“Ninka Qabtay Sheekh Masaajid ka Hadlay waa Halkii ugu Dambaysay Dulmiga  Ciidammada iyo Shacbiga Waxaan Leeyahay Yaanu isku Kiin Dirin Nin Qol ku Dhuumanaya” Wasiiru-dawlihii hore ee Hawlaha Guud - Aadan Ruush

 

Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mr. Aadan Maxamuud Diiriye (Ruush), ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyey inuu diiddan yahay in cid kale kula tartanto hoggaaminta dalka, sidaa awgeedna uu abuurayo khalkhal-gelin iyo nabadgelyo-darro.


Mr. Ruush waxa uu sheegay in nabadgelyadu ku dhisan tahay shacbiga, isla marka ana ilaalinta masuul ka ahayn shaqsiyaad kooban oo iyagu iska raaxaystay. Sidaa waxa uu kaga dhawaaqay shir-jaraa’id oo uu shalay qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.


Wasiiru-dawlihii hore waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay marxaladda siyaasadeed ee waqtigan dalku galay, isagoo ciidammada kala duwan ee Somaliland u soo jeed iyey in ay iska ilaaliyaan adeegsi kasta oo lagu muquuninayo shacabka sugidda ammaanka uga masuulka yihiin.


“Waxa dadka laga dhaadhiciyey nabadgelyo-darro ayaa la abuurayaa. Marka hore waxa isweydiin mudan nabadgelyada dalku caano-maalay yaa sameeyey? Waxa sameeyey dadka iyo ciidammada baahan ee aan haysan dhaqaale iyo mushah arooyin ku filan. Nabadgelyada afar nin oo Madaxtooyada ku raaxaysanayaa ma hayaan ee iyaga ayaa abuuraya nabadgelyo-darrada iyo khalkhalinta dadweynaha. Waxa nabadgelyo-darrada abuuraya ninka [Rayaale] yidhi, ‘cid ilama tartami karto.’


Waxaan tegay hudheelka Imperial oo UDUB shir ku haysato, waxaan tegay hudheelka Arraweello (Crown) waxaan arkay KULMIYE oo laga horjoogsaday oo bannaanka ku shiraya; markaa ma nabadgelyo ayaa la ilaalinayaa, mise nabadgelyo-darro ayaa la abuurayaa?,” ayuu yidhi Aadan Ruush.


“Waxa kale oo dhacday xalay [habeen hore] gawaadhidii oo dhan ayaa laga horjoogsaday in ay magaalada Hargeysa soo galaan. Bal dulmigaa eega! Maxaa baabuurta loo horjoogsaday, ma hub bay sideen; dad rakaab ah ayey sideen, markaa xukuumadda tallaabooyinkaas qaadaysaa ma nabadda ayey ilaalinaysaa, mise nabadgelyo-darro ayey abuuraysaa? Waxa nabadgelyo-darrada abuuraya kuwa madaxtooyada ku raaxaysta oo leh cid ilama tartami karto, taas ayaanan doonayaa in aan shacbiga u bandhigo in iska ogaadaan.”


Mr. Aadan Ruush oo si gaar ah ula hadlayey ciidammada qaranka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxa uu yidhi; “Ciidammada waxaan leeyahay shacbigu waa dadkiinii ee yaan laydunku khuukhin ee ka feejignaada. Shacabku waa ciidankii dalka, ciidankuna waa shacabka oo walaalo, waxaanan leeyahay ciidanka dirayska sitaa waa ciidankeennii ee ilaaliya oo yaanu isku kiin dirin nin qol ku dhuumanaya. Ciidanku waxay halganka ugu soo jireen waa in ay dalka iyo dadkooda ka difaacaan cadow ku soo duula, balse ma aha in iyaga loo adeegsado, arrintaasna ha laga feejignaado.”


Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday muddo-kordhinta cusub ee Golaha Guurtidu xil-haynta ugu kordhiyeen Madaxweynaha, go’aankaas oo uu ku tilmaamay mid Rayaale ka dhiganayo cimri-dherer, isla markaana dalka abuuri kara xasillooni-darro ka dhalan karta cabudhinta shacbiga lagu hayo, waxaannu madax-dhaqameedyada, aqoonyahannada iyo guud ahaan ummadda Somaliland ugu baaqay in dalkooda ilaashadaan, fiiro gaar ahna u yeeshaan cidda nabadgelyo-darrada.


“Ilaahay dhulkiisa waxa uu ugu jecel yahay masaajidka, markaa masaajidkii Ilaahay haddii la farogeliyey waa dhibaato. Ninka qabtay sheekh masaajid ka hadlay waa halkii ugu dambaysay dulmiga, taasina waxay ina xusuusinaysaa culimadii Xamar lagu laayey,” ayuu yidhi Aadan Ruush oo ka hadlayey xadhiggii xukuumaddu kula kacday qaar ka mid ah culimaa’udiinka Hargeysa Jimcihii toddobaadkan.



 

 

 


Jamhuuriya Online