Nabada Ceel-berdaale qaali weeyaan, kay qalooc la tahay waa sicii fiito-waraari
 

 



Marka hore waxaan hanbalyaynayaa nabada la isla qaatay ee lagu soo afjaray colaadii muddo ka aloo snayd deegaanka Ceel-berdaale. Marka xiga meelna qalooc kagama jiro, sida ay cuqaasha qaar ku  doo day. Waa nabad oo wiil ku dhasha mooyee wiil kuma dhinto. Tan ceel-berdaale mabay fogeen oo awlba gadaanka ayay saaray. Wiil iyo Abtigii, ilma abtiyaal iyo habrawadaagyo ayaa murankii madaha  beera ha ka heshiiyey. Xiitaa umma baahna gabdo la isdhaafsado oo hore ayaa kumayaal la isku dhaafsaday. Haddaba qaloocan ay sheegayaan xagguu kaga jiraa. Siday dadka deegaanku aaminsan yihiin qalooc m a jiro ee jira sac fiito-waraari.


AFartan sac ayaa xero ku wada jiri jirey. Habeen walba waa isku gadoodaa oo way isdishaa, geesaha ayay isdartaa. Markii ninkii lahaa yaabay, ayuu kala qaybiyey oo labaatanba xero gooniya ku ooday. Labaatan ayaa isdiley, labaatan nabadbay ku seexdeen. Labaatankii isdiley ayuu toban iyo tobanka  dh igay. Toban baa isdiley, tobankii kale nabad ayay ku seexdeen.Tobankii isdiley ayuu shan iyo shan ka dh igay. Shan baa isdishey. Shantii buu sedex iyo laba ka dhigey. Labadii ayaa isdiley. Markaasuu arkay ne efkan lo’ada iyo isagaba dhibay in uu yahay sicii geeska weynaa ee fiito-waraariga ah.



Anigu daah kama rogin, laakiin waxaan filayaa in deegaanka Ceel-berdaale labada dhinacba in ay  arkee n Sicii geeska weynaa ee ay hurdada ka ledi waayeen ay arkayaan oo nabaday gaadheen ay ka  ilaash an karayaan.

 

 

 

 

Hamud Duale