Hargeysa: Dacwad Ka Yaabisay Dhegaha Dadweynaha Oo Loo Haysto Nin Jarmal Ah

 



Hargeysa (TNN)- Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa dib u dhigtay doraad dhageysiga dacwad ka dhan ah eedaysane u dhashay waddanka Jarmalka oo loo haysto falal ka baxsan Anshaxa suuban ee Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.

Maxkamaddan oo la filayay inay doraad guddo gasho dacwaddan oo la xidhiidha faraxumeyn iyo  filli mo xun-xun oo loo haysto in eedaysanahani ka sameeyay haween reer Somaliland ah ayaa dib loogu riixay ilaa 23-ka bisha oo barri ah, sidda ay warbaahinta u sheegeen garsoorayaasha gacanta ku haya kiiska.

Ninkan la maxkamadaynayo ayaa ah nin Jarmal ah oo ka ganacsada Khadadka iyo qalabka wax lagu  d aabaco, waxaana la sheegay inuu si fawaaxish ah ula macaamilay Dumarka Reer Somaliland qaarkood  isagoo sidda la wariyay ka qaaday Sawiro sharci daro ah.

Ninkan ayaa sida la sheego waxa uu Dalka Joogay mudo ku siman Afar sano isagoo la xididay Qoys  re er Somaliland ah, isla markaana waxaa la wariyay inuu Islaamay , hase yeeshee waxa lagu eedayna yaa inuu ku kacay arrimo ka soo horjeeda Diinta Islaamka, dhaqanka Somalida iyo Xuquuqda gaar  ah aaneed taasoo uu kula kacay Dumar.

Ciidamadda Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaas lagu eedaynayo falalkaasi oo la sheegay in loo hayo cadaymo uu isagu iska duubay kuwaasoo ku kaydsanaa Kombuyuutrakiisa balse ay Booliisku heleen, kadibna lagu sameeyay baadhitaan lagu eegayay xaqiiqada arrintaas.


Dhacdadan waxa si weyn uga Gil-gishay Culimadda reer Somaliland oo lahaa sababta qabashadiisa  si da ay wararku sheegeen, waxaanay Xukuumadda ka dalbadeen in sharciga la mariyo isla markaana lagu sameeyo baadhis ka qoto-dheer ficilada lagu haysto.

Dhinaca kale,agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Ibraahim Ismaaciil  Max amed ayaa sheegay in ay Wasaarad ahaan taageersanyihiin Maxkamadda la saarayo Edaysanahan loo haysto falal ka baxsan dhaqanka suuban.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu, waxa uu sheegay in qofka aan haysan diinta Islaamka ee Falal noocan oo kale ah kula kaca haween Muslimiin ah shareecada Islaamku qabto in la dillo oo la qisaaso. Si kastaba ha ahaatee, arrintan oo fajac iyo qaadan waa ku ridday shacbiga  Soma liland, waxaa la eegayaa waxaa ka soo baxa dacwadda iyo Maxkadda qaadaysa ee la filayo sidda bala ntu tahay.
 

 


Source: Somaliland.Org