Naadiga Akhriska Timacadde iyo Bandhiga Buuga “Sooyaalkii Taariikhda Somaliland ee ka horreysay 1960”

 

Naadiga Akhristayaasha Timacadde Waxa uu kugu Marti Qaadayaa ka soo Qayb galka Bandhiga Buu gga‘Sooyaalkii Taariikhda Somaliland ee ka horreysay 1960”, ee uu qoray qoraaga Sayid Maxamed Y uusuf, oo ah guddoomiyaha ururka Qoraaga Somaliland.



Munaasabadan oo isugu jirta Xus Naadigu kaga qayb galayo Maalinta Qaranimada Somaliland 18- m ay iyo Bandhiga Buug Si Faahfaasan uga Waramaya Taariikhda Somaliland ee ka horreysay 1960 X afladaasi oo lagu Qaban doono Hotel Summer Time ee Magaalada hargeisa Maalinta Salaasada ee habeenka Arbacadu soo galayso Taariikhduna Tahay 17-05-2011, 7:00pm Fiidnimo. Waxaa inoo Daa dihin doona: Mustafe C/raxman Caydiid oo ka mid ah Xubnaha Naadiga Akhriska Timacadde.



Haddaba Naadiga Akhriska ee Timacadde waxa uu si gaar ah u martiqaadayaa dhallinyarada si ay uga faa'iidaystaan Taariikhda Somaliland. Waxa kale ee mudan in ay ka soo qaybgalaan, dhammaan inta haysa taariikhdii hore ee Somaliland, si loo helo taariikh mug leh oo qoran oo dalka Somaliland uu leeyahay.

Timacadde Rea(TRC) waxa uu dhiiri galinayaa cid kasta oo jecel inay wax akhrido, wax ders Club qorto, suugaan diyaariso, buug soo bandhigto, kana qayb qaadato wacyi galinta Dhallinyarada iyo Dhaqanka Suuban.

Ka soo Qayb Galkaagu Waa Muhiim.

 

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)

mccfuture@hotmail.comn

Timacadde Readers Cordinator

Hargeisa/somaliland