu wey yarayd oo marka la eego shacbi badan baa soo dhaweeyay dhinaca Somaliland, laakiin hadda ma is leedahay dhinacaasay u badan yihiin, siday doontaba ha ahaatee dadkii inaad kasbataan baa loo baahan yahay, siday kula muuqataa?

J: Dadka inaanu kasbanaa loo baahan yahay oo aanu dadka soo dhaweyno, oo aanu dadka dhaqno oo wax u qabano, laakiin arrintani arin iska dhacay weeyaan oo ay ka dhacay markii hore laba beelood oo wax is yeelay oo muran dhul dhexmaray, ka dib meeshii waanu baabinay, markaa imika  odayaa  shiina wey ila soo hadleen oo waxay yidhaahdeen badad baanu rabnaa, waxaanu rabnaa in la  hesh iiyo, nimankaas (kooxdaa nabad diidka) anagaa iska saaraynee idinkuna nala saara, talaabaananu ka qaadaynaa, meel fog-na ma kala joogno waananu is naqaana, waxaanu leenahay hadaydaan joojin waad ka shalayn doontaan.

S: Marka hore maad wada hadal ku daydaan intaad hanjabaysaan, miyaanay ahayn in wada hadal  ye elataan, shalayna (doraad) madaxweyne Axmed Siillaanyo wuxuu sheegay inuu doonayo in Puntland xidhiidh ganacsi dhex maro, taa sideed u aragtaa?

J: Anagu nabad baanu ugu baaqnay oo intaa ugu baaqaynay oo waxaanu ilaalinaynay inaan waxba naga gaadhin, laakiin haddii faro galinta (Puntland) nalaga deyn waayo dul qaadan mayno, waanay ka shalaayi doonaan.

 

Source:Haatuf