Ogeysiis: Kulan lagusoo bandhigayo qorshaha munaasibada London ee xuska 18-ka May

 



 

Taariikhdu marka ay aheyd 16-kii March ee sanadkan ayaa waxa kulan balaadhan, oo lagaga arinsanayo qaban qaabadda munaasibadda 18-ka May, ku qabsoomay xarunta urur jaaliyade edka West London Somaliland Community ee ku taala xaafada Hayes ee galbeedka London. Kulankaas oo si wada jir ah ay usoo qaban qaabiyeen ururka SSUK iyo West London Somaliland Community ayaa waxa lagu falan-qeeyay habka sanadkan ay 18ka May u dhici doonto iyo cidda qaban doonta.


Muwaadiniintii reer Somaliland ee kulankaas iskugu yimid waxa ay si buuxda u taageereen in sanadkan qaban-qaabada 18-ka May loo igmaddo Gudida Qaadhaan Uruurinta Wadada Ceeriga abo oo iyadu markaas soo dajiso habka ay damacsantay in ay munaasibadda 18-ka May u fuli nayso isla markaana dadka dib ugulasoo noqoto.


Hadaba anagoo tix galinayna go’aankii dhacay 16-kii March, waxa aanu muwaadiniinta reer So maliland, ee danaynayaa ka qayb-qaadashada qaban-qaabadda xuska 18-ka May, ugu yeedhe yna kulan aanu kusoo bandhigayno qorshaha aanu u diyaarinay xuska maalintan qaran ee qiim aha weyn leh.


Kulankani waxa uu dhici doonaa Axadda soo socota ee bishan March tahay 30-ka, saacaddu markey tahay 4-ta galabnimo. Kulanku waxa uu ka dhici doonaa xarunta urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community ee ciwaankeedu yahay: 80 East Avenue, Hayes, UB3 2HR


Wa bilaahi tawfiiq,


Gudida Qaadhaan Uruurinta Wadada Ceerigaabo isla markaana ah Gudida Qaban-qaabada 18-ka May