Madaxwayne
Barack Hussein Obama iyo Nelson Rolihlahla
Mandella waxay kiciyeen hankii iyo haybadii ninka madaw.!.
- Maaliniba maalin ka tilmaamane,
waa 11-kii bishii labaad, sanadkii 1990-kii, waxa aduun weynaha meel
kasta oo la joogaba afka iyo dhegtu u irmaan yihiin oo hadalkiisa
iyo maqlkiisaba aad loo dhaadhyayaa nin in badan magaciisu ku jiray
war-is-gaadhsiinta caalamka, muuqiisana inta aragtay ay koobnayd oo
maalintan aan dusha ku soo sheegay laga soo daayay Xabis uu ku jiray
mudo ka badan 27 sanadood, waa nin aan godob iyo gaf toona cid ka
galin ee gardaro iyo u-xoogsheegasho u garbaduuban oo god dheer ugu
jira, danbiga uu u xidhan yahay ee lagu haystaa waa, waxa uu u
hadlay oo doonay inuu helo waxay isaga iyo dadkiisa iyo qofkastaaba
daw u leeyihiin oo ah, inay la mid noqdaan dadka kale ee qayrkood ah
ee guud ahaan aduunka ku nool, gaar ahaana dadka kula nool dalka
koonfur-Afrika, waxa uu diiday inuu qaato cad guneed aan u cuntamin
nin rag ah, waxa uu yidhi maya kala mudnaan midab ku salaysan, waxa
uu yidhi xabaal baan ka xigaa in dhulkii uu jad-ka-jad ka soo jeeday
ku noqdo qaxooti oo dad dhawaan yimid u sheegtaan, waxa uu diiday in
uu ka takoornaado qayrkii oo aan loo ogolaan meelaha/ magalooyinka
qaarkood, waxa uu diiday in barwaaqda dadkiisa uu isagu dhibteeda
iyo hawsheeeda yeesho marka la soo saarayo, maarka ay bislaato ee ay
calfad gaadhona dheefteedana ka qatanaado, gar-ku-dirika waxa uu ku
noqday ninkani sumad u taagan ka dhiidhiga cadaadiska, gumaysiga iyo
intii xaqdaro uun jirta ifkan aynu dul joogno, waxa kale oo noqday
Ilays u ah iftiin inta quus xaalkoodu yahay ee raajadu ku yaraatay,
waxa uu diiday inuu hanyari ku sifoobi oo tiisa uun raacdo, taasaa
keentay inuu hanto quluubta malaayiin qof oo ku nool aduunka..
- Ninkan magaciisa waxa la yidhaa, Nelson Rolihlahla Mandella ( oo
dhashay 18 juulaay 1918 ), intii uu ku jiray jeelka waxa uu ahaa nin
xaaladiisa aad loolaa socday oo caalamka laga og yahay, inkastoo ay
aad u sii xoogaysatay sanadihii u danbeeyay taasi, si aan loo
uus-aasin waxa dadka u ololeeyaa xaquuqal insaanka ay samayn jireen
banaan baxyo ka dhaca caalamka oo dhan oo lagu dalbanayo sii
dayntiisa iyo xoriyada u soo celinta isaga iyo inta la xidhan ee la
arinta ah, waxa kale oo cadaadisyo caalami ah oo heeraar kale duwn
leh la saaray maamulkii midab-takoorka ku dhisnaa ee dalka
Koonfur-Afrika ka taalin jiray xiligaa, waxa dalalka qaarkood
joojiyeen la macaamilka dalkan dhinaca wax kala iibsiga, ciyaaraha,
xidhiidhka diblomaasiga ah iwm. Taasi waxa ka dhashay inuu ku
sanduloobo maamulkii midab-takoorka ku dhinsaa inuu ku dhawaaqo inuu
sii daynayo ugu danbayntii marku in ka badan 27 gu, halyayga wayn ee
mudane Nelson Mandella jeel ku hayay.
- Markii dadku ogaaday maalinta la sii daynayo, waxa nin kastaaba uu
isku didyaariyay inaanu seegin araga/ qacda u horeeya ee Mandella
marka uu ka soo baxayo Xabsiga, oo ay maqal iyo muuqaal labadaba
aduun waynaha wariyayaashu ka haqab tirayeen, intii xasuusani way
xasuusan tahaye dib ayaa uu u yara dhacay oo waxbaa si yara noqday
oo yara raajiyay, taasi waxay sii xoojisay hamuuntii loo qabay
aragiisa oo waxa qof kasta ay xaraadu gaadhay halka ugu saraysa, ugu
danbayantii mudane Nelson Mandella oo ay gacmaha is haystaan
Xaaskiisii hore marwo Winnie Mandella, ayaa baabuur ka soo degay,
waxa hubanti ah in markaa nin kastoo arkayay ama maqlayayaba ilmo
inay indhihiisu xajin waayeen oo ay hibitiqeen, maxaa jidhiidhico
farxadeed ah ! maxaa Ciil bax iyo dareen guuleed ah ! maxaa garbaha
dad badan culays ka dhacay !. Waxa ay labadooda waa Mandella iyo
Winnie-e si tolmoon oo cudoon iyaga oo laba gacmood isku martay
labana dadka u wadhfinaya u soo talaabsadeen oo wajigoodana han iyo
hayabadi ka muuqato, daw loo qorsheeyay oo hareerahana ay tuban
yihiin kumaan-kun oo qof oo ka kala yimid daafaha aduunka, oo
dhamaantood u wada muraaqaysan aragaa Mandella !.Goobtaa iyo goortaa
ayay ka bilaabantay inay dunto qayb ka mid ah qaybihii ugu cuslaa ee
cadaaladii daradii lagu hayay ninka madaw ee ku nool aduunkan,
bartaasaana ay ku rumowday isla daqiiqadaa la soo daayay Mandella
inuu ninkii roonaa reerka u hadhay oo wataa Dalka Koonfur-Afrika oon
ogayn sidii uu ninka amadoobi ku ahaa, uu maanta ninkii madoobaa la
midka yahay ninka cad ee ay u siman yihiin, taasi waxay kor u qaadaa
milgadii ninka madoobi ku dhex lahaa aduunkan, mahadeedana waxa iska
leh guud ahaan intii ka qayb qaadatay halgankaa lagu wiiqayay habkii
midab-takoorka ahaa ( appartheid system ) ee ka jiray Koonfur-Afrika,
gaar ahaana intui noloshooda iyo naftooda u hurtay sida mudane
Nelson Rolihlaahla Mandella, oo noqday madaxweynahii u horeeyay ee
wadajir loogu doorta Dalkaasi ( 1994-1999 ), waxa uu dadkii madoobaa
u soo saaray xaqoodii isaga oon kuwa kalena ku xadgudbin ee in is
tixgalin iyo iskaashi lagu wada noolaado oo loo sinaado dalka ku
balaysimay, ku taliyay kuna idlaystay mudadii uu xilka hayay
- Mudane Nelson Mandella, hadaba hadii uu qaarada Afrika dalka ugu
awooda badan leh ka noqday madaxweyne, oo uu dadkii madoobaa ee
mudada badan habtu saarnayd heeryada ka rogay, waxa isna labeeyay oo
dabkii uu shiday Mandella si fiican u sii xaabeeyay oo olol kaga
duuliyay lagu wada diirsaday, ninkan hada loo doortay madaxweynaha
dalka aduunka ugu awooda badan leh ee Maraykanka, ninkaasi oo ah nin
magaciisa la yidhaa, madaxweyne Barack Hussein Obama, waxa aad ii
soo jiitay hawsha loo wada galay inuu soo baxo oo la doorto Obama oo
aan loo kala hadhin halku dhigeeduna ahaa '' Yes We Can '', markuu
soo baxay ee uu guulaystayna caalaamku sidii Nelson Mandella oo kale
ugu wada riyaaqay ka sokow, dhawr qof dareenkooda, sida ninka inta
badan u xaydnaa u dagaalanka xaquuqda dadka madaw ee Maraykan ah oo
ilmo farxada darteed haysan kari waayay ! , waa Jesse Jackson-e iyo
nin da' ah oo oday ah oo ka mid ahaa akartii Marayakanka ee la
dagaalamayay Jarmalka dagaalkii labaad, oo ka sheekeeyay sida aanu
ilaa hada u rumaysnayn in nin madoobi dalka Maraykanka oo dhib la
ogyahay naga soo gaadhay madaxweyne ka noqday !.
- Mudane Jesse Jackson, waxa uu soo bilaabay u doodka iyo u
dagaalanka xaquuqda ninka madaw mudo hada ka badan 60 sanadood, waxa
uu u soo taagnaa iyada oo loo diido dadka madaoobi inay meel la
fadhiistaan dadka cadaanka ah, inay baabuur la raacaan, inay wax la
bartaan, inay codeeyaan, inay meel kula noolaadaan, inay xataa wax
kale iska daayoo Musqul la wadaagaan, waxa uu mudane Jesse Jackson
ka soo qayb qaatay, dhaqdhaqaaqii qunyar socodka ahaa ee uu
hogaaminayay Marthin Luther King iyo weliba dilistiisii uu taa ugu
dhintay, waxa kale oo uu goob joog u soo ahaa halgankii wax iska
celinta ahaa Black panters iyo kii kale ee qadhaadhaa ee uu
hormoodka u ahaa geesigii Malcolm X, iyo weliba isna dilkiisii, waxa
kale oo uu goobjoog u soo ahaa, madaxdii kale ee cadaanka ahayd ee
qaybta wayn ka qaatay in la badalo sida loola dhaqmo dadka madaw,
sida Reer Kennedy-yadii madaxweynihii iyo walaalkii, iyo dhaamaan
dadkii kale ee qaybta wax ku oolka ah ka qaatay hawshaa, waxa markii
ay xaaladu ka soo raysay ee ninkii madoobaa loo ogolaaday waxyaabo
badan oo marka hore ka maqnaa, hadana mudane Jesse Jackson kor u
ganay hankiisa oo si ay ugu noqoto tusaale ninka madaw, uu isku
taagay jagada madaxweynaha ee dalka Marayakanka, isaga oo noqday
ninkii u horeeyay ee madoobaa ee hungureeya kursiga looga taliyo
dalkaasi, taasoo u noqotay dhiirigalin dadka madaw oo aan arkayno
maantaba in nin madoobi ku hoyanayo aqlka cad, waxaasoo isku tagay
ayaa ahaa waxa saaqay mudane Jesses Jacson, oo ay niman wariyayaal
ah oo markii lagu dhawaaqay inuu ku guulaystaya Obama tartankii
Filim ka duubayay dad tubnaa meel fagaare ah oo uu mudane Jesse
Jackson-a ku jiro, ayaa si fiican kamarada ugu muujiyay dareenka
Jesse Jackson iyo Ilmada indhuhu hurayaan farxada darteed, dareenkaa
faanfaanka iyo farxada eh ee mudane Jesse Jackson iyo intii kale ee
la wadaagtayba waxa uu isna markale soo nooleeyay hayabadiii ninka
madow !.
- Nin oday ah oo da' diisu aanay ka yarayn 80 sano ayaa ka mid ah
dad ka sii nool duuliyayaal madow oo diyaaradaha dagaalka ee
Maraykanka wadi jiray, oo ka qayb galay dagaalkii labaad ee
aduunwaynaha, ninkaasoo isaga oon filayn loo geeyay Tigidh uu ku
casuuman yahay iisaga iyo saaxiibadiisii kale waxii ka nooli inay ka
qaybgalaan madasha lagu shuumayo madaxweyne Obama 20-ka bishan
Kowaad, ayaa yidhi intay ilmo ka soo booday indhahiisa ee uu in door
ah aamusay, wali waxan rumaysan laayahay nin madoow ayaa dalkii
Maraykanka ee si la og yahay lanoogu bah-dilay madaxweyne loogu
doortay, waa wax iga degi la' oon maskaxdayda ilaa hada gali karayn
!. Isaga oo sii wata sheekada oo aad u murugoonaya marmar, marmarna
farxad iyo qaadan waa wajigiisa badalayo ayuu yidhi , waxan ka mid
ahaa Askar Duuliyayaal ah, oo la dagaalamayay Jarmalka, waxa aanu ka
takoornayn askaarta Cadaanka ah, waxanu ahayn dad la adeegsanayo uun
oo aan garanayn waxay u dhimanayaan, meel lamaanaan seexan jirin,
wax lamaanaan cuni jirin, iyada haba soo qaadin arin aanu ku
darasano hawsha aan ku jiray, wax kastaba maskaxdayda ka haalayoo
aniga oo nool ayaan ka qayb gali ama aan arki nin madaw oo dalkii
waxaasi iga soo gaadheen xukumaya marna kuma riyoon, rajona kamaan
qabin ayuu yidhi ! waa yaab iyo lama filaan ayuu ku xidhay
hadalkiisii, waxase sii socotay oo uu joojin kari waayay isna sida
ku dhacday in badanoo kale oo la dareena Ilmada ay Indhuhu shubayaan.
Waana dareenadaa kuwa maraga ka ah in ninka madoobi aanu kii hore
ahayn, oonu mar danbena sidi hore noqon doonin ee hada aka dib
garabka nin kale oo kasta laga filo. Rag iyo dumar badanoo ay ku
jiraan labada mudane ee aan sheekada uga dhigay magaca ayaa keenay
in isbedelkaasi ku yimaado caalamka. Marka sidaa loo eego waxii ay
dadka madoobi soo mareen ee ka soos daabasheen, waxan odhan karnaa
wax u hadhay maanta ninka madoobi oo uu laacaa ma jiro, waa gaadhay
halkii ugu saraysay ee qof gaadhi lahaa aan dhib iyo xumaan isagu
samaynaynin '' madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto'' , ee
halkaasuun haka sii wadaan..
- Magacyadan xasuuso, Nakruuma, Lamuumba, Gaandhi, Maxamad cali
kilay, Roza Parks, Marthin Luther King, Malcolm X, iyo kuwa kale oo
badan.Waxay tusaale inoogu yihiin mudanayaashan iyo
ujeedooyinkooduba in wax kasta la gaadhi karo, hadii loo guntado..
Somaliland ha
jirto oo ha Joogto
Qoraaga Weyn: Cali
Cumar Xasan |
|