Ninka yidhi "Jamaalow geed iskaga xidh
Eng.Faysal" habeena muu jirin


 


Maah-maah Somalilandera ayaa tidhaa "Qof walba tusbax qumane la yidhaa ayaa qoorta u sud han" waxa aan dooranayaa inaan wax yar ka tilmaamo aragti uu Mudane Abdifatah ka bixiyay Gudoomiyaha xisbiga UCID,adeegsadayna Radio- Hadhwanaag. Mudane Abdifatah waxa uu En g.Faysal ku dhaliilay inuu kaga baxay arrin ay iyagu ka wada hadleen oo ku saabsanaa sidii uu xisbiga UCID uga mid noqon lahaa.Waxa uu sheegay inuu Eng.Faysal wareejiyo Gudoomiyo-nima da, kana tanaasulo.musharax-nimada.


Asalkaba siyaasada hadii uu muwaadin ku dhex jiro waa inuu aqoon u leeyahay qaab dhismeed ka xisbiyada dalkeena ka jira.Markaa waxa aan odhan lahaa Abdifatah inuu xaal mariyo xisbiga UCID,Waayo waxa uu ka talaabsaday gebi ahaan muwaadiniyiinta hogaanka,fulinta,golaha dhex e iyo taageerayaasha xisbiga UCID.Waxa aragtidiisa ka muuqata inuu xisbiguba yahay Eng.Fay sal,kelidiina ka taliyo.Taasina waa arrin ugub ku ah saaxada diblumaasiyada oo weliba Abdifat ah ahaa muwaadin hayn jiray jago diblumaasiyadeed.Waxa aan hadaba Abdifatah xasuusinay aa arrimaha hoos ku xariiqan:

1. Xisbiyada qaranku waa sida dalka oo waa la wada leeyahay,taladoodana waa la wada leeyah ay.

2. Xisbiga UCID maaha mid uu nin keli ahi ka taliyo ee waa xisbi talo wadaag leh.

3. Xisbiga UCID waxa wadaaga qayb ka mid ah shacabka Somaliland,kuna soo tabcay muddo ka badan 12sanno.

4. Xisbiga UCID waxa maal,maskax,cod iyo waqti ku bixiyay.

Waa arrin qofka muwaadinkii ka xishoodo inuu xisbi qaran ka soo qaado xubin ka mid ah xisbig a,kana dhigo guri uu Eng.Faysal gaar u leeyahay.Waxaan xasuusinayaa Mudane Abdifatah ina an ka mid ahaa Gudida fulinta UCID ee goŽaanka ka gaadhay arrinka uu ku eedaynayo Gud.Fays al.Labada goor ee uu tilmaanta ka bixiyay kuna saabsan wadahadaladii na dhex maray xubno muddo gaaban xisbiga UCID ka tirsanaa markii danbana samaystay urur siyaasadeedka Xaqso or oo naga mudan sharaf iyo tixgelin iyo arrinka uu ka dhawaajiyay ee ku saabsan Mudane Abd iraxmaan Cirro.Horta asalkaba hadii qofku aanu si qoto dheer xogogaal ugu noqon xisbi soo jir ay muddo dheer waxa uu kaga warami karaa way koobantahay waana ta sababtay Mudane Ab difatah inuu gaar ula baxo Eng.Faysal oo aan anigu u arko inuu meel kaga dhacay shaqsiyada Eng.Faysal,waxaan lagu aqoon-na ku sheegay Faysal.

Ta ku saabsan Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyada ku dheeraan maayo oo xisbigii uu ka soo bax ay,kana midka ahaa hogaankiisa ayuu maxkamad saaray.

Mudane Abdifatah ha ogaado inuu gudida fulinta iyo 7da xubnood ee hogaanka xisbiga UCID ga adhay goŽaankii lagu daadifeeyay inuu xisbigu yeesho Gudoomiye iyo Musharax aan xisbiga ka tirsanayn 2sanno.Xisbiga UCID, talaabo kasta oo siyaasadeed kuna jihaysan aayaha hogaanka xisbiga iyo siyaasada uu ku dhaqmayo iyo ta uu dalka ku hagi doonaba.waxa laga duulaa xeer ka xisbiga UCID u yaala.Waxaana fuliya hadba cidda hawlaha xisbiga gacanta ku haysa,ha noqo to,hogaanka,fulinta ama golaha dhexe.Waxa kale oo aan xasuusinayaa inaanu goŽaanka lahayn Eng.Faysal ee shacabkii ku soo tabcay xisbiga UCID mudda dheer uu goŽaansaday inuu aqoon- yahan Jamaal Cali Xuseen musharaxa xisbiga noqdo.


Waxaan leeyahay Mudane Abdifatah maah-maah Somalilander ah ayaa tidhaa "Laguma dhaam ee dhaqaaq."
 

 

 


Xuseen Xasan Badmaax

Xog/Arrimaha Gudaha
UCID

hbadmah@yahoo.com