mudaneyaasha 2da gole oo ansixiyay xil-ka-qaadista guddoomiyaha maxkamada sare

 


Hargeysa (TNN)-Fadhi wada jir ah oo ay maanta yeesheen labada gole oo uu guddoominayay Guddoo miyaha Golaha Wakiilada Md. C.Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa madasha ka soo xaadiray 132 Xildhibaan oo ka mid ah 164-ka Xildhibaan ee labada Gole ka kooban yihiin.

Waxa Mudaneyaasha loo akhriyay digreetadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilkii kaga qaaday Guddo omiyaha Maxkamada Sare iyo qoraalkii uu kaga dalbaday inay wax ka bedel ku sameeyaan xeerka doo rashooyinka ee uu u soo gudbiyay Baarlamaanka , ka dibna waxa la gudo galay cod bixintii waxaana o golaaday in xilka laga qaado 67 Mudane, halka 52 Mudane ay diideen xil ka qaadista Guddoomiyaha, w axa ka aamusay 10 Xildhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn sidaasi ayaanay ku ansaxday xilka qaadi sta Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland oo Madaxweynuhu xilkii ka qaaday isaga iyo sideed garsoore oo ka mid ah xukaamta maxkamadaasi markii ay dami weyday cabashada dhinaca garsoork u.
 


Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ummadda u balan qaad ay inuu wax ka qabanayo cadaalada iyo garsoorka, waxaanu dhawaan walaac ka muujiyay heerka ga rsoorka dalku marayo.

SL Media